15/05/2026
Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan munaasabadda qiimaha leh ee xuska Somali Youth League (SYL).
Maalintan muhiimka ah waxay astaan u tahay halgankii, geesinimadii, iyo midnimadii ay muujiyeen dhalinyaradii SYL, kuwaas oo horseed u noqday xorriyadda iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed. Waa maalin lagu xusuusto kaalinta ay dhalinyaradu ku leeyihiin dhismaha iyo horumarka dalka.
27/04/2026
Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee ardayda Jaamacadda CityCOT, Mudane Abdisamed Siciid Salah, oo loo doortay xilkan muhiimka ah.
Waxaan u rajaynaynaa guul, hoggaan hufan, iyo in uu si daacadnimo iyo karti leh ugu adeego ardayda uu matalayo. Waxaan kalsooni ku qabnaa in uu kaalin muuqata ka qaadan doono horumarinta waxbarashada iyo mideynta ardayda.
Hambalyo mar kale, guul iyo gobannimo!
28/01/2026
:- Ururka Nedyo Ayaa dayactir ku sameeyay waddada Ceelka(Dhariinin), oo ah ceel biyood ay bulshadu ku tiirsan tahay Waddadan ayaa muhiim u ah isu-socodka dadka ka imanaya xaafadaha kala duwan, gaar ahaan gawaarida dhaansha biyaha.
Abdihakin Moh'ed Mire 📸
22/01/2026
Ururka NEDYO ayaa xiriiro ka fuliyay layraynta magaalada, kuwaas oo lagu xoojiyay wacyigelin iyo iskaashi la xiriira horumarinta bilicda iyo badbaadada magaalada. Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in kor loo qaado iftiiminta waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah,