Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Mohamed Isxaaq Cusmaan Fanax ayaa xildhibaanada cusub oo maanta loo dhaariyey Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed kula dardaarmay in ay xilka culus ee loo dhaariyey in ay si daacadnimo ah ugu Adeegaan bulshada reer Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS
Waa Facebook-ga Rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose & Dib-U-Heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
26/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Mohamed Isxaaq Cusmaan (Fanax) ayaa Abdullahi Yuusuf Mohamed umagacaabey Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo maaliyada Degmada Awdheegle.
Daawo Muuqaalka guud ee safarkii degmada Diinsoor ee ay so qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose-iyo dib-uheshiisiinta KGS ,
25/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Mohamed Isack Osman (Fanax) ayaa magaalada Baydhabo ku soo xiray kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan daadejinta adeegyada, isku xirka hay’adaha dowladda, iyo maamulka loo dhan yahay ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirro, agaasimayaal guud, agaasime waaxeedyo, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada qaar, shaqaalaha waaxda dowladaha hoose iyo daadejinta adeegyada heer Federaal iyo heer Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale lataliyayaal sare.
Kulanka kadib, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafa Abdullaahi Xasan (ADAF) ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka kulanka, qorshaha maalmaha uu socday, iyo muhiimadda ay leedahay in wasaaradaha wada shaqeynta leh ay iska kaashadaan arrimaha daadejinta adeegyada, gargaarka, iyo mashaariicda horumarinta si kor loogu qaado maamul wanaagga, isku xirka hay’adaha dowladda, iyo tayeynta adeegyada bulshada.
20/05/2026
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta KGS ayaa qabatay wajigii labaad ee tababbarka ku saabsan isku xidhka amniga, xallinta khilaafaadka, iyo adkeysiga cimilada, oo furmay shalay oo taariikhada aheed 19 May 2026 kaas oo socon doona Isbuuc.
Ujeedka ugu weyn ee tababbarkaan ayaa ah sidii loo soo saari lahaa dhalinyaro noqota safiirrada nabadda, kana shaqeeya meel kasta oo ay joogaan xoojinta nabadda, wada noolaanshaha bulshada, iyo isku xirka bulshada degmooyinkooda, iyagoo si dhow ula shaqeyn doona guddiyada nabadaynta degmooyinka KGS.
Kulanka aqoon-kororsiga ah waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo ka kala timid degmooyin ka tirsan deegaannada KGS.
19/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Maxamed Isxaaq Cusmaan (Fanax) ayaa Cabdalla Maxamuud Miyaash u magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo hannaanka dowladnimo ee degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
13/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Mohamed Isxaaq Cusmaan Fanax ayaa guddoomiye cusub u magacaabay Deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
13/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Isaak Osman (Fanax), oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mustaf Abdullahi Xasan (ADAF), ayaa kulan is-xogwareysi iyo kala warqaadasho ah magaalada Baydhabo kula yeeshay Guddoomiyeyaasha Gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.
Kulanka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhaweyn loo sameeyey Guddoomiyeyaasha saddexda Gobol ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay dardargelinta howlaha Wasaaradda, horumarinta mashaariicda gobollada iyo dowladaha hoose, dib-u-heshiisiinta, iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyey Khawaarijta, si loo xoojiyo adeegyada bulshada, nabadda iyo wadajirka bulshada.
12/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta KGS Mudane Mohamed Isaak Osman (Fanax), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Abdifatah Ali Mursal, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mustaf Sh Abdullahi (ADAF) ayaa kulan is-xogwareysi iyo kala warqaadasho ah la yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, kulan kaas oo ka dhacay magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhaweyn loo sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo safar shaqo ku jooga Baydhabo.
Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay dardargelinta howlaha Wasaaradda, horumarinta mashaariicda Gobolka , dowladaha hoose, dib-u-heshiisiinta, iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyey Khawaarijta, si loo xoojiyo adeegyada iyo nabadda bulshada.
11/05/2026
10–11 May 2026 | Baydhabo, Baay
Waxaa si habsami leh uga socda Baydhabo tababar ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta KGS oo ku saabsan “Youth & Women Peace and Climate Ambassadors.”
Tababarka waxaa ka qeybgalaya ururrada haweenka, dhalinyarada, qeybaha bulshada iyo wakiillo ka socda degmooyinka Koonfur Galbeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mustaf Abdullahi Hassan (ADAF), ayaa ka hadlay muhiimadda doorka dhalinyarada iyo haweenka ee nabadda, la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo xoojinta wadajirka bulshada.
Click here to claim your Sponsored Listing.
