25/02/2026
𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗠𝗔𝗫𝗞𝗔𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗔𝗥𝗘 𝗢𝗢 𝗗𝗛𝗔𝗔𝗥𝗜𝗬𝗘𝗬 𝗫𝗨𝗕𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗖𝗨𝗦𝗨𝗕 𝗘𝗘 𝗚𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗥𝗔𝗗𝗔
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Ahmed Ali Musse, ayaa maanta si rasmi ah u dhaariyey xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ee dhawaan la soo magacaabay.
Munaasabadda dhaarinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale oo sare.
𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗮𝘅𝗸𝗮𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 ayaa ku dhaariyey xubnaha cusub inay si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka u gutaan waajibaadkooda, iyagoo ku shaqeynaya:
✔️ 𝗗𝗮𝗮𝗰𝗮𝗱𝗻𝗶𝗺𝗼
✔️ 𝗛𝘂𝗳𝗻𝗮𝗮𝗻
✔️ 𝗠𝗮𝘀’𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻
Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay inay mudnaanta siiyaan:
🔹 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶𝗴𝗮
🔹 𝗔𝗱𝗲𝗲𝗴𝗴𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮
🔹 𝗫𝗼𝗼𝗷𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗪𝗮𝗱𝗮-𝘀𝗵𝗮𝗾𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮
Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi muujinaya isku duubni iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
𝗠𝗮𝘅𝗸𝗮𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 – 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗼𝗼𝗻𝗳𝘂𝗿 𝗚𝗮𝗹𝗯𝗲𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━

23/02/2026
18/02/2026