SEDDEX SEDDEX BAA U DAWO AH
MA-GARANAAYO------BARO AYAA UDAAWO AH
MA-KARAAYO------ISKU DAY BAA U DAAWO AH
MA-DHICIKARTO----TIJAABI BAA U DAAWO AH
Akadamiyada Horumarinta Qoyska Ee samo-talis
horumarinta qoyska iyo barbaarinta ubadka
macnaha kalmada jacayl ama love !!!
Waa maxay jacayl mase loo dhintaa?!
Jacaylku waa shay qaali ah kaas oo ku lamaansan jiritaanka Nolosheena
jacaylka inagaa u baahan ee isagu Nooma Baahna
Jacaylka erayga la dhoho asal Ahaan bal aan fiirino erayada uu ka soo jeedo iyo saamaynta uu ku leeyahay nolosha aadamiga
iyo waxa laga soo gaabiyay
(L)lack of pleasure
(O) ocean of sad
(V) vellay of deeth
(E) end the live
Hadaba erayadaas waxaa laga soo gaabiyay kalmada inglish ka ah oo Micneheedu yahya
jacayl lagana soo gaabiyay erayadaas oo Micnohoodu yahay
farax la,aan,
bada murugada,
Dooxada Quruntay,
Dhamaadka nolosha
isla markaana waad dareemi kartaa
Saamaynta uu ku leeyahay nolosha bini - aadanka
hadaba kalmada love oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo
gaabiyay kalmada jacayl
(J) jawhar
(A) amakaag
(C) calaacal
(E) enfariir
(Y) yaab
(L) luul
Hadaba waad aragtaa qiimaha uu leeyahay jacaylku
marba Haduu yahay jawhar
marna waad aragtaa dhibaatooyinkiisa
marba Haduu yahay amakaag, calaacal. yaab,
iyo luul akhrista hada ka Hor ayaa la is weydiiyay waxa uu yahay jacayl
waxaana ka Jawaabay fanaan oo yiri WAA MAXAY JACAYL??? waa macaan Ama waa qaraar hadba waa siduu kuu soo maree marka jacaylku Waa run hadba waa siduu kuu soo maro
qofka marwaxaa laga Yaabaa In laga waraabinayo labo dhan taas macnaheedu waxaa Weeye Labada qofba ay wada dareemaan jacaylka
markaas waa Macaan marka uu qaraarka noqonayana
waxaa weeye marka laga Waraabinayo hal dhinac ha ahaado dhanka ninka ama haweenta
Jacaylka waxa uu leeyahay Aabe, Hooyo, Walal, Dad uu jecelyahay, Dad uu necebyahay,
Waxyaabo ay wada socdaan,
Meel uu Kayimaado,
Meel uu d**o,
Waxyaabo uu Jecelyahay,
Waxyaabo uu Necebyahay,
bal hadaba aan eegno Waxyaabahaan soo sheegnay Sida ay
suura gal u yihiin
Aabihiis -Nasiib
Hooyadiis -calaf
Walaalihiis -dadaal
Dad uu jecelyahay - Ruuxa daacada ah
Dad uu necebyahay - ruuxa aan daacada ahayn
Waxyaabo ay wada socdaan -dookha
Meel uu kayimaado - Dareen uu qofku wax dareemo
Meel uu d**o - qalbiga
Waxay wada socdaan -- Dookha
Hadaba jacaylku haduu yahay saas miyuusan la mid ahayn ruuxa Insaankaa oo kale???
Jawaabtu waa haah waayo intaasba bini Aadanku waa
leeyahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku Kulanaa nolosha,
jacaylkU asagaa Nooma baahna ee anagaa Ubaahan,
Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii xaawo Iyo aadan, Jacaylka k**a maarano asagana Nagama maarmo
Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada Dhan
waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan
waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog)
dadkaas waxaa kamid ahaa
Laylo
Qays
Cilmi
Hodan
Juuliya
romi
Grendiano
Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin hadaba
mucaashqiintaas geeriyootay waxaa hadaladoodii ka mid ahaa JUULI - ( do you keep aware that i abam done eating, sleeping, relaxing, for sake of your Adore)
ROOMI - ( my love for you has grown deeper and deeper)
(my love for you is like ashadow wich never leaves it,s owner
CILMI -Aniguba qadraan soo arkiyo qaararkii hodane in aan eebahay idin qaribin qariya laabtiina anigoon xabaal la igu hamsiin waanan ka harayne haday hawl yaraan idin latahay aniga waa hooge
maqaalkaan kumaan soo koobi karo hadaladoodii ugu danbeeyay kuwaas oo aad ka turjuman karto saamaynta uu ku reebay jacaylku
Farqiga U Dhaxeeya Mucaashiqiintii Danbe Iyo Kuwa Hada Jooga
Dadka jacaylkii waxa ay ka fahmeen qalad waxaana loo turjuntay si aan macquul ahayn kana mamnuucan xaquuqda jacaylka
waayo dadka haatan jooga waxay u isticmaalaan jacaylka hab qaldan
sida qurux,
lacag.
qabyaalad,
dano gaar ah ilaa dadkii aamineen
jacaylku inuu yahay dan gaar ah oo uu yahay Dhalanteed kuwaasna waa Cadawga jacaylka
jacaylku waa dahab aan la gadan karin taas waxaa kuu cadaynaysa Nacayb waa la iibsan karaa lakiin jacayl lama iibsan karo
Jcaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah
Dhidid
Cuqdad
fakar xad dhaaf ah
Boholyaw
Mashquul fara badan
Qofka oo dhibsada hadalka
U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd
Tarsaas magaca qofkaad jeclayd
Cunada oo kaa xiranta
Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad jeclaato buugta iwm
ka sheekaysa qisooyinka jacaylka Riyo iyo qaraw
aniga gaar ahaan jacaylka maan aaminsanayn balse markuu igu dhacay ayaan waxaan ogaaday in uu jiro
fadlan hadaadan jacayl waxba ka aqoon ha dhihin ma jiro iyo looma
dhinto hadalkayga aan ku soo afmeerayo maqaalkaan aadka u xiisaha badan waxaa weeye
-Red is red
-red is blood
-blood is heart
-heart is love
-love is life
Guduudku waa guduud
guduudku waa dhiig
dhiigu waa wadne
wadnuhu waa jacayl
-jacaylku waa nolol
Waxaan umahad celinyaa marka kowaad iilaahay i waafajiyay in aan idiin soo gudbiyo dhambaalkaan qiimaha mudan
waxaan u mahad naqayaa akhristayaasha dhambaalkaan
Xasuusin
Qaybtaan qaybta ku xigta waxaan uga hadli doonaa insha-allah waxyaabaha keena jacaylka iyo waxa looga guul gaaro
Waxaan ka afeefanayaa wixii qalad ah uu ku yimaada akhristayaasha in ay ka raali
ahaadaan waayo magafe waa alle insaana waa gafe wabilaahi TAWFIIQ
nagu soo biir
CASHARADA LAGU DHIGO AKADAMIYADA HORUMARINTA QOYSKA EE WADAJIR
1. Maxaakuguwaajiba in taanadguursan?
2. doorashadagacalka
3. Waa maxayguurku?
4. Maxaa loo guursadaa?
5. Maxaakulagudboonintaanadnoqon
6. Waalidnimaad u diyaartahay
7. MaxaadyeelihaddiiIlaahayilmokusiiyo?
8. Waalidbaannoqdayemaxaa ILA gudboon?
9. Ujeedooyinkaguurka
10. Ujeedooyinkaubaddhalida
11. Xaquuuqdacarruurta
12. Bar baarintaubadka
13. Dhinacyadabarbaarintubeegsanayso
14. Qaabab wax lagubarbaariyo
15. Qaabkauguwanaagsanee loo tarbiyadeeyoubadka
16. Cuduradakudhacaqoyska
17. Maxaasababa in khilaafyimaado?
18. Waamaxaysababahakeenaburburkaqoyska?
19. SideeFarxadaQosyka Loo Laasimaa?
20. Furayaashaguushaqoyskawanaagsan
21. Calaamadahasaaxiibkawanaagsan
22. Akhlaaqwanaagaiyofadliga ay leedahay
23. Xishoodka
25/10/2016
9 Calaamadood Oo Lagu Garto Ninka Noqon Kara Aabe Iyo Zowj Wanaagsan
Gabdhyahey waxaa suuragal ah in saygaaga uu ku yiraahdo in uu diyaar u yahay in loo dhalo carruur badan,oo weliba uu jecelyahay, markaas waxaad dareemeysaa farxad iyo reyn-reyn, laakiin ma is weydiisay in uu ula jeedo si dhab waxa uu sheegayo.
Waxaan ku bareynaa astaamaha saldhigga u ah odayga ay tahay in aabe wanaagsan uu u noqdo carruurtaada mustaqbalka:
1. waa in uu ku daryeelaa oo uu ku dhageystaa
Haddii odaygaada uu ku dhageysanayo goor walba, uuna u imanayo daraadaa markaad wacdid markasta oo aad u u baahatid, haddaba waa midka ku haboon in uu aabbe u noqdo carruurtaada, carruurta waxay u baahanyihiin tixgelin gaar ah daqiiqad walba, hooyada iyo aabahana ma ahan oo klaiya in ay ka fekeraan nafsadooda oo kaliya balse waxaa lagama maarmaan ah in ay daryeelaan carruurtooda.Aabaha wanaagsan waxaa laga doonayaa in uu garto waxa ay doonayaan carruurtiisa iyo waxa ay jecelyihiin, xitaa haddii aysan u sheegin, waa arrin wanaagsan in uu dareemo baahidooda.
2. Waa in uusan kaala xishoonin kalgacalka:
Ragga inta badan ma soo bandhigaan dareenkooda gaar ahaan jaceylka iyo caadhifadda, haddii aad dareentid in odaygaaga uusan la gabaneyn jaceylka iyo kalgacalka uu kuu qabo xitaa dadka hortooda ogow waa aabaha ugu wanaagsan carruurtaada mustaqbalka, wuxuuna awood u leeyahay in uu carruurtiisa la dhiso xiriir wanaagsan.
3. Waa in uu awood u leeyahay in uu xiriirka ka ilaalin karo cadaadiska
Cadaadiska wuxuu dhaawacayaa ama uu si xun u saameynayaa xiriirka wanaagsan, balse haddii odayga uu garanayo sida uu ula macaamilayo cadaadiska arrintaas waxay calaamad u tahay in uu awood u leeyahay in loo dhalo carruur, wuxuuna ku guuleysan karaa cadaadisyada la socda, sidoo kale carruurta waxay la kulmayaan cadaadis waxayna u baahanyihiin cid ka caawisa sidii ay uga gubi lahaayeen, waxaana dhab ah in aabaha uu yahay ninka ka gudbin lahaa cadaadiskaas noloshooda saameynta ku reebi karo
4. Waa in cuntadiisa aad la qeybsan kartid
Imtixaankaan yar wuxuu kuu muujinayaa in odauga wanaagsan wuxuu u dulqaadanayaa codsiyada caruurtiisa, ruuxa aan ku siineyn jab ka mid ah cuntadiisa ma ku haboona in uu aabe u noqdo carruurtaada, in aad la qeybsatid saxankiisa waxay calaamad u tahay in uu kaa fekerayo adiga ka hor nafsadiisa, sidoo kale wuxuu ka fekeri doonaa caruurtiisa ka hor nafsadiisa.
5. Waa in uu yahay nin dabeecad furfuran
Haddii odayga uu yahayn nin si fudud kuu dareemi karo, jecelna in uu kaala sheekeysto qorshahiisa mustaqbalka waa ninka ku haboon in uu aabe u noqdo carruurtaada.
6. Waa in uu kula diyaariyaa hawsha guriga sida cunta karinta
Sida caadiga ah shaqooyinka ragga ka mid ma ahan in ay cuntada xaasaskooda u kariyaan, balse haddii odayga uu ka caawinayo xaaskiisa arrimaha guriga sida cunta karinta, dhar dhaqidda, nadaafadda guud, kaaweynta dharka, adeegga suuqa, iyo wixii la mid ah, waxaa shaki la`aan ah in uu sidoo kale caruurtiisa ka caawin doona dhibaatooyinka la soo gudboonaada noloshooda, ka wada shaqeynta guurka ayaaba ka dhigaya labada dhinac in ay ka wada qeyb qaataan wax kasta, waxayna gacan ka geysaneysaa in ay caawiyaan carruurtooda marka dhashaan.
7. Waa in uu nafsaddiisa kuu huraa
In nafsadda la isu huro waa waajib mararka qaar, haddii odayga uu yahay nin tilmaaman, oo kuu jilicsan, ku daryeelayo, kuna caawinayo markaad xanuunsantahay, iskuna dayayo in uu niyadda kuu dhiso walaacana kaa bi`iyo, haddaba waa qof aan nafsadiisa kaa jecleysaneynin, wuxuuna istaahilaa in uu aabe uu u noqdo carruurtaada mustaqbalka.
8. Waa in uu yahay ruux aad isku haleyn karto
Waxaa suuragal ah in aad la shaqeysid aadna iskaashataan odey ku jecel mar walba, haddii uu sidaa kuu sameynayo, oo uu kuu qabanayo hawlaha qabyada kaa ah adiga oo aan u sheegin ama aan kaa soo daaheynin, waa ruux la isku halleyn karo, waana midka mudan in uu aabe u noqdo carruurtaada mustaqbalka.
9. Waa in uu ku jecelyahay adna aad jeceshahay
Haddii ixtiraamka, kalgcalka iyo xiriir wanaagsan uu idinka dhaxeeyo, haddaba waxaad diyaar u tahay in aad dhashid carruur, odeygaagana wuxuu awoodaa in uu ku caawiyo, sababtoo ah wuxuu jecelyahay carruur in aad u dhashid,wuxuuna wax kasta u sameynayaa in uu ku barbaariyo carruurtaada jaceylka iyo akhlaaqda wanaagsan

Waa maxay Guur?
Guurka waa barwaaqo Illaahay sharciyeeyey kaasoo la sameeyo marka ay heshiiyaan laba qof oo muslimiin ah kuwaasoo raba inay is-guursadaan. Guur waxuu xalaal u yahay inay is-guursadaan lab iyo dhedig ama nin iyo naag.
Guur Islaamka waxuu sharciyeeyey in ninka uu guursan karo 4 xaas haddii uu awoodo balse naagta waxay guursan kartaa 1 nin oo kaliye.
Guurka ma laha da' waayo adduunkan waxaa ka jira dhaqamo badan oo lagu dabaqay Diinta kuwaasoo meelaha qaarkood ka dhigay guurka waxaan macno lahayn oo caado ahaan loo qaato.
Guurka waa nolosha runta ah ee dhex marta ragga iyo dumarka
UJEEDOOYINKA GUURKA
Eebbe Subaxaanahu wa-Tacaale markuu guurka jideynayay, wuxuu ka lahaa ulajeeddooyin gebi ahaanba maslaxadda addoomadiisa iyo danohooda u adeegaysa. Ujeeddooyinkaas waxaa kamid ah, kuwa soo socda:
1- Habaynta Isu-dhaxa:
Dumarka wixii idiin dhadhamaya laba labo, saddex saddex iyo afar afar u guursada, haddaad ka baqdaan in aad garsoori weydaanna mid keliya guursada) (An-Nisaa': 3). Qoyska ka aasaasma guurka sharciga ah, rabitaankiisa waxa lagu habeeyay qaab xalaal ah iyo labada qofee isqaba oo markaas wixii uu Ebbe u qoray ku qanacsan. Sidaas buu mid waliba midka kale ugu raaxaystaa, rabitaankiisana qaab xalaal ah uga haqabtiraa.Sidaas darteed, waxaynu Qur'aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabiga (SallalLaahu calayhi wa-Sallam) labadaba ku aragnaa qoraallo fara badan oo qofka inuu guursado ku boorrinaya Cabdullaahi Ibnu-Mascuud (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyey: (Dhallinyarooy, kiinnii guur awoodaa ha guursado, maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa udhufays, kaan awoodinna ha soomo, soonkaa shahwada ka jebinayee) Aanas ibnu Maalik (RC) wuxuu isna Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Guursada mid ninkeeda jecel oo dhalid badan, qiyaamaha ayaan isku kiin badinayaaye)
2. Dhawrista Faraca iyo nooca Aadanaha
(Dadoow, ka baqa Rabbigii naf keliya "Aadan" idinka abuuray, iyadana lammaanteedii "Xaawo" ka abuuray, laba doodana rag fara badan iyo dumar ka baahiyay) (An-Nisaa). Guurka iyo dhisidda qoysku waxay dhawraan nooca Aadanaha iyo faraciisa (tafiirtiisa), waana waddada keliya ee jiritaanka abuurka Aadanaha lagu ilaalin karo.Sidoo kale waa dariiqada qura ee ay dadku kutarmaan, ilaa iyo inta uu Alle arlada iyo waxa dul saaran ka oofsanayo, taasi oo ah maalinta Aakhiro. Qur'aanka kariimka ahi xikmaddaas bulshadeed iyo maslaxaddaas bani-aadannimo isagoo tilmaamaya wuxuu yiri: } (Alle wuxuu idiin sameeyay xaasas idinku nooc ah, xaasaskiinnana wuxuu idinka siiyay ubad iyo farac, wuxuuna idinku galladaystay irsaq wanaagsan, ee ma waxay rumaynaan been abuur "Ilaahyo aan jirin", nicmadii Allena miyay ku gaaloobayaan)(An-Naxal: 72).
3. Dhawrista Abtirsiimada iyo Qaraabo xiriirinta:
Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC)wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi waSallam) ka weriyay: (Abtirsiimadiinna ka barta qaddar aad qaraabadiinna ku xiriirisaan) Kolka guur dhoco ayuu qoys dhismaa,kolka uu qoys dhismo bayna bulsho dhisantaa, abtirsiimana la bartaa.Abtirsiimo barashadu milanka iyo maldahaadda ayay bulshada ka dhawrtaa.Waxa kaloo lagu xiriiriyaa qaraabada, laguna gacan qabtaa xigtada, sidaas bayna bulshadu ku xoogaysataa, iskuna gargaartaa, iskuna kaashataa. Guurka Alle jideeyay waxa weeye ka ay sababtiisa ubadku ugu abtirsadaan uguna faanaan aabbeyaashood, taasi oo Aadanaha xag degganaan nafsiyadeed iyo xag gobannimo in taba ahmiyad weyn ugu leh Haddii aanu guur jirin bulshadu waxay la liici lahayd ubad aan karaamo iyo dadnimo lahayn, cid ay ku abtirsadaanna la arag, taasi oo markaas dhantaalaysa dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan, baahinaysana akhlaaq xumida iyodullinimada.
4. Ilaalinta isku duubnida Bulshada:
(Calaamadihiisa "awooddiisa iyo inu keligiis in la caabbudo mudan yahay tusinaya" waxaa kamid ah inuu naftiinna xaasas idiinka abuuray saad ugu degtaan, wuxuna idin dhex dhigay kalgacaltooyo iyo naxariis, dhab ahaantii taasi waxay calaamado "lagu waana qaato" u tahay qolo fekeraysa) (ArRuum: 21).
Cabdullaahi Ibnu-Cumar (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo leh:
(Ninku wuxu masíuul ka yahay reerkiisa, waana la weydiinayaa wixii loo dhiibay.Naagtu waxay masíuul ka tahay aqalka ninkeeda iyo ubadkiisa, waana la weydiinayaa wixii loo dhiibay) Guurka waxaa ku adkaada, kuna xididdaysta is jacaylka iyo isu naxariisa shada labada is-guursaday, qaraabada, ubadka iyo guud ahaan Bulshada.Labada qofee qoyska wada dhistay waxay iska kaashadaan dhismaha qoyskooda iyo barbaarinta ubadkooda, iyagoo barbaarintaas saldhig uga dhigaya diinta Islaamka. Labada qof way is dhammays-tiraan, mid walibana wuxu hawsha ka qabtaa halka kaga aaddan, taas oo ku xiran hadba takhasuskiisa iyo kar tidiisa jireed. Haweenaydu waxay qabataa hawlaha ay takhasuska u leedahay iyo shaqooyinka samayskeeda dumarnimo waa faqsan sida; maaraynta guriga, barbaarinta ubadka, iwm
Waxay qoyska u diyaarisaa raashin bisil, biyo qaboow iyo dhar nadiif ah
Ninku isagu wuxuu qabtaa hawlaha u gaarka ahe ragannimadiisa waa faqsan sida; mas'uuliyadda guud ee qoyska, qabashada shaqooyinka culculus iyo xag dhaqaale ka daryeelka qoyska.Nafta ood ku jara-bartid qaadista masíuuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa saaran xaaskaaga,dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga yimaada ood u dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood waddada toosan ku barbaarisid, iwm.
Arrimahaas oo dhami ujeeddooyinka guurka ayay kamid yihiin, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo.Ninku kolka uu fiidkii isagoo daallan shaqo ka yimaado, uuna ehelkiisa iyo ubadkiisa aqalka kula kulmo, wuxuu halkaas ku illaawaa wixii maalinkaas dhib soo qabsaday, waxana uga baaba'a daalkii wareerka adduunyada iyo irsaq raadinta kazoo qabsaday. Haweenayda oo iyana maalintaas oo dhan hawl adduunyo iyo aqal agaasimid ku jirtay, kolka ay saygeeda fiidkii la kulanto, gacma furanna kusoo dhowayso, daalkii iyo iska daba wareeggii halkaas bay uga haraan. Sidaas buu mid waliba Kan kale hooskiisa raaxa guur iyo degganaan nafsiyadeed uga helaa.Ninka oo ka xorooba agaasinka guriga sida; hagaajintiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kazoo adeegga, iwm Waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo Thowbaan (RC) wuxuu Nabiga (SallalLaahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo haweenay muíminad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmaysa) Haddaba dumarka in dunida lagula raaxaysto, carruurna laga daadiyo oo qura looma guursado, balse yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay ninka u abuuraan waqti iyo jawi uu Eebbe ku caabbudo, danihiisa gaarkaahna ku qabsado.
4- Dhufays Shaydaan laga galo:
Ibnu-Mascuud (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyey inu yiri: (Dhallinyarooy, kiinnii guur awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u dhufays, kaan awoodina ha soomo, soonkaa shahwada ka jebinayee)
Guurku waxa uu kaa oodaa meelihii uu Shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa iyagoo xalaal ah rugtaada kuu yaallaan. Qofku haddaanu Alle-ka-cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa ayaa hor kaca, haddii markaas aanu guur xalaal ah helin, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay

22/09/2016
Maanta oo ay tahay maali khamiisa
bishuna ay tahay 9/22/2016
bayjkan waxaan ku bilaabaynaa su'aalo furfuraaya maskaxda qofka mudana in lays weydiiyo intaanad guursan
waxaana idiin soo gudbinaysa AKADAMIYADA HORUMARINTA QOYSKA EE WADAJIR ee ka dhisan GOBOLKA awdal MAGAALO madaxdiisa BORAMA
Hadaba su'aashu waxay tahay....
1--maxaa inagu waajiba intaynan guursan? dhaliyarooy
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Borama
143220