Bashir Farah

Bashir Farah

Share

The Official facebook Page Office Of Bosaso Deputy Mayor H.E Bashir Farah Said. Somali journalist in Boosaaso

16/04/2026

Waxaan maanta qayb galay Xafladda Daahfurka Computer Lap Cusub oo ay soo Kordhiyeen Dugsiga H/Dhexe iyo Sare Cumar Bin Cabdicasiis kaas oo ay ugu talagaleen in Ardayda ku sameeyaan Practical.

09/04/2026

Xafladda Furitaanka Airport Hotel Boosaaso.

Photos from Dowladda Hoose ee Bosaso's post 09/04/2026
Photos from Bashir Farah's post 03/04/2026

Waxaan Hambalyo u dirayaa Dhamaan Iskuulada ka qayb galay Barnaamijka ANFAC IYO AQOON oo ay iska kaashadeen Dowlada Hoose ee Degmada Boosaaso iyo Warbaahinta Sahal Cable Tv , Kuna Muujinayeen Ardaydu aqoontooda .

Waxaan si gaar ah ugu Hambalyaynayaa Iskuulka Bosaso Public Secondary School oo kaalinta Kowaad galay , Sidoo kale Iskuulada MINAARA IYO AL-NAJAAX oo kaalmaha Labaad iyo Sadexaad kala galay.

Taageerida Barnaamijyada kor loogu qaadayo Ardayda Reer Boosaaso waxay qayb ka tahay siyaasada Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso waana waajib in aan ka shaqayno sidii loo tayayn lahaa marwalba Waxbarashada.

26/03/2026

Waxaan Maanta Xafiiskayga ku Qaabilay Qaar kamid ah Dhalinyarada magaalada Boosaaso ee taageea Sports-ka qaarkoodna horay ugu soo dheeleen qaarna soo hogaamiyeen , kulanka ayaan uga wada hadalnay sidii Boosaaso oo ah Martigeliyaha Koobka Caasimadaha si ay si wacan ugu diyaar garoobi lahayd.

Guul Wacan Dhamaanteen.

Photos from Bashir Farah's post 13/03/2026

Waxaan Magaalada Boosaaso ugu Qabanay Kulan Afur iyo Abaalmarin isugu Jirta Ardayda ka qayb galaysay tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo ay qabanaysay Mu’asasada Al-Minhaaj .

Ardayda ayaa ah Ardayda Dhigitada Dugsiyada Magaalada Boosaaso iyo Deegaamada hoostaga degmada , waxaana ay Dowlada Hoose ee Degmada Boosaaso qaadatay Kaalinteeda ku aadan maamuuska Xufaadaan oo ku tartamayay Wax la barto kan ugu khayrka Badan Qowlka Eebe.

JIMCE WANAGSAN , MAHADSANIDIIN.

11/02/2026

Boosaaso Book Fair.

21/01/2026

Waxaan Maanta ka qayb galay dib u dhiska Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Ee Gobolka Bari iyo Boosaso oo shaqadeeda la bilaabayo.

Photos from Bashir Farah's post 21/01/2026

Waxaa farxad gaar ah ii ah in aan ka qayb galo shirka sanadlaha ah ee Golayaasha kala duwan ee jaamacada Bariga Africa oo sanadkaan lagu qabtay magaalada Boosaaso , kaas oo looga tashto horumarada Jaamacadda .

Jaamacadda Bariga Afrika waxay ka mid tahay jaamacadii ugu horeeyay ee laga higeliyo deegaanada Puntland , Aniguna aan kamid ah ahay dadka ka baxay .

Waxaan uga mahadcelinayaa Aasaasayaasha jaamacada Bariga Afrika Doorkooda ay la qaateen waxbarasha Jiilasha reer Puntland xili wadanka uu ku jiray Burbur.

Photos from Bashir Farah's post 27/12/2025

Waxaa Maanta Si rasmi ah noogu furmay Kalfadhiga 37aad ee Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso waxaana kasoo qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland Agaasimaha Guud ee Wasaarada, Gobolka Qaybta , Isimada , Guddiga Hormarinta Degmada Ganacsatda iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Inta uu socda Kaldhiga waxaa Golaha ka doodi doonaan qorshayaasha Hormarineed ee Magaalada sida Kaabayaasha Dhaqaalaha , Bilicda , Amniga Iyo Maaraynta qashinka Adag.

20/11/2025

Boosaso : Dugsiga Iftin Technical Secondary School

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


New Bosaso
Bosaso
179952