10/02/2026
Billad Soor Social Awards
WELCOME BILLADSOOR SOCIAL AWARDS
Competition and awards company
10/02/2026
07/02/2026
waqtiga isdiwaan gelintu waa dhamaad
07/02/2026
Aqbalaada fulinta iyo qabanqaabada tartanka Bosaso school cup🏆
31/01/2026
MAHADCELIN .
Billadsoor Social Awards waxay mahad ballaaran iyo qaddarin sare u diraysaa EAUH Hospital Bosaso (Isbitaalka Jaamacadda Bariga Afrika) oo si sharaf leh u aqbalay inay qayb ka noqdaan Tartanka Kubadda Iskuulada Magaalada Boosaaso (Bosaso School Cup 2026).
Isbitaalka EAUH wuxuu muujiyey masuuliyad bulsho, taageero dhalinyaro iyo daryeelka badqabka ardayda, taas oo ka tarjumaysa kaalinta weyn ee ay kaga jiraan horumarinta bulshada. Waxaan ku faraxsanahay iskaashigan qiimaha badan, waxaana rajaynaynaa wada-shaqayn miro dhal ah.
🟥 FIIRRO GAAR AH – ARDAYDA TARTAMAYSA 🟥
Dhammaan ardayda ka qaybgelaysa tartanka Bosaso School Cup 2026, waxaan si gaar ah idiin xusuusinaynaa in:
⚽ Tartankani ujeeddadiisu ma aha xoog iyo dhaawac,
⚽ ee uu yahay madal lagu soo bandhigayo xirfad, hibo iyo ciyaar wanaag (fair play).
🚫 Waa mamnuuc:
In ciyaaryahan uu si kas ah u waxyeelleeyo ciyaaryahan kale
In la sameeyo ciyaar rabshad ku dhisan ama anshax xumo
✅ Waxaa la dhiirrigelinayaa:
Ixtiraamka ciyaartoyda kale
La-dhaqanka shuruucda ciyaarta
Isboorti iyo akhlaaq wanaag
Badqabka ardayda waa mudnaanta koowaad, waxaana lala socon doonaa anshaxa ciyaarta inta tartanku socdo.
30/01/2026
Chumca wanaagsan ayaan idinka soo Lenahay Gudaha Billad Soor Social Awards
28/01/2026
"📢 OGEYSIIS 📢 OGEYSIIS 📢 OGEYSIIS
Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan iskuullada secondary-ga Boosaaso in 1 Febraayo 2026 ay bilaabanayso booqashooyinka iskuullada.
Booqashada ayaa lagaga warbixin doonaa wacyigalino dhirigalin warbixinta tartanka iyo qaababka isdiwaangelinta Rasmiga ah iyo sidookale shuruudaha laga rabo iskoolka isdiwaan gelinaya.
Iskuullada waxaa laga codsanayaa inay team-ka notice-ka soo booqanaya u fududeeyaan howlahooda, una diyaar garoobaan."
Bosaso school cub
OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS
Billadsoor Social Award wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa tartan kubadeed oo loogu talagalay iskullada Secondary-ga ah ee ku yaalla magaalada Boosaaso kaas oo fursad u ah in iskuul walba uu soo saaro hibada qarsoon ee ardaydiisa kuna soobandhigo tartankan oo ka qabsoomi doona magalada bosaaso 🏆
Tartankan waxaa iska kaashaday xiriirka kubada cagta puntland oo garsoorka iyo awaamirta leh iyo billadsoor social award oo fulinta qaabilsan
📢 Isdiiwaangelintu waa FURAN TAHAY!
🗓 Isdiiwaangelinta:
▶️ Bilaabanaysa: 1-Feb-2026
⏹ Dhammaanaysa: 10-Feb-2026
📌 Shuruud:
✅Cida is diwaan gelinaysa ardaya maha wa iskuulada
✅ Keliya iskullada Secondary-ga ah ee ku yaalla Boosaaso ayaa ka qayb qaadan kara
⚽ Bilowga Tartanka:
📅 13-Feb-2026
📞 Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir:
📱 907473041
📱 0905981689
📱 0702052814
🔥 Ha moogaan fursaddan!
🎯 Soo diiwaangeli dugsigaaga, muuji hibada ardaydaada, kuna tartan koobka 🏆
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Bosaso
