Nidaamka Federalka waxa uu u kala saara howlaha heer federal iyo heer maamul gobaleed, cid waliba xad iyo xaquuq buu siiya,
1 : maanul gobaleedyada (state) waxa aay leeyihiin ,hormarinta, wadooyinka, beeraha, magaalooyinka,biyaha, deegaanka, canshuurada yaryarka, caafimaadka, license driver bixintiisa, local police iyo qabashada doorashooyinka maamul gobaleedka
2: Dowlad dhaxe (central government of the federal ) xarunta dhaxe ama dowlada dhaxe, Waxa aay leedahay, arimaha dibada, difaac, passport, Lacagaha ama currency , control xuduudaha, canshuurta guud, doorashooyinka heer federal iyo waxii kale oo sharcigu siiyo
—-maxuu yahay Centralized system ( nidaam dowlad dhaxe ee xoogan)
——- Centralized System (central system ) waa nidaam dowladnimo oo hal meel laga maamulo ama kusoo aruuriyo awooda hal meel iyo hal gacan,waa nidaam dowlad dhaxe ama caasimada dalka wax waliba ku aruuriye, oo dowladnimadii iyo wax waliba oo la socda ah,
waa nidaam madaxweynaha uu magacaaba mid gobal ilaa tuulo dadka xukuma tusaale dowladii dhaxe ee somaliya ee xiligii
Ma federal baa u baahanahay oo dowladnimada inoo daadajisa mise unitary system baa u baahanahay dowladnimo hal meel ku aruuriya
Q/ Faatah Abdalla osman
Faatah Abdalla osman
Abku doono ha sheegto’e
Waxuun ba ehel ii ah
Dad ninkaan af aqaane
Si wax iila arkaaye
Na mideeyso ujeedo
Maan siyaasi iyo miir-la’aanta somalida
Maanka siyaasiga somaliga in uusan qaan-gaarin baa muuqato oo dabkii shalay lagu gubtay dib usii shidaa
Umada miir la’aantii ba haysto oo wadadii shalay aay ku luntay oo eheed kala safashada qabiil ama dan- jeeb ba ka muuqato oo weey u kala sacbinayaan
Somalida waxa aay tiraahda ‘naf waxii aay ku bukooto baan loogama dayo’
Waxii aan shalay ku burburnay oo 30 sano iyo dheeraad halkaa ina dhigay soow ma aheyna, ciidankii iyo maalkii dalkaan lahaa la isku adeegsado oo cid waliba sharicga gacanta ku qaadato, oo waxii ka horyimaado waa ku maquunina tiraahdo, kadib lagu fashilmay oo burbur iyo kala haad laga qaaday
Somalida waxa aay tiraahda ‘ dab ninkii ku gubtaa, dambaaburadii ka fogaado , waxii dhib ina soo maray waa inaga muuqdan ee dhib kale uma baahnin
waxa aay tiraahda oo kale ‘ aan tasho mooyee, aan kaligeey taliyo lagu tanaadi waa, ama ‘ rag walaloow, wax ku dhaamo la waa, In sharciga gacmaha lagu qaato waxii ka dhacay waa la soo arkay, kii hada ku qaatana waxa ka dhalan karo waa naqaan ee halaga joogo
26/03/2026
Siyaasada waa aragti isku keenta rag iyo dumar kala deegaan iyo qabiil duwan si aay u gaaran kuraasta sare ee dalka
Aragtadii madaxweyne Hassan sheikh ‘ siyaasadu waa abaabulnaan, waa ku raacsanahay oo siyaasad kursi lagu gaara waa koox hadaf leh iyo abaabulnaan nidaamsan
Si loo gaaro hadafka waa in lagu heshiiya habkii loo wada socon lahaa iyo heerarka kala duwan cid waliba meeshii ku munaasab ah kadib olalo iyo hadaf ka rumeystii loo huleela
Raga iyo dumarka isla socda waxa aay iskula joogan waa wada qeybsi waxii la helay, waxii la hayo, hadii la waayo waa la kala yaaca sidii h**e u dhici jirtay mustaqbalkane dhici doonta
Somali baa ku maahmaahda ‘siyaasadi sukeeyo iyo sodog ma leh hadii kala saama-leelo( lala shoowro)
Siyaasadu waa adne i dhis maanta anne bari ku abaal gudee
…..Faatah Abdulla
Federal ka waa nidaam kamid ah nidaamyada dunida kuwooda ugu waxtarka badan dowladnimo casriga ah
Waa nidaam shacuubta ama bulshada u suura-geliyo in aay neecaawda dowladnimada ku soo gaarto deegaankooda oo waxbarasho, aqoonsi ama dhalasho iyo amni ku helaan tuulada ama degamada aay degan yahiin
Nidaamka federal waxa uu ka kooban sadax heer dowladeed, central government ama dowlada dhaxe, state ama maamul gobaleed iyo moyors ama golaha deegaanka dhamaantood shacab ba soo doorta, federal system qaar ba laba heer dowlad leh sida dowlada dhaxe iyo state ama maamul gobaleed
Nidaamka federal waxaa kale uu leeyahay ama ka kooban yahay sil-silad heer xakun ama qeybood oo kala ah 1 executive ( golaha fulinta prime minister iyo wasiirada ) 2 legislative ( golaha sharci dajinta / baarlamaanka ) 3 judiciary ( golaha garsoorka ama maxkmadaha)
In badan shacab Somalia waxaa loo muujiya in federal ku yahay caqabad iyo buur hortaagan dib usoo celinta somalia oo mid ah dal ahaan iyo dad ahaan
Waa nidaamka somali ku kala nabad geli garto loogana bixi karo dowlad hal qof xukunka maroorsado ama sharcigii gacantii ku qaato kadib dalkii geliyo xaalad hubanti la’aan ah
Sida America ka jirto hadii uusan federal system ahaan laheyna Trump wadanka oo idil buu gadin lahaa blse waxii qalad ah state ama maamulada gobalka ba ku diida oo leh inama quseyso ama maxkamaha ba ku diida ama xitaa labada kasoo horjeesan karo sidii arintii Minnesota ka dhacday oo kale oo moyor Minnesota iyo governer gobalka Minneapolis iyo xitaa maxkamada gobalka kasoo horjeesteen
Bari, Hiiraan, Bay, mudug ama mid kale uu bari dhihi karo sharcigaa inama queeeyo halagu laabto ama arinta gobalkeena uma qalanto oo sidaa loogu laabto sharcigii
W/Q Abdi Fataah Abdulahi Osman (Faatah Abdullah Osman)
Abwaan qamaan bulxan
Maskoo xiimi xoodhiga nin qaban iga xiniin roone
Xabbad qabata mooyee libaax meel xarshina jiifa
War aarkaa nin xoodaamiyaa xeelad iga roone
06/03/2026
President Hassan Sheikh, said, the mission is complete,
Opposite, they said, the mission isn’t complete, wait for the last minute
03/03/2026
Dastuur waa hashiis bulsho iyo is-ogal umadeed
Dastuurka waa xeerar iyo hashiisyo bulsho oo umad isku haayo, waana xarig isku celiyo marne kala celiyo (xadido) bulshada wax wada qoratay
"Garashadu hadday ruux la tahay suu u garanayo... gardaruu u qaataa ninkii yidhi garaadkiise,"
"Habrashada asaagay
Hooyadayba iguma dhalin"
Qof waliba waa in uu wadankii aragti lama taabtana ka leeyahay. Is dilka, xil kala ridashada iyo is qabqabsiga xukunka waa wax dunida ka jiray ilaa ilmo aadan dunida yimaadeen waa wax jiro doono inta aay dunida joogaan
Hab maamulka iyo nidaamka lagu soconaa waa lagu kala aragti duwanaan karaa oo waa dowladnimo balse midnimada waa lama taabtan
Arinta lagu Kala qeybiye jamhuuriyadii Somalia, waxa dusha u ridanaa madaxweyne xasan sheikh, Wasiirka Arimaha dibada, Taliska NISA oo laga rabay xooraanka dunida iyo dalalka danta inaga leh
Natanyahu sida uu sheegay waxa kasoo shaqeeyay wasiirka arimaha dibada iyo taliyaha nabad-sugida
Dowlada waa in si deg deg ah u furtaa kanaalada diblomaasiyada miiskane wax soo saarta madama kursi qaramada midoobay sanadka dambe ku fadhiisan doono si gaara mareykan iyo Israel waa in lala fadhiisato
Turkiya, Qater, masar iyo wadama sameysta leh waa in loo maraa in israil laga hadlo waxa aay geeska africa kaga baahan tahay oo aqoonsiga ku qasbaa
Wadan cusub in uu so kordhaa aqoonsi wadan kale iyo dhawaaq diblomaasiyadeed lo kaliyah uma baahno wadanka aad ka go’e ba leh aqbalaada inaad wadan noqoto 90%
Dagaalka diblamaasiyadeed oo caawo bilaawday ba go’aamin doono mustaqbalka somalia 🇸🇴 iyo somaliland
Click here to claim your Sponsored Listing.
