14/10/2023
War-Saxaafadeed
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA wuxuu ka digayaa Damaca Guracan ee Xukuumadda Madaxwayne Dani ay rabto in Puntland ku galiso Qalalaase iyo Fowdo.
Waxaanu ka digaynaa horayna uga dignay in dalka lagu maamulo damaca qof kaasoo horseedi doona dhibaato.
14/10/2023
WAR-MURTIYEEDKA SHİRKA DALADDA MUCAARADAKA PUNTLAND.
01/08/2023
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA Waxa uu canbaaraynayaa go’aankii kasoo baxay guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka “TPEC” shalay taariikhdu ahayd 31-July 2023, khuseeyeyna go’aan gaarista doorashadii dhacday 25 Oct 2021 iyo 25 May 2023 kaas oo aan gabi ahaanba waafaqsanayn xeerka doorashooyinka iyo dastuurka dowladda Puntland.
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland “PYPA” Waxa uu horay in badan si weyn uga digay isku milanka Golayaasha Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka “TPEC” taas oo mija-xaabisay hufnaantii hannaanka dimuqraadiyadda dowladda Puntland, kuna hogaamisay dalkii hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni.
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland “PYPA” waxa uu ugu baaqayaa Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland in aysan ku dhaqaaqin go’aan sharci darro ah isla markaasna baalmarsan xeerka doorashadda iyo dastuurka dowladda Puntland. Sidoo kalena waxaa ugu baaqaynaa in ay waajibaadkeeda u gudato si madax-banan.
02/07/2023
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA wuxuu cambaareenayaa hadaladii qalafsanaa ee kasoo yeeray gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ururku u arko hadalo dhibkii dhacay dab kusii shidaya laguna carqaladeenayo dadaalada waxgaradka iyo isimadda puntland ee Xal u helidda dhibkii ka dhacay Caasimadda Puntland ee Garowe.
Ururku wuxuu ugu baaqayaa madaxda Puntland inaysan xaalka ugasii darin kana baaqsadaan wax alle iyo wixii dhibaato horleh keeni kara taladanah loo daayo isimadda Puntland oo mar walba marjac u ah dowladnimadda iyo nabadda Puntland.
21/06/2023
**********WAR-SAXAAFADEED**********
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA Wuxuu ka xunyahay dhibaatadii ka dhacday Caasimadda Puntland ee Garowe, Waxuu Alle SWC uga baryayaa intii ku dhimatay in uu unaxariisto, inta dhaawaca ahna u booga dhayo.
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- waxa uu aaminsanyahay in waxii shalay ka dhacay Caasimadda Puntland ee Garoowe ay masuuliyadeeda leeyihiin Gudoonka Baarlamaanka ( Puntland Parliament) iyo Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadka yahay.
Ururku wuxuu ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay Magaaladda inay si buuxda u dhaqan galiyaan xabad joojinta maqlaanah baaqyadda Isimadda, ururada Siyaasadda PL iyo qaybaha kale ee Bulshada si xaalka loo dajiyo loona wada hadlo.
Ururku waxa uu ugu baaqayaan Madaxweynaha in uu ka tanaasulo damaciisa shakhsiga ah, lana yimaado hogaamin ka turjumaysa isku haynta dadka iyo dalka, Puntland na uusan u horseedin hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni.
05/05/2023
CAMBAARAYN ISKU-DAYGA WAX KA BEDELKA DASTUURKA PUNTLAND.
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland “PYPA” wuxuu cambaareenayaa damac walba oo xukuumadda wakhtigeedu gabaabsiga yahay ku doonayso wax kabadal ay ku samayso dastuurka dowladda Puntland.
Maadaama Madaxweynaha Dowladda Puntland uu diiday soo jeedintii 13 ka qodob ee ururadu soojeediyeen 29 Nov 2022 asagoo wakhtigaas sabab uga dhigay in wakhti dastuur lafuro uusan harsanayn caqabado badana lagala kulmi karo, Urur Siyaadadeedka Dhalinyaradu waxaa ay uga digayaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland furitaanka dastuurka ayadoo maslaxado shaqsiyadeed iyo muddo korarsi laga dhex raadinayo.
Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland ”PYPA” wuxuu uga digayaa xukuumadda ku foognaanta wax kabadalka dastuurka xili xilhayntoodu ka dhimantahay muddo 6 bilood ah, khatar walba oo ka dhalata ayagu qaadayaan.
Sidoo kale Urur Siyaasadeedka Dhallinyaradda wuxuu Baarlamaanka Puntland ugu baaqayaa inaysan ansixin soo jeedinta xukuumadda dalkana ka badbaadiyaan fowdo iyo jaha-wareer siyaasadeed.
Ururka siyaasadeedka dhalinyarada Puntland waxuu ku baaqayaa in shir deg deg ah iskugu yimaadaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida Isimada dhaqanka, Siyaasiyiinta, aqoonyahanka, wax-garadka, culumada, dhalinyarada & haweenka si Puntland looga samata bixiyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta jirta.
Ugu danbayn, Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland “PYPA” waxuu marlabaad ku baaqayaa in aan lagu degdegin furitaanka dastuurka dowladda Puntland dalkana aan loo horseedin fowdo iyo qalalaaso siyaasadeed iyo dhibaato aanay kasoo kaban Karin dadka iyo dowladnimadda Puntland.
“”Dastuurku waa hishiis bulsho, balse maahan shaar u shaqsi dan leh tosho””.
**DHAMAAD**
21/04/2023
Ciid wanaagsan dhamaan ummada Muslimiinta ah, bulshadda soomaaliyeed, xubnaha iyo taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA
Waxaanu ugu hambalyeenaynaa Munaasabada Ciida.
Waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu naga aqbalo Cibaadada, Ramadaankiisa kalena nagu wada gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad.
14/04/2023
************WAR SAXAAFADEED*************
Mowqifka Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA ee ku aadan Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee baalmarsan Sharciga Doorashooyinka iyo Dastuurka Puntland taasoo ay si bareer ah u Afduubeen Puntland State House iyo Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland taasoo khatar galin karta hanaanka geedi socodka Dimuqraadiyeenta Puntland.
22/03/2023
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA waxa uu ugu hambalyeenayaa xubnaha iyo taageerayaasha ururka, Ummadda Islaamka ah guud ahaan iyo Bulshada Soomaaliyeed dhalashada bisha barakaysan ee Ramadan.
Allah ha ina waafajiyo Acmaasha bisha barakaysan ee Ramadan inagana ha ina ka yeelo kuwii ka faa’idaysta.
12/03/2023
TACSI:
إنا لله وإنا إليه راجعون الله يرحمه
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA Mudane Abdirahman M. Salah iyo dhamaan xubnaha Ururka Dhalinyaradda waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Abdifitah Abdi Jowte oo Walaalkiis Cawil Cabdi Jowte ku geeriyooday magaaladda Gaalkacyo.
Naxariista Janno allaha ka waraabiyo Marxuun Cawil Cabdi Jowte.
05/02/2023
***************WAR SAXAAFADEED**********
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA wuxuu ka digayaa dhibaatada ka dhalan karta is diiwaangalinta Hubaysan ee Xukumadda Puntland wado iyo Colaada laga hurinayo Caasimadda Puntland taaso khatar galin karta Amniga Puntland.