BOQOR AXMED Kingdom Of Daarood

BOQOR AXMED  Kingdom Of Daarood

Share

The official account of Darood kingdom of horn of Africa. The oldest kingdom in horn of Africa
North East - Somalia

The Majeerteen Sultanate (Somali: Saldanadda Majeerteen, Arabic: سلطنة مجرتين), also known as Majeerteenia and Migiurtinia, was a Somali Sultanate in the Horn of Africa. Ruled by Boqor Osman Mahamuud during its golden age, it controlled much of northern and central Somalia in the 19th and early 20th centuries. The polity had all of the organs of an integrated modern state and maintained a robust t

Photos from BOQOR AXMED  Kingdom Of Daarood's post 09/08/2017

Tacsi

Labo haldoor oo ka baxay umada soomaaliyeed gaar ahaan bulshada kasoo jeeda mandaqada Puntland. Ilaahay ha u naxaristo janadiina haka waraabiyo kitabkoodana gacanta midig ha uga dhiibo su, aashana ha u saqiro aamiin aamiin aamiin ya Rabi.

Photos from BOQOR AXMED  Kingdom Of Daarood's post 06/07/2017

Innaalillaahi wa innaa ilayhi raajicuun!

Waxaan naxariistii Rabbi ubaryeynaa Fiqi Bashir Cabdulle Codweyn oo shalay tii Alle ugu timid caasimada dalka Sweden ee magaalada Stockholm halkaas oo in mudo ah uu ku xanuunsanaa marxuumka.

Waxaan utacsiyeynayaa dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay oo aan anigu kujiro gaar ahaan walaalkey/saaxiibkeey Galleyr. Waxaan sidoo kale geerida Fiqi Bashir uga tacsiyeynayaa golaha isimada Puntland iyo guud ahaan beesha uu gudoonka u ahaa.

Photos 16/08/2016

Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun kulu nafsati daaiqatul mawd.
Waxaa maanta magaalada Garowe ku geeriyooday Eng Caydaruus Cismaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa rug cadaa usoo shaqeeyay qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland wixii bur burka ka danbeeyay.

Injineerka wuxuu ahaa ninkii ugu danbeeyey caruurtii Cisman Suldan Yusuf keenadiid, Caydaruus waxaa dhalay suugaanyahankii weynaa ahna hindisihii fartii cismaniyada ee leegadu wax ku qori jidhay cisman yuusuf keenadiid aun oo kamidah caruurtii suldaan keenadiid marxuum caydaruus ilaaheey qabriga ha unuuro, dhamaanteena samir iyo iimaan Allah naga siiyo gaar ahaan qoyskiisa, xaaskiisa iyo 8:da caruur ee uu ifka kaga tagay.
كل نفس ذائقةالموت

Establishment of Puntland State.wmv 01/08/2016

Waxaan udirayaa hambalyada sanadguuradii 18:aad ee aas aaskii Puntland dhamaan shacabka, isimada iyo madaxda reer Puntland. Walaalayaal, aynnu si kooban dib u jaleecanno taariikhda Dawladda Puntland siday ku asaasantay iyo sababihii dhaliyey curitaankeeda.

Puntland ha noolaato!
Soomaaliya ha noolaato!

Sannadkan sannadkiisa, innagoo nool oo caafimaad qabna, iyo Puntland oo horumartay Eebbe ha ina wada gaarsiiyo!

Nabad iyo Caano!

Establishment of Puntland State.wmv How Puntland government came to be in a country devastated by civil-war; the story of normal people committed to achieve extraordinary goals.

Photos from BOQOR AXMED  Kingdom Of Daarood's post 26/07/2016

Hambalyo iyo duco

Waxaan u hambalyeynayaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Maxamed oo maanta lagu caleemo saaray Degmada Baladweyne isagoo loo caleemo saaray mid kamid ah saldanadaha uga faca weyn geyiga Soomaaliyeed. Waxaan hambalyo ku aadan caleemo saarka ugaaska la wadaagayaa dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan reer Hiiraan iyo beesha Xawaadle. Waxaan Ugaas Xasan ugu duceyneyaa in howshaas Ilaahay ku asturo, ilaahayna uu ku guuleeyo howsha nabadeynta iyo mideynta uu ka dhex wado beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Hiiraan.

Photos from BOQOR AXMED  Kingdom Of Daarood's post 06/07/2016

Ciid Mubaarak, taqabbal Allahu minna wa minkum. Waxaan hambalyada iyo farxada maalinta ciideed udiraya dhamaan caalamu Islaam, gaar ahaan umada Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan. Waxaan Ilaahay uga baryaya barwaaqo iyo bash bash inaynu sanadkaan sanadkiisa danbe ku gaarno, waxaan kaloo Ilaahay ka baryaya inuu shacabka soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan colaada iyo dhibaatada kaga gargaaro nabad iyo nolol aayatiin leh ugu badalo, AAMIIN YA RABBI!

Photos from BOQOR AXMED  Kingdom Of Daarood's post 08/06/2016

Ramadan mubaarak

Ilaahayoow bisha barakeysan ee soonqaad fadligeeda nasii. Kuwii waajibaadkooda guta oo fursada soonka ka faa'idaysta Allah naga dhigo. Aamiin.

Waxaan kaloo u tacsiyeynayaa dhamaan shacabka reer Puntland gaar ahaan haweenka gobolka Mudug iyo qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday Hooyo Dhudi oo manta lagu dilay magaalada Galkacyo. Ilaahay jana fardawsa haka waraabiyo iyadoo sooman bey dhimatay waxey aheyd qof ahlu khayr ah.

Photos 26/05/2016

Puntland dhaqan soo jireen ah ayay lahayd kaas oo ku salaysan ixtiraam iyo qadarin qoto dheer oo loo hayo Issimada dhaqameedka Ummada.

Markii isim dhinto waxaa dhaqanku ayaa in iyadoo la tixgelinayo xeerarkii soo jireenka ahaa sida in issimka dhintay curadkiisu dhaxlo

Sida in qoyska hoose ay tashandaan iyagoo midaysana ay beelweynta inteeda kale u soo bandhigaan go’aankooda, hadii wax khilafaad hoose jiraana ay si hoose oo aan dhaawacin sumcada iyo mansabka martabada isimka si hoose qoysku u soo dhameeyaan. Howshaa hoose markay soo dhamaatana beelaha kale ee tolka ah ayaa loo soo bandhigi jiray saas ayaana caano shub iyo caleemo saar ku dhici jiray.

Nasiib daro, maanta waxaynu aragnaa isinimo la dhacayo, madaxweynayaal dhaqaale ku bixinaya abuuris fidmo, kala dil dad walaalo ah, dhiiri gelin dhinac mar iyo jebin xeerarkii soo jireenka ahaa.

Taasaana keentay in Caanashubka la leeyahay Qardho ayaa boqor loogu sameeyay ay wada qaadaceen dhamaan issimadii Majeerteen oo ka horyimid jajuubka iyo fowdada cusub ee uu maamulkani horseedka ka yahay.

Dhibaatada Maamulkaani ku hayo Issimada iyo Bulshada Puntland:

Tan iyo intii Maamulkaani yimid waxuu la soo baxay dhaqamo cusub oo laga yaxyaxo sida:

· Issimadii in mucaarad iyo mu’ayid loo kala saaray

· Issimo badan in madaxda maamulkaan ugu saraysa ay ihaanaysay

· In meel looga dhacay oo lagu tuntay martabadii iyo maaqaankii ay issimadu lahaayeen sida ku cad Axdiga Puntland ee ah inay yihiin martabada ugu saraysa iyo marjaca ummada

· In midnimadii iyo wadajirkii walaalaha wada unkaday reer Puntland manta halis ku jirto, mid tagay oo tashaday iyo mid sii sicda iyo mid ceeb iyo caro la aamusana ay kala noqdeen

· In shirar ku sheeg wax hadafkoodu tahay iyo wax ka soo baxaya aysan jirin ummada lagu maaweeliyo sida Shirka duubabka Soomaaliyeed! Maxaa shir duubab soomaaliyeed la qabtaa iyadoo issimadii reer Puntland aysan midaysnayn, wadajirkoodii iyo wada shaqayntoodiina la siyaasadeeyay

Talooyin:

· Waxaan issimada reer Puntland ugu baaqayaa inaysan ka aamusin dhibka iyo hadimada Puntland ka socota taas oo khatar ku ah jiritaanka iyo midnimada ummada , sidaa awgeed waa inay iyagoo gudanaya waajibkooda dastuuriga ah u istaagaan badbaadada Puntland

· Waxaan shacabka, aqoonyahanka , qurbajoogta iyo ururadda bulshada ugu yeeraynay inay gutaan doorka uga aadan badbaada Puntland, kana shaqeeyaan sidii loo ilaalinlahaa nabada, wadajirka iyo walaalnimada dadka iyo deegaamada ku bahoobay Puntland, qaybna ka noqdaan wax kasta oo lagu samato bixinayo Puntland.

· Masuuliyiinta dowlada maanta hogaanka u haysna waxaan leenahay faraha kala baxa arimaha dhaqanka kana waantowdaan dhaqanka qof jeclaysiga iyo arimaha dhaqanka ee aad siyaasadaynaysaan, joojiyana ihaanada iyo bahdilka aad ku haysaan Issimada uumada hogaanka u ah.

· Dowladaan waxaa loo irkaday inay u adeegto ummada, difaacdo xuduudaheeda, talada dalkana dadka wax ka siiso, nasiib daro, manta dhaqaalle xumada iyo cabashooyinka danyarta waa wax aan indhaha laga qansan Karin, dhulka maqan iyo ihaanada lagu hayo dad iyo deegaano ka mid ah Puntland waa wax laga xumaado, cadaalada darada , eexda, hantida dhunsashada, abuurka dagaalo aan loo baahnayn iyo hanjabaado aan la fulin Karin, intuna waa wax khatar ku ah jiritaanka wadajirta iyo masiirka Puntland, sidaa awgeed waxaan masuuliyiinta talada dalka haysa leenahay isdaba qanta oo isa saxa, inta goori goor tahay, ogaadana talada dalka iyo masiirka ummada waa la idinla wadagaa, maaha mid keligiin sidaad rabtaan aad ugu tagri fali kartaan.

Wabillaahi towfiiq!

Warka Shirka Isimada Puntland by Jaamac 20/05/2016

Waxaan soo dhaweynaayaa talada qaangaarka ah ee isimada ku gaareen magaalada Garowe. Waa talo wax ku ool ah oo ay garan karaan dadka daneeya aayaha dalka iyo dadka. Waan soo dhaweynaya go'aanka isimada kasoo baxay, waxaana rajeynaya in shirkaas oo loo iclimaayiyay xiliga soonqaadka kadib oo ah xili munaasib ah aan kasoo qeybgalo In sha Allah.

Warka Shirka Isimada Puntland by Jaamac

06/05/2016

Ilaahay iman sugan hana siiyo oo kuwa diintooda ku xamdi naqa Allah naga yeelo. Aamiin! Aduun waa har labadiisa galin, maal aduun waxaa ka qiima badan qofkii tiisa danbe sahay udhigta khayr Allah ka siiyo walaalka video:gan soo diyaariyay. Jumca kareem dhamaantiin!

16/03/2016

Gardaraale ma guuleysto!

Waxaan ka xumahay qolyaha argagixisada ee soo weerartay xeebaha Puntland, reer Puntland gude iyo dibedba waxaa galay dareen weyn, xiligaan waxaa mudan in gacmaha leys wada qabsado si cadowgo hal meel looga soo wada jeesto, waxaan urajeynayaa ciidamada qalabka sida inay si deg deg kaga guuleystaan kooxaha argagixisada ee dhibaatooyinka usoo xawilay geyigeena nabdoon.

Puntland Ilaahay ha ka dhowro duulaanka kooxaha argagixisada. AAMIIN!

Wabillaahi towfiiq!
Boqor Axmed

Want your business to be the top-listed Government Service in Boosaaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Boosaaso