31/03/2026
Hambalyo Gudoonka cusub Ee Gobolka Bari.
Gudoomiye Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax
Gudoomiye ku xigeenka 1aad Faarax Maxamuud Cabdullaahi iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad Faarax Salaad Cubayd
Kusoo dhowaada xafiiska warfaafinta Gudoonka Gobolka Bari
31/03/2026
Hambalyo Gudoonka cusub Ee Gobolka Bari.
Gudoomiye Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax
Gudoomiye ku xigeenka 1aad Faarax Maxamuud Cabdullaahi iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad Faarax Salaad Cubayd
21/12/2024
GUDOOMIYAHA GOBOLKA BARI MUDANE CABDIRSAAQ CALI SACIID SHAAHDOON AYAA KA QEYB GALAY XARIG JARKA DHISMAHA CUSUB EE BANKIGA DOWLADA PUNTLAND LAANTA MAGAALADA BOSASO EE XARUNTA GOBOLKA BARI.
Boosaaso: 21 December 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bankiga Dowladda Puntland laanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey horumarka dhinac walbo uu ka sameynayo Bankiga Dowladda oo hadda la jaanqaadaya kuwa noociisa ah ee adduunka, wuxuuna xusay in arrimaha maaliyadda aan lagu eegan doonin xaaladda dalku ku jiro, Sidaasi darteedna ay socoto daraasada diyaarinta lacag u gaar ah Puntland.
21/12/2024
GUDOOMIYAHA GOBOLKA BARI MUDANE CABDIRISAAQ CALI SACIID SHAAHDOON OO KA QEYB GALAY DHAGAX DHIGA XARUNTA DAKHLIGA WAAAARADA MAALIYADA EE GOBOLKA BARI.
Boosaaso: 21 December 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha cusub xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Bari .
23/11/2024
Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane cabdirisaq Cali Saciid Shaahdoon ayaa ka qeyb galay kulan uu dad weynaha reer carmo laqaatay Madaxweynaha Dowlada puntland Mudane Said Abdulahi Deni oo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Puntland Mudane Maxamed Baarri shire .
19/11/2024
Carmo: 19 November 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Carmo ee Gobolka Bari, Kulanka ayaa looga hadlay horumarka ka socda degmada Carmo iyo sidii dadka deegaanku isugu diyaarin lahaayeen qorshaha Dowladda ee soo afjarida argagixisada ku dhuumaaleysanaysa deegaano ka tirsan buuralayda Puntland.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Carmo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Carmo.
19/11/2024
Carmo: 19 November 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta booqasho ku yimi degmada Carmo ayaa dhagax dhigay ceel cusub oo laga qodayo degmada Carmo.
Waxaana ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Saciid Shaahdoon.
11/11/2024
GUDOOMIYAHA GOBOLKA BARI OO QAABILAY WAFTI KA SOCDA UNHCR.
Bosaso: 11 November, 2024: Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Abdirasak Ali Said Shaahdoon oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad Mudane Mohamed Dalmar Bille ayaa Xafiiska Xarunta Maamulka Gobolka Bari ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNHCR oo uu hogaaminayey Madaxa Hay'adda ee xafiiska Puntland Mr. Xhemil Shahu.
Kulanka ayaa looga hadlay xal u helidda iyo maaraynta qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya dalalka Yemen iyo Itoobiya, dib u dejinta dadka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa muddada dheer barakacayaasha ku ahaa, dar-dargelinta Barnaamijka Xalka Waara iyo xoojinta wadashaqaynta Hay’addaha Dowladda iyo UNHCR.
=DHAMMAAD=
07/10/2024
Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Saciid Shaahdoon Ayaa ka qeyb galay Kulan Ay La yeesheen Wafdiga Uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad Ee Baarlamaanka Puntland Mudane Mohamed Baarri Shire Gollaha Deegaanka Degmada Bosaso uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gollaha Deegaanka Mudane Eng Cabdifataax Osman Shanle.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirsaaq Cali Saciid Shaahdoon ayaa ka qeyb galay Kormeerka Xarunta Sollarka Bosaso ay ku sameeyeen Wafdiga Uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku xigeenka 1aad Ee Baarlamaanka Puntland Mudane Mohamed Baarri shire.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Saciid Shaahdoon oo ka qeyb galay booqashada Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Said Abdullahi Deni ku tagay Bun house Coffee.
03/10/2024
Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdurisaaq Cali Saciid Shaahdoon ayaa ka qeyb galay Xarig jarka wajiga labaad ee wadada jidka 30ka oo uu Madaxweynaha Dowlada Puntland Xariga ka jaray.
Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa xariga ka jaray wejiga Labaad ee Wadada Laamiga ah ee jidka 30-ka Boosaaso, oo la dhameystiray 3.5KM, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay wejiga Saddexaad ee wadadan oo dhan 2.4KM.
Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Degmada Boosaaso, Taliska qeybta Booliska ee Gobolka Bari iyo Injineerada gacanta ku haya dhismaha Wadada jidka 30-ka ee Boosaaso.
02/10/2024
KULANKA GOLEYAASHA DAWLADDA & DADWEYNAHA MAGAALADDA BOOSAASO
Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Saciid Shaahdoon ayaa ka qeyb galay Kulan ay la yeesheen Dadweynaha Magaalada Bosaso Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire.