Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Abokor Cawil Cumar, ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagaga hadlayey sidii loo dardargelin lahaa loona fududayn lahaa dajinta badeecadaha kala duwan ee ay keenaan Doonyaha iyo maraakiibta, iyadoo ay sare u kacday dhaq-dhaqaaqa dekedda Berbera iyo bilaabashada moosimka Xajka.
Shirka waxa ka qaybgalay wakiillada maraakiibta, ganacsatada, Kastamka Berbera, Dhakhtarka Dhoofka Xoolaha, ururka geelaha iyo shirkadda DP World, iyaga oo si wadajir ah u falanqeeyey hababka lagu horumarin karo hufnaanta iyo adeegyada dekedda.
Hay'adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland
This is the official page of Somaliland Ports Authority. Waa Bogga Rasmiga ah ee Hay'adda Dekedaha Jamuuriyadda Somaliland.
Xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo Xoogaysanaya
Xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sii xoogaysanaya, iyadoo lagu dhisayo ganacsi, maalgashi iyo iskaashi istiraatiiji ah. Laga bilaabo horumarinta Dekedda Berbera ilaa iskaashi amni oo heer gobol ah, wada-shaqayntani waxay helaysaa dardar, waxayna qaabaynaysaa mustaqbalka Geeska Afrika.
@ Horn Diploment
06/05/2026
ISS oo wakiil u ah Shirkadda Maersk ayaa Beenisay in Arrimo Amni ama Sharciyeed Sabab u Yihiin Hakinta Ku-meel-gaadhka ah ee Adeegyada Booking ee Dekedda Berbera
Cadayn la xidhiidha in sababo farsamo awgeed si ku meelgadh ah loogu hakiyay adeegyada booking badacadah ka imanaya ama u socda dekeda Berbera ee shirkada Mearsk qaban jirtay.
Waxa la caddeynayaa in hakinta ku-meel-gaadhka ah ee adeegyada booking ee xamuulka u socda ama ka imanaya Dekedda Berbera aanay la xidhiidhin wax dhibaato ah oo dhinaca hawlgalka, amniga, ama nidaamka sharciyeed ee dekedda ah. Dekedda Berbera weli waa marin ganacsi oo istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku xidhka ganacsiga gobolka.
Hakintan waxay si gaar ah uga dhalatay:
Caqabado ku yimid isku xidhka shabakadda maraakiibta (network) iyo adeegyada feeder-ka
Hakad ku yimid adeegii ugu dambeeyay ee keenayay xamuulka Berbera
Iyo in aan hadda la heli karin xal kale oo feeder ah xaaladaha suuqa ee jira awgood
Sidoo kale:
Waxaa jirta yaraanta awoodda maraakiibta (tonnage)
Iyo korodhka kharashaadka hawlgalka, taas oo keentay go’aan adag oo ah in si ku-meel-gaadh ah loo joojiyo aqbalidda booking-ga
Si kastaba ha ahaatee:
Waxaa la diyaariyey xalal kale oo ku-meel-gaadh ah, sida safarro gaar ah (ad hoc sailings) si loo fududeeyo sii socoshada adeegyada
Xamuulka waxaa lagu qaadi karaa habab kale iyadoo la eegayo suurtagalnimada hawlgal, amniga, iyo helitaanka agabka
Shirkaddu waxay:
Xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay Dekedda Berbera
Isla markaana si joogto ah u qiimeyn doonto xaaladda si dib loogu bilaabo adeegyada marka xaaladaha suuqu hagaagaan
Muuqaal: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Cali Diiriye Axmed ayaa Dekedda Berbera ku soo dhaweeyey wafdi ka socda Ururka Saxafiyiinta Somaliland (SOLJA), kuwaas oo kormeer u yimid dekedda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka dekedda iyo xoojinta wada shaqaynta warbaahinta, iyadoo SOLJA ay uga mahadcelisay soo dhawaynta iyo xogta la siiyey.
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Cali Diiriye Axmed ayaa Dekedda Berbera ku soo dhaweeyey wafdi ka socda Ururka Saxafiyiinta Somaliland (SOLJA), kuwaas oo kormeer u yimid dekedda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka dekedda iyo xoojinta wada shaqaynta warbaahinta, iyadoo SOLJA ay uga mahadcelisay soo dhawaynta iyo xogta la siiyey.
01/05/2026
Hal-kudhegga Sannadka ee xuska 35 guuradda 18-May waa AQoonsi iyo Adkaysi.
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Cali Diiriye Axmed, ayaa kulan la qaatay ganacsatada dhoofinta xoolaha iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin si loo dardargeliyo dhoofka xoolaha, gaar ahaan moosimka Xajka.
Kulanka ayaa lagu xoojiyey wada shaqaynta iyo horumarinta adeegyada dekedda si ay uga jawaabaan baahida ganacsatada.
27/04/2026
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay ganacsatada dhoofinta xoolaha iyo daneeyayaasha kale ee ay wada shaqaynta leeyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Kastamka, shirkadda DP World iyo hay’adaha amniga.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iyo habsami u socodka dhoofka xoolaha, gaar ahaan moosimka Xajka, si loo hubiyo in adeegyada dekeddu u shaqeeyaan si hufan oo waxtar leh.
Intii uu socday kulanka, dhinacyadu waxay is-weydaarsadeen aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta, loona horumarin lahaa tayada adeegyada dhoofka xoolaha.
Ugu dambayn, waxaa la isla qaatay in la dardar-geliyo hawlaha shaqo isla markaana la mideeyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dhoofka xoolaha, si ay uga jawaabaan baahiyaha ganacsatada iyo dalabka moosimka Xajka, kaas oo bilaabmaya maalinta Sabtida ee usbuuca dambe 02/05/2026.
iyo
21/04/2026
Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Soo Dhaweeyey Wasiirka Hawlaha Guud
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Hawlaha Guud, Mudane Xuseen Axmed Caydiid, oo booqasho shaqo ku tegay Dekedda Berbera.
Booqashadan ayaa lagu xoojinayey iskaashiga iyo kormeerka horumarka ka socda dekedda, iyadoo Maareeyuhu uga mahadceliyey Wasiirka booqashadiisa iyo danayntiisa horumarinta halbowlaha dhaqaalaha dalka.
15/04/2026
Sawiro: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Cali Diiriye Axmed, ayaa ka qayb-galay munaasabadda xil-wareejinta Maareeyaha iyo Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ganacsiga Cashuuraha Ka Caagan, iyo sidoo kale xil-wareejinta Guddiga Agaasinka ee Hay’adda Dekedaha iyo Hay’adda Ganacsiga Cashuuraha Ka Caagan.
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Cali Diiriye Axmed, ayaa ka hadlay munaasabadda xil-wareejinta Maareeyaha iyo Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ganacsiga Cashuuraha Ka Caagan, iyo sidoo kale xil-wareejinta Guddiga Agaasinka ee Hay’adda Dekedaha iyo Hay’adda Ganacsiga Cashuuraha Ka Caagan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
