Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Share

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah (DKGs)

30/03/2026

Ciidamada sida gaar ah u tababaran oo ka tirsan booliiska ayaa si buuxda u sugaya amniga guud ahaan magaalada Baydhabo, Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badqabka shacabka.

Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa howlgallo ka wada duleedyada magaalada, si looga hortago duulaanka qaaban ee Villa Soomaaliya ku soo qaaday Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa xaqiijiyay in xaaladda magaalada ay deggan tahay, isla markaana howlgalada ay sii socon doonaan.

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Photos from Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS's post 27/03/2026

Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay tababar ku saabsan baarista tacaddiyada jinsiga (GBV) oo diiradda lagu saaray xoojinta awoodda ciidamada Booliska iyo hay’adaha amniga. Xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Amniga Maxamed Yusuf iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gaarka ah, Gaashaanle dhaxe Xuseen Baargeele, kuwaas oo muujiyay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay horumarinta shaqada iyo awoodda ciidamada.

Tababarkan ayaa si gaar ah u kobciyay xirfadaha Booliska Koonfur Galbeed, iyadoo la baray hababka casriga ah ee baarista kiisaska, maareynta xogta iyo caddeymaha, iyo ilaalinta xuquuqda dhibbanayaasha. Ugu dambeyn, tababarkani wuxuu door weyn ka qaadanayaa xoojinta taliska iyo tayeynta howlaha ciidamada Booliska si ay si hufan uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo cadaaladda bulshada.

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

26/03/2026

Halyeeyada Safka h**e, Maxay tahay fariintooda ?

26/03/2026

Taliyaha Ciidamada Booliska Gaarka ah oo dhiirrigelin u sameeyey Halyeeyadq ururka 116-aad ee New RRA.

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Photos from Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS's post 26/03/2026

Taliyaha Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Cali Isxaaq Meedey, oo xoojinaya dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, ayaa maanta kormeer dhiirrigelin ah ugu tagey cutubyo ka tirsan ururka 116-aad ee New RRA.

Taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay muujiyaan feejignaan joogto ah, kana hortagaan wax kasta oo halis gelin kara amniga, isagoo sidoo kale ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan difaaca shacabka iyo ilaalinta nabadda.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah qorsheyaasha lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo hufnaanta ciidamada amniga ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

24/03/2026

Safka h**e, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS.

24/03/2026

"Buur ayey orod ku galeen, lkn waan ka daba tageynaa" Magaarsiib.

24/03/2026

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

24/03/2026

Taliyaha Ururka 112-aad ee Ciidamada Booliiska Gaarka ah Dhamme Calinur Dhagey iyo Halyeeyada Ururka.

24/03/2026

Taliyaha Ururka 112-aad oo Khudbad Dhiirrigelin ah u Jeediyey Ciidanka, Suugaan Micno Lehna Lagu Soo Bandhigay.

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Photos from Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS's post 24/03/2026

Taliyaha Ururka 112-aad ee Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Dhamme Cali Nuur Ibraahim (Dhagey), ayaa maanta khudbad dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jirta ka jeediyey goob fagaare ah oo ay ku sugnaayeen halyeeyo ka tirsan ururka ee fadhigiisu yahay deegaanka Burjaad.

Taliyaha ayaa si qoto dheer ula hadlay ciidanka, isaga oo ku boorriyey in ay muujiyaan feejignaan buuxda, adkaysi iyo heegan joogto ah, maadaama ay ku sugan yihiin furimaha h**e ee dagaalka. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta anshaxa ciidannimo, wadajirka iyo in la ilaaliyo kalsoonida shacabka ay difaacayaan.

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Want your business to be the top-listed Government Service in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Villa Kgs
Baydhabo