28/12/2022
XEER NDAA - SIDA MAAMUL GOBOLEEDKA SOMALIA AAN KUULA DHAQMEE BARBARA I SII!
Waxa muhiim ah in shacabweynuhu Xeer NDAA ee ay xukuumadda Maraykanku ansixisay indhahooda ku akhristaan. Xeerkani waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland ula tacaamilayaa ama ula dhaqmayaa qaabka uu Maamul Goboleedka Somalia hoos yimaadda ula dhaqmo.
Waxa kaliya uu ka hadlayaa daraaasad iyo warbixino guddiyada golayaashiisa loo gudbin doono. Xeerku ixtiraam darro diblamaasiyadeed oo laga xumaado ayaa ka muuqata.
Bal waakan xeerkii oo Original English iyo Af-Soomaaliba ahiye wax lagu farxo ama loo sacabo tumo ka daya. Xukuumadani markay muddo-xileedkeedii dhammaaday libin iyo guul ay sheegato weyday ayey wax aan jirin shacabweynaha JSL u sheegaysaa. Maraykanku dantiisuu wadaa hadduu Base-ka Berbera sidaa ku helayo waa u gallad iyo rayn-rayn.
16/04/2021
Alle ha u naxariisto Abwaan Calanle Muuse oo Burco ku geeriyooday
Abwaanku wuxuu sameeyey heeso badan
Oo ay ka mid tahay heestii uu qaaday Maxamuud Cali Burco ee ahayd
Haduu dhugato geel qabo
Ma dhadhamiyo geedaa
Wuu gudasho dhuubtaaye
Anna cudurkan igu dhacay
Waa mid igu dhamaadoo
Waaba laygu dheeryoo
Ku dhadhabay aroosaan
dhinaca isasaarnee
Malaa dhaayahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Kitaabaa isu keen dhigay
Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Adna wali ma dhaadanid.
Inkastoo oo uu Maxamuud Cali Burco sheegay in baydka dambe uu ku daray abwaan kale hadana sida xeerka suugaanta Somalidu yahay
Heesta waxa leh abwaanka sameeyey baydka u horeeya ee heesta.
Sidoo kale heesaha uu sameyey waxa ka mid ah hees uu waayo dambe sameyey
Oo eryadeedana ay ka mid ahaayeen
Wuu igu nastoo nabaro igu yaal ku noq noqonayaa
Intuu igu negyuhuu sidii naas wax dhalay ii nuugayaa.
Suugaanta iyo heesaha abwaanku intan oo keliya maaha lakin waa in kooban oo aan ka aqaaney
Qore/ سعيذ محمذ ياسن
16/04/2021
Madaxweynaha hal duco u reeb bishan barakeysan.
Alle caqliga, caafimaadka & cimrigaba ha u barakeeyo.❤️❤️