25/12/2023
Ministry of Health South West State of Somalia
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ministry of Health South West State of Somalia, Baydhabo.
25/12/2023
21/12/2022
03/08/2019
Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa maanta Baydhabo ku qabatay Xuska naas nuujinta aduunka 1-7 bishan socon doono.
Waxaa ka qeyb galey wasiirka Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed mudane Maxamed Cusmaan Xaaji, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada,hay,addaha ku shaqada leh arimaha caafimaadka,maamulka degmada,kan Gobalka Bay iyo dadweyne xaafadaha Magaalada ka kala socdey.
24/07/2019
Wasaaradda Caafimaadka KGS Ayaa Maanta Qeeb Ween Ka Qaadatey Soo Dhaweenta Qaxooti Ku Sugnaa Xirada Dhadhaab Ee Dalka Kenya Oo Dib Ugu So Laabtey Dhulkooda Hooyo Kadib Markii Ay Dib U Dejin Ka Haleen Dowlad Goboleedka KGS Iyagona Soo Gaarey Magaalada Baydhaba
Wasaaradda Ayaa Gar-gaar Iyo Daryeel Caafimaad U Fidisey Isla Markana La Talaaley Caruurta Yar Yar
03/06/2019
Ciid Wanaagsan Dhammaan Umadda Soomaaliyed iyo Muslimiinta guud ahaan. Nabad iyo Caafimaad ku ciida.
تقبل الله منا ومنكم
كل عام وانتم بخير
عيد مبارك
Eid Mubarak
01/05/2019
1-da bisha May sanadkasta xiligan oo kale waxaa la xusaa maalinta shaqaala weynaha aduunka, waa maalin qiima weyn u leh shaqaalaha aduunka.
Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed waxay marka h**e hambaliyo u direysaa dhamaan shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka kuwaasoo ku soo shaqeeyey xaalado adag soona muujiyey dadaal iyo karti dheeraad, marka xigta waxay Wasaaradu hambaliyo leedahay dhamaan shaqaalaha Dowlad Gobaledka Koonfur Galbeed.
Waxaan leenahay shaqaalaha koonfur galbeed iyo kuwa Soomaaliyeed dhamaantooda sanadkan sanadkiisa bash bash iyo baraare ku gaara insha alaah.
Mahadsanidiin.
Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed Isxaaq Maxamuud Mursal.
Khudbadihii Maanta Laga Jeediyay Xuskan Maalinta Caalamiga ah ee Maleeriyada aduunka oo lagu Qabtay Magaalada Baydhabo.
Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isxaaq Maxamuud Mursal Oo Khudbad Ka Jeediyay Xuskan maalinta caalamiga ah ee Maleeriyada aduunka oo lagu qabtay magaalada baydhabo.
25/04/2019
Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka KG ayaa ka qeyb galey Xuska Maalinta Maleeriyada Aduunka. 25-ka April oo ah maalinta xuska Duumada aduunka oo wakhtigan oo kale laga xuso aduunka ayaa waxaa munaasabad ay soo qaban qaabiyeen wasaarada Caafimaadka iyo Hay,ada SAMA oo malaria SR ka Ba. Madax ka socotey Maamulka degmada Baydhabo,kan Gobalka ayaa kasoo qeyb galey xuska maalintan oo lagu qabtay magaalada baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Koonfur galbeed.
Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Isxaaq Maxamuud Mursal ayaa sheegey in Koonfur galbeed laga soo bilaabo April sanadkii h**e ilaa hada 15 kun maleeriya qaba xarumaha caafimaadka deegaanada koonfur galbeed soo booqdeen,iyadoona tiro sedax jibaarna xarumaha kale ee gaarka loo leeyahay booqdeen.
Agaasimaha Wasaarada ayaa ugu baaqay Hay,addaha arimaha caafimaadka ka shaqeeya iney ku dadaalaan sidii loo yareyn lahaa halista cudurkan Maleeriyada, isagoona sheegey in meel kasta oo xarun caafimaad ah laga helayo mara kaneecooyinka.
Mahadsanidiin.....
Wasaarada Caafimaadka KG oo gargar caafimaad u fidisey waalidka gabar yar oo ka xanuunsan.
Wasiirka wasaarada caafimaadka Koonfur Galbeed oo ay wehelinayeen wasiirka Qorsheynta,wasiirka Beeraha iyo waraabka,wasiirka ganacsiga,sarkaal ka socdey hay,adda Save the children ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku sogootiyey waalidinta iyo gabadha yar ee xanuunsan.
Wasaarada Caafimaadka ayaa u taagan in bulshada koonfur galbeed ka haqab tirto baahida caafimaad ee bulshada qabto.
13/04/2019
Wasiirka wasaarada caafimaadka koonfur galbeed wafdi uu hogaaminayo oo ay qeyb ka ahaayeen Agaasimaha guud ee wasaarada,gudoomiye ku xigeenka gudigga caafimaadka ee barlamaanka, xildhibaano iyo madax ka socotay hay,adda DMO ayaa gaaray degmada ceelbarde oo xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah ay ka jirto.
Garoonka diyaaradaha ee degmada ceelbarde waxaa wafdiga kusoo dhaweyey gudoomiyaha degmada iyo boqolaal shacabka magaalada ah.
Wasiirka caafimaadka maxamed cusmaan xuseen iyo Isxaaq maxamud mursal oo ah agaasimaha ayaa kormeeray xarumo caafimaad kala duwan oo magaalada kuyaala iyagoo u kuurgalayay xaalada caafimaad ee deegaanka.
Kormeerkooda kadib waxaa ay dib u howlgeliyeen xarunta caafimaadka Ceelbarde oo mudo hakad ku jirtey howshii bulshada u heysey waxaana lagu wareejiyey dawooyin loogu talagalay in bulshada wax loogu qabto.
Wasaaradda ayaa u qorsheysan safaro dhowr ah ay uga kuur gali doonta xaaladda caafimaad ee deegaanada uu maamulka KGS ka arimiyo.
Mahadsanidiin.
05/04/2019
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadka KGS
Ayaa Maanta Ka Qeyb galey, Munaasabada loo Qabtay Ardey Ka Qalin Badalatay Jamaacada BIU Ee Magaalada Baydhabo
Agaasimaha Ayaa Halkaas Ka Jeediyey Qudbad Dhinacyo Badan Taabaneysa Isla Markaana Ardeyda Kula Daraarmey Iney Dadaalkoda Halkaas Ka Sii Wadaaan
Wuxuuna Si Gaar Ah Ula Dar Daaremy Ardeyda Baratey Caafimaadka Isagoona U Sheegey In Looga Baahan Yahay Iney Bulshadooda U Adeegaan Si Hagar La'aan Ah
Dhamaan Ardeyda Waxaan Leenahay Guul Wacan
Khudbad maanta agaasimaha W/Caafimaadka KG jeediyey iyo hadalo dardaran ahaa oo qeybta caafimadka. ✓ Subscribe ✓ Share ✓ Like ✓Arlaadi video ✓Thanks
Click here to claim your Sponsored Listing.
