Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Share

SOUTHWETS STATE TELEVISION. KGS TV

08/05/2026

Isu-soo baxyo waaweyn oo ay dhigeen taageerayaasha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta ka dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, kuwaas oo lagu muujinayey taageerada shacabka iyo u diyaar garowga doorashooyinka qof iyo codka ah.

08/05/2026

Musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Ilyaas Cali Nuur oo Olole doorasho oo balaaran kawada magaalada Baydhabo.

Photos from Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 08/05/2026

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday degmada Qansaxdheere ee Gobalka Bay Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha Mudane Suudaani iyo Mudane Mahad oo ka tirsan Golaha Deegaanka, ayaa sidoo kale lagu muujiyay taageero ballaaran oo loo hayo musharraxa xilka madaxweyne, Sheekh Aadan Madoobe.

Munaasabaddan oo si weyn uga muuqday midnimo, wadajir, iyo taageerada shacabka. Ayaa Dadkii ka qeybgalay muujiyay garab istaag iyo taageero ay u hayaan hoggaamiyaashooda, iyagoo ammaanay dadaallada iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarka iyo mideynta bulshada.

Photos from Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 08/05/2026

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehelinaya Xoghayaha Guud ee Guddiga, mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu soo xirayay tababarka laguna dhaarinayay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona magaalada Baydhabo ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

08/05/2026

Xisbiga JSP oo malintii 2-aad olole balaaran ka wada degmada Bardaale ee gobolka Baay.

08/05/2026

Xisbiga JSP oo maanta magaalada xuddur kulan dadweyne oo ololaha doorashada kor loogu qaadaayo ku qabtey degmada xuddur ee xaruunta G/bakool.

08/05/2026

Musharax madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa deeq xoolo ah oo isugu jirta laba neef oo geel ah iyo 20 neef oo ari ah ku wareejiyay ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo Ciidanka Nabad-ilaalinta Itoobiya ee ku sugan degmada Diinsoor.

08/05/2026

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP ayaa manta Ololihiisa wacyigelinta doorashada ka sameeyay degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool

08/05/2026

Xisbiga JSP ayaa maanta degmada Wanlaweyn ka sameeyay olole siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo ay shacabka ugu soo bandhigayeen aragtidooda siyaasadeed iyo qorshaha ay u hayaan horumarka bulshada.
Ololahan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, dhalinyaro, haween iyo waxgarad, kuwaas oo si weyn u dhageystay fariimaha iyo himilooyinka xisbiga.

JSP ayaa diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada, horumarinta adeegyada bulshada iyo ka qeybgalka shacabka ee doorashooyinka qof iyo codka ah. 🗳️

08/05/2026

Musharrax Madaxweyne Ilyaas Cali Nuur, xubnaha Urur Siyaasadeedka Maroodiga ee Ramaas iyo boqolaal taageerayaal ah oo ololle balaaran sameeyey ayaa socod dheer ku maray xaafadaha magaalada Baydhabo.

08/05/2026

Wasiir Eeley iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed oo hoggaaminayey isu-soo baxyo waaweyn oo taageerayaasha JSP ee magaalada Baydhabo ay ku muujinayeen cududdooda doorashooyinka qof iyo codka ah.

Want your business to be the top-listed Government Service in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Baydhabo
252