Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS

Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS

Share

Waa Facebook-ga Rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomalia

Photos from Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS's post 29/04/2026

:

Wasirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomalia" Ayaa Manta ka qeybgalay kulan Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Mudane Tom Fletcher, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, wax ka qabashada saameynta abaaraha, iyo taageerada dadka barakacay ee ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay baahida loo qabo in la kordhiyo gurmadka degdegga ah iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara xaaladaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.

Tom Fletcher ayaa adkeeyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan xaaladaha nugul. Waxa uu tilmaamay in booqashadiisu ay qayb ka tahay qiimeyn lagu sameynayo baahiyaha dhabta ah ee ka jira goobaha ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.

kulanka ayaa hogaamiye jibriil waxaa kala qeybhalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada

DHAMMAAD

05/04/2026

Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta soo gaarey Baydhabo.

Photos from Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS's post 19/03/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed, oo kaashaneysa Hay’adda SODMA, ayaa deeq raashin ah gaarsiisay Xarunta Agoonta Alfirdows iyo Isbitaalka Dhimirka ee magaalada Baydhabo.

Deeqdan oo isugu jirta bur, bariis, sonkor iyo saliid ayaa waxaa si rasmi ah ugu wareejiyey maamulada xarumahaasi Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Baydhabo, Mudane Aadan Cali Aadan (Carab), oo wakiil ka ahaa hay’adaha bixiyey gargaarka.

Maamulaha Madrasada Carruurta Agoonta Alfirdows, Sheekh Cabdifataax, iyo Agaasimaha Isbitaalka Dhimirka Baydhabo ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyey deeqda raashinka ah ee la soo gaarsiiyey, iyagoo ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doonta baahiyaha ka jira xarumahaasi.

18/03/2026

Ku dhowaan 300 Boqol oo qoys danyar ah oo Wasaaradda Gargaarka Dowladda KGS gaarsiisey Deeq Raashin ah .

Photos from Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS's post 18/03/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Koonfur Galbeed, oo kaashaneysa Hay’adda SODMA, ayaa maanta deeq raashin ah u qeybisay ku dhowaad 300 oo qoys oo danyar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo ku nool magaalada Baydhabo.

Deeqdan raashinka ah oo isugu jirtay bur, bariis, sokor iyo saliid ayaa la gaarsiiyay qoysas ay saameyn ku yeesheen abaarta ka jirta dalka, si looga caawiyo xaaladda nololeed ee adag ee ay wajahayaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdullaahi Isxaaq Macalin (Ganey), ayaa xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto gurmadka iyo taageerada la gaarsiinayo qoysaska ay abaartu saameysay.

Sido kale Wasiirka ayaa sheegey in Biyo dhamaan ay ka wadaan Kamamka iyo tooyinka hoos yimada Baydhabo.

Photos from Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS's post 16/03/2026

Baydhabo: Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Koonfur Galbeed, oo kaashaneysa Hay’adda SODMA, ayaa maanta deeq raashin ah u qeybisay ku dhowaad 300 oo qoys oo danyar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo ku nool magaalada Baydhabo.

Deeqdan raashinka ah oo isugu jirtay bur, bariis, sokor iyo saliid ayaa la gaarsiiyay qoysas ay saameyn ku yeesheen abaarta ka jirta dalka, si looga caawiyo xaaladda nololeed ee adag ee ay wajahayaan.

Ugu horreyn waxaa madasha ka hadlay Kaliyaha Hay’adda SODMA, Cabdiraxmaan Maxamed, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Baydhabo, kuwaas oo sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen abaarta.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdullaahi Isxaaq Macalin (Ganey), ayaa xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto gurmadka iyo taageerada la gaarsiinayo qoysaska ay abaartu saameysay.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah qoysaskii ka faa’iideystay deeqda raashinka ayaa ka hadlay dareenkooda, iyagoo uga mahadceliyay dowladda iyo hay’adaha ka qeyb qaatay gargaarka.

Photos from Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS's post 02/03/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka Dowladda K/Galbeed ayaa Maanta kudhawaad 200 oo qoys oo ay saameysay abaarta deeq raashiin ah ugu qeybisay Deegaanka Lafoole oo kamid ah Deegaanada dadka ugu badan kusoo barakeceen ee Gobolka Sh.hoose.

Gudoomiyaha Deeegaanka Mudane Nur ibrahim Osman (Nur-Jiiley)oo ay wehliyaan kuxigeenkiisa Arimaha Bulshada iyo iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka Dowladda K/Galbeed ee Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Sa'id Mohamed Ad'ed ayaa Goojoob ka ahaa qeybinta Raashiinkan oo loogu talagalay inay dadka ku afuraan.

Qoyskiiba waxaa la siiyay Raashiin dhan 25kg Bariis ah,25kg Bur ah, 10kg Baasto ah,10kg Sokor ah,1kg timir ah, Sadaxle Saliid iyo gasac Caana-boora ah, ugu dambeyn dadkan ayaa u mahadceliyay Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo Kan Deeegaanka Lafoolle.

Photos from Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS's post 12/02/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa 10–11 Febraayo 2026 qabatay kulan dib-u-eegis iyo isku-duwid ah oo lagu qabtay degmooyinka Baydhabo, Hudur, iyo Afgooye, kaas oo ay ka qayb galeen Guddiyada Maareynta Masiibooyinka Degmooyinka (DDMCs) iyo Guddiyada Maareynta Masiibooyinka Heer Xafad (VDMCs).

Kulammadan ayaa ujeedkoodu ahaa xoojinta hababka isku-duwidda, adkeynta digniinta h**e iyo tallaabooyinka degdegga ah ee heer bulsho, iyo hagaajinta hababka warbixinta iyo ka jawaabidda si loo yareeyo khataraha masiibooyinka.

Intii ay socdeen kulammada, ka-qaybgalayaashu waxay ka wada hadleen doorarka iyo waajibaadka guddiyada, waxayna aqoonsadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu sii xoojinayo u-diyaar-garowga masiibooyinka, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya heer degmo iyo heer bulsho si wax looga qabto khataraha masiibooyinka, gaar ahaan abaarta socota iyo khataraha kale ee la xiriira isbeddelka cimilada ee saameynaya Koonfur Galbeed.

Kulammadani waxay sidoo kale xoojiyeen Maareynta Masiibooyinka ee Ku Saleysan Bulshada (CBDRM), iyagoo dhiirrigelinaya isku-duwid heer walba ah si loo xaqiijiyo tallaabo degdeg ah iyo ka jawaabid wax ku ool ah marka ay dhacaan masiibooyinka.

10/02/2026
Photos from Southwest State of Somalia's post 10/02/2026
10/02/2026
09/02/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DKGS Mudane Wasiir Abdinasir Abdi Arush ayaa maanta magaalada Baydhabo raashiin gargaar ah ugu qeybisay qoysas danyar ah oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Villa Kgs
Baydhabo