Maxkamadda Sare DKGS

Maxkamadda Sare DKGS

Share

This is the official page of Supreme Court of the Southwest State of Somalia (DKGS).” ✅ ⚖️

Photos from Maxkamadda Sare DKGS's post 25/02/2026

𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗠𝗔𝗫𝗞𝗔𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗔𝗥𝗘 𝗢𝗢 𝗗𝗛𝗔𝗔𝗥𝗜𝗬𝗘𝗬 𝗫𝗨𝗕𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗖𝗨𝗦𝗨𝗕 𝗘𝗘 𝗚𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗥𝗔𝗗𝗔

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Ahmed Ali Musse, ayaa maanta si rasmi ah u dhaariyey xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ee dhawaan la soo magacaabay.

Munaasabadda dhaarinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale oo sare.

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗮𝘅𝗸𝗮𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 ayaa ku dhaariyey xubnaha cusub inay si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka u gutaan waajibaadkooda, iyagoo ku shaqeynaya:

✔️ 𝗗𝗮𝗮𝗰𝗮𝗱𝗻𝗶𝗺𝗼
✔️ 𝗛𝘂𝗳𝗻𝗮𝗮𝗻
✔️ 𝗠𝗮𝘀’𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay inay mudnaanta siiyaan:

🔹 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶𝗴𝗮
🔹 𝗔𝗱𝗲𝗲𝗴𝗴𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮
🔹 𝗫𝗼𝗼𝗷𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗪𝗮𝗱𝗮-𝘀𝗵𝗮𝗾𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮

Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi muujinaya isku duubni iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
𝗠𝗮𝘅𝗸𝗮𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 – 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗼𝗼𝗻𝗳𝘂𝗿 𝗚𝗮𝗹𝗯𝗲𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━

23/02/2026

Cadaaladdu waa hadiyadda ugu qiimaha badan ee qof loo sameeyo; mar kasta oo la bixiyana, waxay abuurtaa nabad ka weyn inta la arki karo."


18/02/2026

𝑩𝒊𝒔𝒎𝒊𝒍𝒍𝒂𝒂𝒉
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐊𝐆𝐒, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐃𝐫. 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐥𝐢 𝐌𝐮𝐬𝐬𝐞, ayaa dhammaan Umadda soomaaliyeed, gaar ahaan Bulsha Waynta koonfur galbeed iyo dhamaan muslimiinta Meel kasto Ay joogan uga hambalyeeyey curashada Bishan barakeysan ee Ramadaan

Gudomiye Dr Ahmed Ali Musse ayaa tilmaamay in bishan barakaysan ay tahay bil kheyraysan , cafis iyo naxariis leh. bil qalbiyadu isu furmaan, dambi dhaaf allah laga baryo, wanaagana la badiyo. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa in uu naga aqbalo soonka, salaadda iyo acmaasha suuban.

🤲 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐡𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐠𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐥𝐨 𝐤𝐮𝐰𝐢𝐢 𝐤𝐚 𝐟𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐞𝐲𝐬𝐭𝐚 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧, 𝐡𝐚𝐧𝐚 𝐧𝐚𝐠𝐮 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝.
🌟 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐊𝐚𝐫𝐢𝐢𝐦 🌟

Want your business to be the top-listed Government Service in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Baidoa Bay
Baydhabo
3535