ALLAHU AKBAR: Togagga Baallade, Warisoor iyo Jaceel ayay ciidamada Difaaca Puntland maanta, si siman uga sifaynayaan khawaariijta ISIS.
Tebiye: Adan Aar
PMPF Telegram Channel 👇🫡
https://t.me/pmpfofficial
PMPF
We are the State's first line of defense. We accomplish what others cannot accomplish and go where others cannot go. Puntland Maritime Police Force (PMPF)
13/10/2025
13, Oct, 2025: Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta hawlgallo lagu baadigoobaayo firxadka tirada yar ee Daacish ka sameeyay Ceelasha Baarakallaah iyo Shakaallo oo ay godad kuyaalla kudhuumaalaysanayaan firxadkoodu.
Ciidamada ayaa ka diley, kana dhaawacay sharwadayaal khawaariijta Daacish, sidoo kale hal ruux oo ka tirsan kooxdaasi ayaa ciidanka isu soo dhiibay.
PMPF Telegram Channel 👇🫡
https://t.me/pmpfofficial
12/10/2025
Taliska Guud, Saraakisha iyo Dableyda Ciidanka PMPF waxay shacabka Soomaaliyed ugu hambalyaynayaan maalinta qiimaha badan ee Calankeenna Soomaaliyeed ee Cawaale 12, October.
Ciidanka PMPF mar walba waxay u taaganyihiin difaaca dalka, ilaalinta danaha qarankeenna iyo in shacabka Soomaaliyed, gaar ahaan kuwa Puntland ay mar walba ku naaloodaan xurriyad iyo nabad.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA CIIDANKA PMPF.
09/10/2025
Boosaaso : 09, October, 2025: Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF Gen. Cabdirabbi Cabdisamad Maxamed oo ka qayb-galay kulan uu Madaxweynaha DPL Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo gaar u ahaa laamaha Amniga ayaa looga hadlay Amniga, iskaashiga iyo horumarinta hawlgallada, si gaar ah gulufka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ka socda Calmiskaad iyo xasilinta deegannada laga saaray Argagixisada. Kulanka waxaa qayb ka ahaa Hogaanka Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.
03/10/2025
Barakallaah, 03, Oct, 2025: Guutooyinka Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta Gulufyo xooggan ka fuliyey togga Baallade, gaar ahaan ceelasha Buticiso, Dharinta iyo Barakallaah.
Halgamayaasha dalkooda u huraya naftooda ayaa khawaariijta Daacish kala wareegey ceelasha Dharinta iyo Buticiso oo fadhiisimo muhiim ah u ahaa Argagixisadaasi, iyagoo hadda hawlgallo xooggan ka wada Ceelka Barakallaah.
25/09/2025
Carmo – Sep, 25, 2025: Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada DPL, Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta tababar u furay in ka badan 500 oo askari oo cusub oo ka mid noqonaya Ciidanka Birmadka Booliska Puntland.
Tababarka Ciidamada oo uu qayb lixaad leh ka qaadanayo Dugsiga Tababarka PMPF ayaa waxaa goobjoog ka ahaa furitaankiisa Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda iyo masuuliyiin kale.
Macalimiinta Dugsiga Tababarka PMPF waxa ay 7-dii sano ee u dambaysey ka qayb-qaateen tayaynta iyo tababaridda ciidamada Dowladda, kuwaasi oo si toos ah uga hawlgala dhammaan dugsiyada Tababarada ciidamada Dowladda ee ku kala yaalla gobollada Puntland.
Ciidamada Difaaca puntland gaar ahaan ciidanka PMPF ayaa Hawlgalo ay maanta kasameeyeen Meesha ay isugu yimaadaan Wadaayinta Yucrinta iyo Togga Baallade kuqabty Qalab ay kacarareen Argagixisadu
Iyo Gadiidkii ay Raranayeen.
PMPF Telegram Channel 👇 https://t.me/pmpfofficial
Ciidanka Difaaca Puntland oo weerar labbo jiho ah ku qaatay Talisyada kooxda Daacish ee Lugta Tirciil ayaa la wareegay gacan ku haynta talisyadaas, sidoo kalena ciidanku kooxda Daacish ka qabteen mid ka mid ah kaydadkooda Daawada iyo Agabka Caafimaadka.
PMPF Telegram Channel 👇 https://t.me/pmpfofficial
11/09/2025
Togga Baallade 11,Sep,2025: Ciidanka Difaaca Puntland oo weerar labbo jiho ah ku qaatay Talisyada kooxda Daacish ee Lugta Tirciil ayaa la wareegay gacan ku haynta talisyadaas, sidoo kalena ciidanku kooxda Daacish ka qabteen mid ka mid ah kaydadkooda Daawada iyo Agabka Caafimaadka.
Halyeeyada Ciidanka Difaaca Puntland oo ku guda-jira dhamaadka wajjiga 4aad ee Hawlgalka Hilaac ayaa si dardar leh ku wada duulanka kooxda Daacish lagaga sifeynaayo Togga Baallade ee Buuraleyda Calmiskaad, waxa ayna ciidanku Habeen iyo Maalinba fulliyaan hawgallo qorsheysan oo lagu bartilmaad u ah goobaha tirada yar ee kooxda Daacish kaga hartay Buuraleyda Calmiskaad
PMPF Telegram Channel 👇 https://t.me/pmpfofficial
150 Sanduuq oo Rasaas ah ayay Ciidamada Difaaca Puntland maanta ka qaniimaysteen Khawaariijta Daacish.
PMPF Telegram Channel 👇 https://t.me/pmpfofficial
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Bosaso
