26/03/2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mohamed Nor Fanah, ayaa si rasmi ah u furay shir wadatashi ah oo ku saabsan ansixinta (Validation) Siyaasadda Xalalka Waara (Durable Solutions Policy) ee Koonfur Galbeed.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Barakacayaasha Koonfur Galbeed, Mudane Abdulkadir Copra, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Samafalka ee Gobolka Baay, Mudane Adan Hassan, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay dejinta siyaasaddan.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in dib-u-eegis lagu sameeyo xogta iyo talooyinka laga soo aruuriyay Siyaasadda Xalalka Waara, si ay uga dhiibtaan fikradahooda ka qeybgalayaasha oo isugu jiray wasaaradaha dowladda, hayโadaha, iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Mashruucan ayaa waxaa taageeray Hayโadda IOM, oo door muhiim ah ka qaadatay hirgelinta iyo horumarinta geeddi-socodka siyaasaddan.
Wasaaradda Qorsheynta waxay ka goโan tahay in siyaasaddan lagu saleeyo wadatashi, isla-xisaabtan iyo ka-qaybgal ballaaran, si loo xaqiijiyo xalal waara oo wax ku ool.
19/03/2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdulhakim Mohamud Fiqi, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul-Fitr u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed.
Wasiirka ayaa Alle uga baryay in uu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii bisha barakeysan ee Ramadan, isla markaana uu nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo.
Ciid Mubaarak! ๐
09/03/2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Mohamed Nor Abdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka saddex-biloodlaha ah (Quarterly Review) ee Quarter-ka Afaraad (Q4) ee mashruuca BRICS III.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda, ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasaaradaha iyo hayโadaha ka shaqeeya mashruuca BRICS, iyo sidoo kale maamulka Gobolka Bay. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista howlaha mashruuca iyo horumarka laga gaaray muddadii uu socday.
Maadaama shirkan uu ku soo aaday gabagabada mashruuca BRICS, Wasiir Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay dhammaan hayโadaha iyo bahwadaagta mashruuca dadaalka iyo adeegga ay bulshada u fidiyeen intii uu socday mashruucu.
Ugu dambeyn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay hayโadaha ka shaqeeya degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah ugu gurmadaan bulshada ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka.
04/03/2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdulhakim Mohamud Fiqi, oo uu wehliyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Abdinasir Arush, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Madaxa Qeybaha Horumarinta iyo Siyaasadda ee Safaaradda Dowladda Jarmalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Jarmalka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo taageerada bulshada.
Labada Wasiir ayaa masโuuliyiinta Safaaradda Jarmalka warbixin ka siiyay xaaladda abaaraha ee hadda ka jirta Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo dadaallada ay dowladdu wado ee ku aaddan wax ka qabashada saameynta ay abaaruhu ku yeesheen bulshada.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo bandhigay baahiyaha mudnaanta leh ee gobolka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo mashaariicda horumarineed, si loo taageero bulshada nugul loona kordhiyo adkeysiga bulshada ee ka gudubka duruufaha adag.
Ugu dambeyntii, kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Jarmalka, si loo gaaro horumar waara oo bulshada u horseeda nolol wanaagsan.
03/03/2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdulhakim Mohamud Fiqi, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay masโuuliyiin ka socday Hayโadda GIZ ee Dowladda Jarmalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hayโadda GIZ, iyadoo la isla meel dhigay ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta iyo taageerada bulshada.
Waxaa guul muhiim ah laga gaaray kulanka, kaddib markii la isku afgartay in dhowaan la bilaabo mashruuc cusub oo laga hirgelin doono Koonfur Galbeed, kaas oo ay maalgelin doonto Dowladda Jarmalka. Mashruucan ayaa lagu taageeri doonaa dadka barakacayaasha ah, kor u qaadidda adkeysiga bulshada ee ka gudubka duruufaha adag, xoojinta isdhexgalka bulshada, iyo abuurista fursado shaqo oo waara.
Wasiirka ayaa bogaadiyay doorka Dowladda Jarmalka iyo Hayโadda GIZ ee taageerada horumarineed, isaga oo adkeeyay in Wasaaraddu ka goโan tahay sii xoojinta iskaashiga si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo waxtar u leh bulshada Koonfur Galbeed
01/03/2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Koonfur Galbeed, Abdihakim Hajji Mohamud Faqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday UNICEF oo ay hoggaaminaysay Jill Lawler.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UNICEF taageerada joogtada ah ee ay siiyaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan carruurta iyo haweenka nugul. Sidoo kale, wuxuu si cad uga codsaday UNICEF inay door hoggaamineed ka qaataan gurmadka iyo ka hortagga abaarta sii xoogeysaneysa, isla markaana ay hormuud ka noqdaan dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka ay saameysay biyo-laโaanta iyo barakaca.
Intaas ka dib wafdiga UNICEF Ayaa waxay kulan la yeesheen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta Mudane Abdi Ali Dogey, Kulanka Ayaa Waxaa lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqeynta iyo dardargelinta jawaabta degdegga ah ee abaarta.
โโโ
โโ๐๐๐๐๐๐๐๐โโ
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: [email protected]
Website:http://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/
17/02/2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdulhakim Mohamud Fiqi, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed, munaasabadda barakeysan ee Bisha Ramadan.
Wasiirku wuxuu Alle uga baryayaa in bishan kheyrka badan ay noqoto mid nabad, caafimaad, isu-tanaasul iyo horumar u horseedda ummadda Islaamka, isla markaana uu Alle naga aqbalo soonkeenna, salaaddeenna iyo camalladeenna wanaagsan.
Ramadan Mubaarak
15/02/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Abdi Ali Dogey, oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Barakacayaasha Koonfur Galbeed, Mudane Abdikadir Ali Mohamed, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Baydhabo uga daah-furay shir wadatashi oo ku saabsan dejinta Siyaasadda Xalalka Waara ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay masโuuliyiin dowladeed, wakiillo ka socday hayโadaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, ururrada bulshada rayidka ah, hoggaanka barakacayaasha, iyo daneeyayaal kale. Ujeeddada wadatashiga ayaa ahayd in la helo talooyin wax-ku-ool ah iyo aragti mideysan oo saldhig u noqda dejinta siyaasadda, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo baahiyaha dadka barakacayaasha ah iyo bulshooyinka martida loo yahay.
Agaasimaha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta daneeyayaasha, isagoo xusay in Wasaaraddu ka goโan tahay hoggaaminta geeddi-socodkan si loo xaqiijiyo xalal waara oo wax ku ool ah.
โโโ
โโ๐๐๐๐๐๐๐๐โโ
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: [email protected]
Website:http://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/
06/02/2026
Wasiirrada Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka (National Economic Council โ NEC), Dr. Hassan Aden Hoosow, iyo xubno ka tirsan golihiisa, iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hayโadda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed (SNBS), Dr. Abdisalam Mohamed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, gaar ahaan arrimaha horumarinta dhaqaalaha, qorsheynta ku saleysan xogta, iyo dhismaha awoodda Wasaaradaha Qorsheynta.
Intii kulanka socday, waxaa la isla gartay fursado muhiim ah oo lagu horumarin karo iskaashi waara, lana xoojiyo wadashaqeynta wazaarada ha ee Dowlad Goboleedyada Qorsheynta iyo golaha dhaqaalaha qaranka
Waziiradu waxay uga mahadceliyeen Dr. Hassan Aden Hoosow iyo xubnaha NEC martiqaadka, soo dhaweynta, iyo doorkooda ku aaddan dhiirrigelinta wadashaqeyn miro-dhal ah oo u adeegta horumarka qaranka.
03/02/2026
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlad Koonfur Galbeed ayaa booqasho shaqo ku tagtay Xafiiska UNDP Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdulxakiim Xaaji Faqi, isagoo uu wehelinayay Agaasimaha Guud Mudane Abdi Ali Dogey.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo UNDP, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha, iyo taageerada bulshooyinka nugul, oo ay ku jiraan bulshada martigelisa barakacayaasha.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UNDP taageerada joogtada ah ee ay siiso Koonfur Galbeed, halka UNDP ay la wadaagtay in Qorshaha Barnaamijka Dalka (CPD 2026โ2030) la dhammeystiray isla markaana uu ku jiro marxaladda ansixinta, kaas oo horseedi doona iskaashi ballaaran oo waafaqsan mudnaanta qaranka iyo Yoolalka Horumarinta Waara (SDGs).
Labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-tashiga iyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo wax ka qabta baahiyaha dhabta ah ee bulshada Koonfur Galbeed.
โโโ
โโ๐๐๐๐๐๐๐๐โโ
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: [email protected]
Website:http://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/
18/01/2026
Baraawe: Magaalada Baraawe waxaa si rasmi ah looga furay kulan wadatashi oo ku saabsan Siyaasadda Xalalka Waara ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta bulshada iyo mustaqbalka dadka nugul, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah.
Kulanka waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdi Cali Dogay, waxaana ka qeyb galay masโuuliyiin ka socday maamulka Degmada Baraawe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin odayaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, ururrada bulshada rayidka ah, dadka barakacayaasha ah, dadka naafada ah, iyo kooxaha laga tirada badan yahay.
Agaasimaha Guud ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Siyaasadda Xalalka Waara u leedahay Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo ku boorriyay ka-qaybgalayaasha in ay si firfircoon uga qeyb qaataan wadatashiga si talooyin wax-ku-ool ah loogu daro siyaasadda.
Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay mar walba ka goโan tahay dejinta siyaasado loo dhan yahay oo xaqiijinaya horumar waara iyo caddaalad bulsho.
โโโ
โโ๐๐๐๐๐๐๐๐โโ
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: [email protected]
Website:http://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/