Xoghayaha Qurba joogta Xisbiga KAAH - Somaliland mudane : Abdiasiis Diiriye Dahir Nuur , ayaa si weyn usoo dhaweeyey xubnihii Qurbo-joogta Xisbiga Kaah kamid ka ahaa Ee dalka kusoo laabtay..
Xisbiga Kaah Ee Gobolka Awdal
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xisbiga Kaah Ee Gobolka Awdal, Government Organization, Borama.
09/04/2026
Bayaan Canbaareyn ah
Waxaan si adag u canbaaraynaynaa xadhigga sharci-darrada ah ee lagula kacay Mudane Khadar Maxamed Daahir, oo lagu xidhay magaalada Saylac. Xadhiggan waa mid ka baxsan sharciga, isla markaana gef ku ah xuquuqda muwaadiniinta.
Khadar Maxamed Daahir waa masuul ka tirsan Xisbiga KAAH, kana mid ah masuuliyiinta mucaaradka ee xaqa u leh inay dhaliilaan wax kasta oo baylahsan ama ay iska indho-tirto xukuumaddan waqtigeedu sii dhamaanayo, taas oo u muuqata inay himiladeedu noqotay cabudhinta iyo caga-juglaynta shacabka.
Waxaan fariin u diraynaa kuwa ku dhex jira nidaamkan fashilmay, ee u muuqda โrakaabka tareenka xukuumadda godka ku sii socotaโ, in aanay dulmiga iyo tacaddiga ku sii kordhin shacabka. Ficillada noocan ah maaha kuwo xal keenaya, balse waxay sii hurinayaan caro iyo kalsooni-darro bulsho.
Xisbiga KAAH wuxuu mar walba garab taagan yahay bulshadii soo dooratay, mana aqbali doono in maalin kasta qof hortooda lagu dhibaateeyo ama lagu xadgudbo.
Haddii aan laga waantoobin xadhigyadan sharci-darrada ah iyo cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo shacabka, isla markaana aan si degdeg ah loo sii dayn Mudane Khadar Maxamed Daahir, waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin muujinaya diidmada arrintan, anagoo aan ka leexan doonin difaaca xaqa iyo cadaaladda.
25/03/2026
XISBIGA KAAH OO KAHADLAY URURKA UMAD
ururka umad waa urur lamida ururada kadhisan jumuuriyada somalilnad
waana urur ay kumidooben Aqoonyahanka iyo Haldoorka dhalinyarada gadabuursi
kaaso ay sheegen in uu ka shaqayn doono danaha umada gadabuursi iyo taakulaynta dadka danyarta ah
Hadaba waxaa is waydiin mudan maxaa xukuumada hordhigay inay hakiyaan ururkan ?
ma waxaan ugu jirin kuwo yaga ushaqeeya oo amaawiirtooda qaata
mise waxay ka dhex arki laayihiin danahooga ?
Xisbiga kaah waa uu taagersan yahay ururka umad
waxaanu ku taagersan yahay inay midnimadooda iyo wadajirkooga
iyo inay dadkooga ukacaan una gurmadaan
kana shaqeeyan danaha bulshada iyo gobolkaba yagoo ah muwaadaniin xaq uleh inay dadkooga wax uqabtaan
waan canbaaraynanaa cidkasta oo lid kunoqota ama is hortaagta ururka umad
waxaan u aqoon sananaa cid aan ogolayn midnimada gadabuursi iyo Horumarkooga
W/Q : Afhayeenka xisbiga kaah ee gobolka awdal
Sayid cabdi ismaaciil
19/03/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
Munaasibadda Ciidul-Fidriga
Waxa aan idinla wadaagayaa hambalyo diirran oo ku aaddan munaasibadda barakaysan ee Ciidul-Fidriga 1447H, anigoo idiin rajaynaya farxad, caafimaad, iimaan dhammaystiran iyo mustaqbal ifaya.
Ciiddu waa xilli ay qalbiyadu isu furmaan, la is cafiyo, la isna xasuusto wanaagga iyo naxariista. Waa maalin ka dambaysa bil aynu ku tababarnay samir, cibaado iyo is-xakameyn, taas oo ina xasuusinaysa qiimaha ay leedahay isu damqashada iyo garab istaagga bulshada.
Waxa aan si gaar ah ugu baaqayaa taageerayaasha Xisbiga KAAH iyo guud ahaan shacabka Somaliland inay sii xoojiyaan isku duubnida, wadajirka iyo is-gargaarista, gaar ahaan xilliyada adag ee ay bulshadeennu wajahdo. Qaran adag waxa lagu dhisaa dad is jecel, is ixtiraama, isla markaana ka shaqeeya danta guud.
Sidoo kale, waxa aan ku dhiirrigelinayaa in la joogteeyo qiyamka wanaagsan ee aynu ka barannay bisha Ramadaan, si aynu u gaadhno bulsho horumar leh oo ku dhisan caddaalad, nabad iyo iskaashi.
Alle SWT waxaan ka baryayaa in uu naga aqbalo cibaadadii iyo camalladii suubbanaa, isla markaana uu dalkeenna ku mannaysto nabad, xasilooni iyo barwaaqo waarta.
Mar kale, dhammaantiin waxa aan idin leeyahay Ciid Wanaagsan, Alle ha inagu gaadhsiiyo ciidaha soo socda annagoo caafimaad qaba iyo dalkeenna oo horumar iyo nabad ku naaloonaya.
Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane
Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga KAAH..
19/03/2026
๐๐ Hambalyo Ciidul Fidriga ๐๐
Af-hayeenka Xisbiga KAAH ee Gobolka Awdal waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan, munaasibadda barakaysan ee Ciidul Fidriga awgeed.
Waxaan Alle ka baryaynaa in uu ciidan ciideeda nagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cimri dheer iyo nabadgelyo. Sidoo kale, waxaan Alle kabaryaynaa in uu naga aqbalo soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee aynu soo gudannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Ciid Mubaarak dhammaan ummadda Islaamka! ๐โจ
11/03/2026
Xadhig iyo cabudhin lagula kacayo haldoorka iyo saxaafadda gobolka Awdal mar kale ayay soo noqnoqdeen. Mar kasta oo la hadlo xaqa, saamiga, iyo caddaaladda ay mudan yihiin reer Awdal, jawaabtu ma noqotaa xadhig iyo cabudhin?
Suโaashu waa mid cad:
Xukuumaddu ma runta ayay diidan tahay, mise waxay diidan tahay dadka ka hadlaya xaqooda?
Reer Awdal cadow ma aha. Waa dad doonaya in la saxo wixii qaldan, lana helo caddaalad iyo saamiga ay xaqa u leeyihiin.
Bulshada reer Awdal waxay madaxda waynaha qaranka waydiinayaan saddex suโaalood
1๏ธโฃ Saamigii shalay lagu ololaynayay ma run buu ahaa mise hadal siyaasadeed oo keliya?
2๏ธโฃ Ma khaladaadka ayaa lagu qarinayaa xadhig iyo cabudhin?
3๏ธโฃMa ree awdalbaan cid uhadasha lahayn oo kuwaad umagacowduu hankoogu Noqday 2GB ?
Gudoomiyaha Gobolkana midbaa leeyahy
ree awdal waxay kacabanaayan waa waxad shalay ka cabanasay eed ku ololaynasay
ee Gudoomiye ma adaa isbedelay mise adadka isbedelay ?
Waxaan ku celinanaa oon xukuumada usheeganaa inay dadka ay uhaysato maxaad dadkiina ugu hadasheen ay usoo celiyaan xoriyadooda
W/Q:Afhayeenka Xisbiga Kaah Ee Gobolka Awdal
Sayid Cabdi Ismaacil
05/03/2026
XADHIGA IYO CABUDHINTA LAGUMA DHISO DAWLADNIMO
Xukuumadda wakhtigan talada haysa waxay si cad u muujisay inay caado ka dhigatay cabudhinta iyo xadhigga saxafiyiinta, siyaasiyiinta iyo haldoorka bulshada, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Awdal. Tallaabooyinkan joogtada noqday waxay muujinayaan hoos u dhac ku yimid ixtiraamka xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu si cad u dammaanad qaaday xorriyadda hadalka, fikirka iyo xaqa muwaadinku u leeyahay inuu dhaliilo xukuumadda. Sidaas darteed, xadhigga lagu hayo saxafiyiinta iyo dadka aragtidooda cabbiraya waa mid si toos ah uga hor imanaya dastuurka iyo mabaadiโda dimuqraadiyadda.
Waxaan xukuumadda ugu baaqayaa inay si degdeg ah uga noqoto jidkan cabudhinta ah ee ay qaadayso, kana waantoobaan tallaabooyinka dhaawacaya kalsoonida shacabka iyo sumcadda dawladnimada. Dawladnimadu kuma dhisna xadhig, cabsi iyo aamusin; waxay ku dhisan tahay cadaalad, xorriyad iyo in la maqlo codka bulshada.
Sidoo kale, waxaan si cad u dalbanayaa in xorriyaddooda si shuruud laโaan ah loo siiyo saxafiyiinta, siyaasiyiinta iyo muwaadiniinta lagu xidhay fikirradooda iyo aragtidooda siyaasadeed.
Waxaan xukuumadda xasuusinayaa in shalay markii ay mucaaradka ahaayeen ay si adag u dhaliili jireen xadhigga saxafiyiinta iyo muwaadiniinta, balse maanta ay u muuqdaan kuwo difaacaya isla ficilladii ay shalay cambaarayn jireen. Taasi waa laba-wajiilnimo siyaasadeed oo shacabka aan ka qarsoonayn.
Ugu dambayn, waxaan u sheegayaa xukuumadda in jidka ay maanta marayso aanu ahayn jid dawladnimo, balse uu yahay jid siyaasadeed oo ku dhammaan kara guul-darro iyo kala fogaansho bulsho haddii aan laga laaban.
W/Q:
Afhayeenka Xisbiga KAAH ee Gobolka Awdal
Sayid Cabdi Ismaacil
Xoghayaha Qurba-joogta Xisbiga Mucaaridka ee Kaah a Abdiasiis Diiriye Dahir Nuur Ayaa Galabta cup ka Ramadaanta ee dhameeye bogaadiyay
Xoghayaha Qurba-joogta Xisbiga Mucaaridka ee Kaah, Mudane Cabdicasiis Diiriye Daahir, ayaa galabta shacabka Borama kala qeybgalay kuna daawaday Ciyaarta Koobka Ramadaanta. Garoonka Dhameeye
Jawigu wuxuu ahaa mid farxad iyo damaashaad leh, iyadoo taageerayaal tiro badan ay isugu soo baxeen garoonka si ay u daawadaan ciyaarta xiisaha badan ee koobka. Mudane Cabdicasiis Diiriye Daahir ayaa muujiyay sida uu mar walba ula garab taagan yahay dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha, isaga oo bogaadiyay dadaalka iyo kartida kooxaha ka qeybgalay tartanka.
Sidoo kale, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ciyaartoyda, qabanqaabiyeyaasha iyo taageerayaasha ka qeyb qaatay qabsoomidda Koobka Ramadaanta, isagoo tilmaamay in ciyaaruhu ay yihiin tiir muhiim u ah nabadda, midnimada iyo is dhexgalka bulshada.
Borama waa hoyga horumarka, dhalinyaraduna waa rajada mustaqbalka. โฝ
21/02/2026
BAAQ IYO DIGIN KU SOCOTA XUKUUMADDA
Xukuumadda talada haysaa waa inay ka waantoobtaa xadhigga sharci-darrada ah ee ay kula beegsanayso aqoonyahanka iyo haldoorka Gobolka Awdal. Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu dhaliilo, suโaalo keeno, ama diido goโaan uu u arko mid aan sax ahayn. Xorriyadda hadalka iyo muujinta aragtidu waa tiir ka mid ah jiritaanka qaran kasta oo dimuqraadi ah.
Ma habboona in la kala sooco muwaadinka Hargeysa ka hadlaya iyo ka gobolka ka hadlaya. Muwaadiniintu waa siman yihiin, xuquuqdooduna waa mid aan la kala jarin meel kasta oo ay joogaan. Caddaaladdu ma doorato deegaan, mana aqbasho takoor iyo kala eexasho.
Waxa muuqata in xukuumaddu qaadayso waddo khatar ah, haddii ay sii waddo cabudhinta, xadhigga hanjabaadda ah iyo cadaadiska ka dhanka ah aqoonyahanka iyo dhalinyarada. Taasi waxay horseedi kartaa kala fogaansho bulsho iyo dhaawac ku yimaadda kalsoonida shacabka.
Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda inay ixtiraamto xuquuqda muwaadiniinta, ilaaliso sharciga, kana waantoowdo tallaabo kasta oo dhaawacaysa wadajirka iyo nabadda bulshada.
W/Q:
Afhayeenka Xisbiga KAAH ee Gobolka Awdal
Sayid Cabdi Ismaaciil
17/02/2026
RAMADAAN MUBAARAK
Waxa aan hanbalyo diirran halkan uga dirayaa dhamaan bulshoweynta ku dhaqan JSL, taageerayaasha Xisbiga KAAH - Somaliland iyo guud ahaan ba ummadda Muslimiinta ah, munaasibadda bilashada bisha fadliga badan ee RAMADAAN awgeed.
Bishan Ramadaan waa bil barakaysan oo ku suntan naxariis, denbi-dhaaf, iyo ka xorrayn adoomaha acmaasha wanaagsan la yimaada laga xoreeyo Naarta. Waxa aan Ilaahay innooga rejaynayaa dhamaanteen in uu ina waafajiyo ka faa'iideysigeeda, islamarkaana innaga yeelo kuwii ka qanniimaysta, kana buuxsada kaydka saadka aakhiro,
... ุขุงู
ูู ุขุงู
ูู
Afhayeenka.gobolka.awdal
Sayid Cabdi Ismaacil
17/01/2026
๐ Aragti & Suโaal Taagan ๐
Xukuumadda hadda talada haysaa dan k**a laha gobollada Awdal iyo Salal.
Haddii ay Hargeysa guri ka gubto, si degdeg ah ayay uga falceliyaan, gargaarna way kala badiyaan.
Laakiin marka ay dhibaato ka dhacdo Awdal iyo Salal, aamusnaan ayaa laga maqlaa.
โ Ma kala jecelaysi gobol baa jira?
โ Mise kuwii gobolka ku matalayay xukuumadda waa dad aan damiir u damqanayn dadkooda?
๐ Dhacdadii Qulunjeed
Sida aad wada ogtihiin, miino ayaa ka qaraxday degmada Qulunjeed,
taas oo ay:
2 qof ku geeriyoodeen
3 qofna ku dhaawacmeen
๐คฒ Alle waxaan ka baryayaa inuu u naxariisto intii ku geeriyootay,
inta ku dhaawacantayna uu caafimaad degdeg ah siiyo.
โ ๏ธ Suโaasha weyn
Xukuumadda hadda talada haysaa wax hadal ah lagama hayo dhacdadan.
Waxaan hubaa in haddii miinadaasi ka qarxi lahayd deegaan ka mid ah deegaanada Reer Sheekh Isaxaaq,
in arrintaas si weyn loo hadal hayn lahaa, gargaarna loo kala badiyi lahaa.
โ Haddaba maxaa dhacay?
Kuwii gobolku dirsaday ma daba-dhilifayaal bay noqdeen?
Mise dadkii shalay codkooda baryayay bay maanta ilaabeen?
๐ Waa suโaal furan oo u baahan jawaab cad.
W/Q :AfHayeenka xisbiga kaah ee gobolka awdal
Sayid cabdi ismaaciil
Click here to claim your Sponsored Listing.
