Abwaan cali xeriye
Murti maal
13/05/2023
Free maxamed kayse gahayr
Waar caano daatayba dabadeed la
Qabaye odayga xaalkiisa hala gallo
Xirfadu waa muhiim
Rabadaan mubaarak
Allow naga dhig kuwaad ka aqbasho
Acmaasha
Maanso( gaax)
Maansadan waxaan curiyey 12/7/2011
Waxaan ku cabiray bada
Badu haday dadkan la hadli lahayd
Waxay Odhan lahayd
guuxday waayadan
Intay gabayday waxay tidhi
Gidigiin dad weynow
Irmaan gaaxataan ahay
Mar kastana godlanaysoo
Ibaha caana gelisoon
Weli gorofka lala gelin
Oon gaagaxaynoon
Weligeed gu iyo dayr
Aan gudhaynin baan ah
xeebtana
Imisaa garaad li'i
Gaajadu ku madhisoo
Macaluul la ga'aw yidhi
Iyagoonba garanayn inaan ahay
Gasiinkii gaajada katirilaa
galabta joogana
Guuleed waxaan idhi
Ilayn galow ma tihidine
Garaadbaa ilaahay
Maskaxdiina galiyee
Gidigiin rag iyo dumar
Gilibyada uruursada
Shabaag badana soo gura
Gaaxdaydan maloo
Gorof xoorle kala baxa
sidaa garan
Nimcadaydan soo guran
Dadkii ani igaranlaa
Waydinkaa go'odoonshee
Isku kay gedamee
Waan guurayayoo
Itoobiyaan u galayaa
Hadii guule laga helo
Maanso
(Ku saliya)
Maansadan wxn curiyey ilaahay amarkii 12/12/016 waxanan Ku waynaynayaa xuska dhalashada rasuulkena suuban scw
Waxanay u dhigantay sida tan
sareyoo ina Faray sali rasuulkeen'e
dhexe dhamaan laylka iyo subax arooryaadka
waa waajib aan abidna suulayne
saliya siqiir iyo kabiir nebi salawaadka csw
kii diida een qirin salawaadka
waa naar oo ma hello jano saraynteede
saliya saqiir iyo kabiir nebi salawaadka
Scw
niyada jamac saafiyiyo saahidnimo toosa
suu yidhi raxmaan saani ugu qawla
saliya siqiir iyo kabiir nebi salawaaadka
Allaahu musali wasalim wabaarik calayhi::
Maansada murqaan
Maansadan waxaan curiyey 15/07/2013 waxaanan kaga hadlayaa dhibaatada qaadka
Waxanan Ku bilaabay soda tan
hawlaha mirqaanka Hagar daamadiisa
saamalaylka subaxnimo Ku roorka
hawl necbaanta
hayn la'aanta
sharaf halaynta
qaanabkeeda
hiifitaanka koonka
cunin kol danbiyo hilmaamka
qaadkiyo day xumaantu
wakhti kaa halaysay
dacwadiyo habkeeda
nuurka diinta .
Ku habi lahayd
Ku hagaajin laa
Maan damiirka saxdaa
Damiirka saxdii ma daawan karaa
Shareecada diintu ruux ay dila tidhi
Hadana duul shisheeye daaya dheheen
Damiirka saxdii ma daawan karaa
Xamaal daalliyo darxumo la bukiyo gafana dibiroo dushooda Ku nool
Damiirka saxdii ma daawan karaa,,,,,,,,,,,,,,,
Dhamaan dadka afka somaliga Ku hadla waxaan u balanqaadaya inaan usoo gudbin doono sugaan anfacda insha allaa
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Berberah
DHALAAX
