Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne

Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne

Share

Waa Page-ka Rasmiga ah ee Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne

11/04/2026

Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne waxa aay ku wargelin dhammaan bulshada Beledweyne gaar ahaan Waalidiinta in aay Carruurta ka ilaaliyaan Wabiga Shabeelle madama Wabiga uu xilligan wado biyo badan, caruur dhowr ahne Wabiga aay ku naf waayeen.

Waalidiinta waxaa la faraya in masuuliyad dheeraad ah iska saaraan ka war qabka catuurta.

-Dhammaad-

Xafiiska Warfaafinta Dowladda Hoose ee Beledweyne.

03/04/2026

Maayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqneed gudasha Fadliga Cumrada, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne iyadoo si diiray loogu soo dhoweeyay.

Maayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Beledweyne kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Maayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeysay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado, waxaana imaatinkeeda uu kusoo aadayaa xilli Beledweyne laga dareemayo saameynta Roob ka daโ€™ay.

Maayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa ballan qaaday in howlaha dowladda hoose la dar-dar gelin doono sida dhismaha mashaariicda Beledweyne ka socda.

-Dhammaad-

Xafiiska Warfaafinta Dowladda Hoose ee Beledweyne.

Photos from Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne 's post 30/03/2026

Maayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa kulan la qaadatay Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynaha ku xigeenka dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore).

Maayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale warbixin ka siisay howlaha hortabinta leh ee dowladda hoose ee Beledweyne iyo mashaariicda ka socda Beledweyne sida dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha ku xigeenka dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin uga mahadcelisay sida aay gunta dhiisha uga dhigtay howlaha shaqo ee dowladda hoose iyo horumarka magaalada Beledweyne.

XAFIISKA WARFAAFINTA DOWLADDA HOOSE EE BELEDWEYNE.

19/03/2026

MAYARKA MAGAALADA BELEDWEYNE NADAR TABAAX MAALIN OO UMMADDA BELEDWEYNE, DADKA SOOMAALIYEED IYO MUSLIMIINTA CAALAMKA UGU HAMBALYEEYSAY MUNAASABADDA CIIDUL FIDRIGA.

Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha Soonfur iyo farxadda munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga u diray dhammaan Muslimiinta Caalamka meel kasta oo ay joogaan, Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Hirshabeelle.

Mayarka ayaa Alle uga barisay umadda muslimiinta ah in uu ka aqbalo soonka iyo cibaadada bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isla markaana abaarta jirta uu u beddelo barwaaqo iyo roobab kheyr leh, ciiddanna ciideeda nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar.

-DHAMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA DOWLADA HOOSE EE BELEDWEYNE.

23/02/2026
Photos from Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne 's post 23/02/2026

Wafdi Wasiiro ah oo ka tirsan Xukumadda Hirshabelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne.

Wafdiga wasiirada ah waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowladda Hirshabelle Mudane Cabiraxmaan Daahir Guure (Karoore) waxaana qeyb-ka ahaa wasiirka amniga dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, Wasiirka Maaliyadda dowladda Hirshabelle Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadoow, iyo wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabelle Mudane Saadaq Maxamed Maxamuud.

Maayarka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin xubno maamulka kamid ah iyo saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay garoonka Ugaas Khaliif.

Ujeedka socdaalka wafdiga ee Beledweyne ayaa salka ku haaya sidii looga qeyb-qaadan lahaa gurmad aay helaan qoysaska sameynta ku yeelatay abaarta ka jirta deegaanada Hirshabelle gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Waxaa xusid mudan in Afarta Wasiir ee maanta yimid magaalada Beledweyne Seddax kamid ah aay qeyb kayihiin guddiga gurmadka abaaraha ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) so loo qiimeeyo xidiga abaarta isla markaana dadka ree Hirshabelle gurmad weyn u helaan.

-Dhammaad-

XAFIISKA WARFAAFINTA DOWLADDA HOOSE EE BELEDWEYNE.

18/02/2026

Maayarka Baladweyne Marwo Nadar Maalin ayaa Daahfurtay Tartanka Ramadaan cup.

17/02/2026

Waxaan dhammaan Ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, ugu hambalyeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil naxariis, dambi-dhaaf iyo kheyr badan.

Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu naga aqbalo soonka, salaadaha, sadaqada iyo dhammaan camalka suuban ee aan gudanno, qalbiyadeennana ku beero iimaan iyo walaaltinimo, sidoo kale waxaan Eebbe ka rajeynayaa inuu dalkeenna ka dulqaado abaaraha, dhibaatada iyo duruufaha adag, kuna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo waarta.

Ramadaan Kariim.

Photos from Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne 's post 17/02/2026

Maayarka Magaalada Baladweyne Nadar Tabah Malin ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐žlatay ๐Œ๐š๐๐š๐ฑa ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐…๐ ๐ž๐ž ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐๐ž๐ซ๐ง๐š๐ซ๐ ๐Œ๐ซ๐ž๐ฐ๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐๐ž๐ฅ๐ž๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐งe.

Kulanka ayaa u jeedkiisa waxa uu ahaa sidii diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka degmada iyo Hayโ€™adda WFP, gaar ahaan dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo kuwa baniโ€™aadannimo ee ka socda magaalada iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan.

Madaxa Xafiiska WFP ee Muqdisho Mudane Bernard Mrewa ayaa maamulka la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan mashaariicda ay hayโ€™addu hadda ka fulinayso Beledweyne, iyo sidoo kale qorshayaasha mustaqbalka dhow ee la doonayo in laga hirgeliyo degmada. Wuxuu xusay in WFP ay sii wadi doonto taageerada ay siiso bulshada nugul, gaar ahaan dhinacyada sugnaanta cuntada, gargaarka degdegga ah, iyo mashaariicda xoojinaya adkeysiga bulshada.

Maayarka Magaalada ayaa uga mahadceliyey WFP doorkeeda muuqda ee ay ka qaadato taageeridda bulshada ku dhaqan Beledweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan. Sidoo kale, waxay adkeeysay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo dadaallada gurmadka, maadaama ay gobolka ka jiraan xaalado abaareed oo saameyn ballaaran leh, gaar ahaan biyo laโ€™aanta oo si gaar ah u taabatay dadka iyo duunyada.

Photos from Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne 's post 14/02/2026

๐Ÿ† Kulmis Cup โ€“ Baladweyne

Maayarka Magaalada Beledweyne Nadar Maalin ayaa koob iyo abaalmarino gudoonsiisay kooxda kubadda cagta Holac oo ku guuleeysatay Tartanka Kulmis Cup.

Munaasabadda oo ka dhacday Hoyga Maayarka Magaalada Beledweyne waxaa ka qeyb-galay, Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Mudane Cabdi Kabadorog, iyo Xoghayaha Isboortiga Hirshabelle Hassan Bile.

Kooxda Holac FC ayaa ku guuleysatay koobka, waxaana la guddoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin sharaf.

Tartankan ayaa xoojiyay midnimada, dhiirrigeliyay dhalinyarada, isla markaana kor u qaaday horumarinta isboortiga gobolka.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

13/02/2026

Maayarka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa caawa xariga ka jartay GRAND Hotel oo laga furay magaalada Beledweyne.

Hoteelka ayaa lagu sameeyay dhismo iyo qalabeyn waxuuna ka kooban yahay qeybo badan.

Dowladda hoose ee magaalada Beledweyne oo ka duuleyso horumarka magalaada waxa aay bogaadini Ganacsatada hirgalshay GRAND Hotel.

Maayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa Ganacsatada iyo Qurba-joogta ree Hiiraan ku dhiirragelisay in gobolkooda aay maalgashtaan.

-Dhammaad-

XAFIISKA WARWAAFINTA DOWLADDA HOOSE EE BELEDWEYNE.

Want your business to be the top-listed Government Service in Beledweyne?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Beledweyne
252