18/07/2026
⚫ 𝗧𝗔𝗖𝗦𝗜 𝗧𝗜𝗜𝗥𝗔𝗡𝗬𝗢 𝗟𝗘𝗛 ⚫
𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗮𝘅𝗸𝗮𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 𝗲𝗲 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗼𝗼𝗻𝗳𝘂𝗿 𝗚𝗮𝗹𝗯𝗲𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮, 𝗚𝗮𝗿𝘆𝗮𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗿. 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶 𝗠𝘂𝘀𝘀𝗲, isagoo ku hadlaya magaciisa, magaca Maxkamadda Sare, Bahda Garsoorka iyo Hay’adaha Caddaaladda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 (𝗞𝗼𝗼𝗳𝗶).
𝗠𝗮𝗿𝘅𝘂𝘂𝗺 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 (𝗞𝗼𝗼𝗳𝗶) wuxuu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo muddo dheer kaalin muuqata ka soo qaatay horumarinta caddaaladda, xalinta khilaafaadka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iyo adkeynta nabadda iyo wadajirka bulshada. Adeeggiisii hufnaa, xikmaddiisii iyo daacadnimadiisii ayaa bulshada Soomaaliyeed uga tegay dhaxal qiimo badan oo sii jiri doona.
𝗚𝗮𝗿𝘆𝗮𝗾𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗿. 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶 𝗠𝘂𝘀𝘀𝗲 wuxuu Alle SWT uga baryayaa Marxuumka inuu ku mannaysto Jannatul Firdowsa, uu ka cafiyo dambiyadiisa, samir iyo iimaan buuxana ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, Bahda Garsoorka, Bahda Caddaaladda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
𝗠𝗔𝗫𝗞𝗔𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗔𝗥𝗘 𝗘𝗘 𝗗𝗢𝗪𝗟𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗞𝗢𝗢𝗡𝗙𝗨𝗥 𝗚𝗔𝗟𝗕𝗘𝗘𝗗 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔