Puntland Intelligence Special Force

Puntland Intelligence Special Force

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Puntland Intelligence Special Force, Government Organization, Bosaso.

Official page, Puntland Intelligence Special Force | We play an important role in Puntland security strategy, interagency activities, and military operations.

15/04/2024

Ciidamada PISF ayaa hawl-galo lagula dirirayo burcad-badeeda ka sameeyay xeebaha gobolada Nugaal iyo Mudug.

09/04/2024

Ciidamada PISF waxay farxada ciida la qayb-sanayaan Ummada Islaamka ah, Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland.

Photos from Puntland Intelligence Special Force's post 02/02/2024

Wafti uu hogaaminayo taliyaha ciidamada Booliska Puntland S/guuto Muumin Cabdi Shire ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeyb-galaya shir looga hadlaya sidii Puntland iyo Dawladaha USA, UK iyo Germany iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Argagixisada, Burcad-badeedka, Tahriibka iyo waxyaabaha sharci-darada ah.

Taliyaha waxaa shirka kala qeyb-galay Agaasimaha hay'ada PISF Gen Amiin Xaaji Kheyr, ku-xigeenka Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland G/Sare Abshir Xuseen iyo La-taliye ka tirsan Ciidanka Booliska Muuse Geelle.

26/01/2024

Abwaan Bashiir Husein hassan indho-fuul oo kamida ciidanka PISF ayaa gobay hambalyo, duco Iyo dar-daaran ah udiray madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka dowladda puntland

07/01/2024

Ciidanka PISF oo kaashanaya ciidamada PMPF ayaa sugaya amniga Caasimadda Dowladda Puntland ee Garowe iyo Hollka Baarlamaanka oo lagu wado inay berri kadhacdo doorashada Madaxtinimo ee dowladda puntland xarunta golaha wakiilada oo maanta lagu qabtay hadal-jeedintii Musharixiinta ayaa ciidanku si'adag u'adkeeyeen amniga caasimadda iyo goobta doorashada.

21/11/2023

Ciidamada sirdoonka gaarka ah ee PISF oo gacan ka helaya ciidanka PMPF ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

21/11/2023

Ciidanka sirdoonka PISF oo kaashanaya PMPF oo fashiliyay qarax.

Hay'ada ciidanka sirdoonka gaarka ah ee PISF oo gacan ka helaya PMPF ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan qarax 2aad oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo muwaadiniinta Puntland iyo ganacsiyadooda ee magaalada Boosaaso.

Qaraxaan oo xogtiisa ay haysay hay'ada sirdoonka ee PISF ayaa waxaa soo maleegay kooxaha argagixisadaha ee waqtigoodu dhamaadka yahay.

Waa qaraxii 2aad ee ciidamada Amaanku ay fashiliyaan maalmo gudahood, waxayna ku daba-jiraan kana hortagayaan ciidanku talaabo kasta oo cadawgu doonayo in shacabka ay ku dhibaateeyaan.

Kooxaha argagixisada ah ayaa isku dayaya in ay waxyeelo gaarsiiyaan shacabka Puntland iyo ganacsiyadooda, balse ciidamada Amaanka ee naftood hurayaasha ah ayaa markasta u taagan inay ka hortagaan, gacantana kusoo dhigaan.

Hadii aad hayso xog Amni, naga soo wac numberka gaaban ee hay'ada ciidanka sirdoonka Puntland PISF 337.

20/11/2023

Warbixin: Ciidamada PISF oo kaashanaya ciidamada PISA iyo PMPF ayaa gacanta ku dhigay qaraxyo la doonayay in shacabka Boosaaso iyo ganacsigooda lagu dhibaateeyo.

20/11/2023

Ciidanka Sirdoonka PISF oo kaashanaya Ciidamada PMPF iyo PISA oo fashiliyay qarax la rabay in laga fuliyo Magaalada Boosaaso.

Xallay waxaa lagu guulaystay in la fashiliyo qarax ay kooxaha Argagixisada ah doonayeen in ay ka fuliyaan Magaalada Boosaaso iyagoo ku bartilmaameedsanaya xarumo ganacsi.

Xogta kooxaha dhagar-qabayaasha ah oo ay hayeen ciidamada gaarka ah ee sirdoonka Puntland ee PISF oo garab ka helaya ciidamada PMPF iyo PISA,
ayaa ugu danbayn fashiliyay, waxayna gacanta ku dhigeen agabkii la doonayay in loo adeegsado qaraxa.

Kooxaha argagixisada ah ayaa isku dayaya in ay waxyeelo gaarsiiyaan shacabka Puntland iyo ganacsiyadooda, balse ciidamada Amaanka ee naftood hurayaasha ah ayaa markasta u taagan inay ka hortagaan, gacantana kusoo dhigaan.

Hadii aad hayso xog Amni, naga soo wac numberka gaaban ee hay'ada ciidanka sirdoonka Puntland PISF 337.

Photos from Puntland Intelligence Special Force's post 01/11/2023

Saraakiisha Sarsare, hogaanka iyo hawl-wadeeno ka tirsan hay'ada PISF ee Puntland ayaa ka qayb-gallay munaasabad heer-sare ah oo madaxweynaha dawlada Puntland Dr Said Cabdilaahi Deni uu ku dhiirigelinayay ciidamada amaanka ee Puntland taas oo ka qabsoontay madaxtooyada dawlada Puntland.

24/10/2023

Gen Amiin Xaaji Khayr Agaasimaha hay'ada PISF, Saraakiisha, Ciidanka iyo dhamaan hawl-wadeenada hay'adu waxay hambalyo u dirayaan S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Ilig oo madaxweynaha dawlada Puntland Dr Said Cabdilaahi Deni u magacaabay taliye ku xigeenka 2-aad ee ciidamada daraawiishta Puntland.

20/04/2023

PISF oo markasta u taagan sugidda Amnigga shacabka , waxay shacabka Soomaaliyeed si gaar ah kuwa Puntland ugu hambalyaynaysaa maalinka Ciida.

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Bosaso