Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS, Police station, Villa KGS Baydhabo Somalia, Baydhabo.

18/07/2026

General mahad Abdirahman aadan kusoo dhawoow Dhuulkaaga iyo dadkaaga oo ku jecel,

16/07/2026

TALISKA BOOLIISKA GAARKA AH EE DOWLADDA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA (DKGS)

Taliska Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (DKGS) wuxuu si cad u sheegayaa in go'aankii ciidamadu uga baxeen magaalada Baydhabo uu ahaa go'aan istaraatiiji ah oo lagu ilaalinayey nafaha shacabka iyo hantidooda, si looga baaqsado in magaalada gudaheeda lagu galo dagaal sababi kara khasaaro soo gaara bulshada rayidka ah.

Taliska wuxuu mar kale caddeynayaa inuu weli si buuxda ugu taagan yahay mabda'aas, isla markaana uusan marnaba oggolaan doonin in shacabka Baydhabo lagu dhex dagaallamo ama magaalada laga dhigo goob colaadeed.

Sida aan h**ey u sheegnay, waxaa jira kooxo la shaqeynaya Khawaarijta kuwaas oo isku dayaya inay weerarro ka fuliyaan magaalada Baydhabo, gaar ahaan xilliyada habeenkii. Taliska wuxuu si adag u cambaareynayaa falalkaas wuxuuna uga digayaa cid kasta oo ku lug leh qorshe kasta oo halis gelinaya amniga shacabka.

Taliska Booliiska Gaarka ah ee DKGS wuxuu digniin adag u dirayaa dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha la saftay Khawaarijta, kana qayb qaadanaya falalka amni-darrada. Waxaa la gudboon inay si degdeg ah uga tanaasulaan falalkaas iskana fogeeyaan la shaqeynta argagixisada haddii kale waxay muteysan doonaan tallaabooyin waafaqsan sharciga iyo waajibaadka hay'adaha amniga.

Taliska wuxuu shacabka ugu baaqayaa inay ilaashadaan deganaanshahooda kana fogaadaan wararka marin-habaabinta ah, isla markaana la shaqeeyaan hay'adaha amniga si loo sugo nabadda iyo xasilloonida.

Guushu waxay raacdaa kuwa xaqa u taagan.
Wabillaahi Towfiiq,

13/07/2026

Ha is raacdo ✅👈 Gudaha iyo Banaanka,

11/07/2026

👁️🦅

09/07/2026

AMAR IYO DIGNIIN RASMI AH

Taliska Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu si adag ugu digayaa cid kasta oo ku lug leh falal lid ku ah amniga, kala dambeynta iyo xasilloonida, ama gacan ku siinaysa falalkaas, inay si degdeg ah u joojiyaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Waxaa si gaar ah loogu amrayaa askarta ka baxday waajibaadkooda inay si degdeg ah ugu soo laabtaan xarumaha rasmiga ah ee taliska, kana tanaasulaan fal kasta oo jebinaya sharciga iyo anshaxa ciidamada.

Taliska wuxuu caddeynayaa in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo khatar gelinaya amniga shacabka iyo hay'adaha dowladda. Qof kasta oo ku adkeysta falal sharci-darro ah ama bixiya taageero toos ah ama mid dadban wuxuu la kulmi doonaa tallaabooyinka uu sharcigu dhigayo.

08/07/2026

WAR-SAXAAFADEED DEG-DEG AH

​Summad: TCBG/DKGS/08-07-2026

Taariikh: 08 July 2026

Halka uu ka soo baxay: Baydhabo, Koonfur Galbeed Soomaaliya

​KU: Bulshada reer Koonfur Galbeed iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed

UJEEDDO: Beenis iyo Caddeyn Rasmi Ah

​Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu si cad u beeninayaa wararka been-abuurka ah ee saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in duqeymo lala beegsaday dad rayid ah oo xoolo-dhaqato ah.

​Waxaan xaqiijineynaa in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana loogu talagalay in lagu abuuro jahawareer, cabsi iyo kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

​Xaqiiqada Howlgalka iyo Bartilmaameedka:

​Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah wuxuu halkan ku caddeynayaa in duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha saaxiibada dalka ee Turkiga lala beegsaday rag hubeysan oo nabad-diid ah, kuwaas oo khatar ku ahaa nabadda iyo xasilloonida deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

​Shaqsiyaadka howlgalkan lagu bartilmaameedsaday waxay ahaayeen xubno h**e uga goostay nidaamkii rasmiga ahaa ee Ciidanka Booliska Gaarka ah ee DKGS, kuwaas oo si cad ugu biiray kooxaha argagixisada ah ee ka howlgala deegaannada ay maamulaan nabad-diidka Al-Shabaab.

​Baaq iyo Digniin:

​Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee DKGS wuxuu ugu baaqayaa shacabka sharafta leh:

​Feejignaan: Inay ka fogaadaan wararka been-abuurka ah iyo dacaayado kasta oo ay faafinayaan kooxaha nabad-diidka ah iyo dadka la shaqeeya.

​Xog-raadsi Sax Ah: Inay xogta saxda ah ee ku saabsan amniga ka qaataan mar walba warbaahinta rasmiga ah iyo hay'adaha ku hadla afka dowladda.

​Wadashaqeyn: Inay sii wadaan garab-istaagga iyo wadashaqeynta dhow ee ay la leeyihiin ciidamadooda amniga si loo difaaco nabadda iyo nidaamka.

​– DHAMMAAD –

​Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya

06/07/2026

WAR-SAXAAFADEED RASMI AH
Ku: Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo iyo Nawaaxigeeda
Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (DKGS) wuxuu si cad ugu wargelinayaa bulshada ku nool magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda in kooxaha hubeysan ee ku kacaya barakicinta shacabka, isla markaana isku sheegaya inay ka tirsan yihiin Ciidanka Booliska Gaarka ah ee DKGS, aysan wax xiriir ah la lahayn taliska rasmiga ah ee ciidanka.
Taliska wuxuu caddeynayaa in shaqsiyaadkaasi aysan matalin Ciidanka Booliska Gaarka ah ee DKGS, ayna yihiin maleeshiyaad hubeysan oo ku howlan falal ka baxsan sharciga iyo waajibaadka hay'adaha amniga.
Taliska wuxuu bulshada uga digayaa inay ka feejignaadaan kooxahaas, isla markaana ay la shaqeeyaan hay'adaha amniga ee rasmiga ah si loo ilaaliyo nabadda, amniga, iyo kala dambeynta.
Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (DKGS)
Dhammaad

03/07/2026

Yurkud 👀

02/07/2026

War Farxad leh naga suga 👈🇦🇿

01/07/2026

HAMBALYO 1-DA LUULIYO
Taliska Booliiska Gaarka Ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (DKGS) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo, oo ah maalinta xorriyadda iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabaddan qiimaha badan waxay astaan u tahay halgankii geesiyaasha Soomaaliyeed ay u soo mareen gobannimada, midnimada iyo dhismaha qaranka. Waa maalin dib u xusuusinaysa waajibaadka naga wada saaran ilaalinta nabadda, xasilloonida, wadajirka iyo horumarka dalkeenna.

Taliska Booliiska Gaarka Ah ee DKGS wuxuu mar kale u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Hambalyo 1-da Luulyo, isagoo ku baaqaya in la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo difaaca qarannimada Soomaaliya.
Hambalyo 1-da Luulyo. Soomaaliya ha noolaato. 🇸🇴

Want your business to be the top-listed Government Service in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Villa KGS Baydhabo Somalia
Baydhabo