09/10/2021
Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta dowladda puntland ahna duqa degmada bosaso Hon. Abdiqani Ahmed Ismael (deeradile) iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha puntland Maxamed musadiq maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa caawa soo kormeeray mashruuca nalaynta magaalada bosaso oo wajigii 3aad lasoo gabagabeeyey.
Mashruuca nalaynta bosaso ayaa ah mid looga gol leeyahay soo celinta bilicda iyo kor u qaadista amniga magaalada bosaaso waxaana dhinac socda mashaariic ay ka mid yihiin dhiraynta iyo nadaafadda oo qayb weyn ka qaadanaya bilicda magaalada bosaso waxana fulinaysa dowladda hoose ee degmada bosaso.
07/10/2021
Waaxda arimaha bulashada dowladda hoose ee degmada bosaso ayaa kormeer ku samaysay afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada bosaso.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loogu kuur geli lahaa shaqooyinka maalin-laha ah ee ka socda xaafadaha magaalada iyo adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan.
06/10/2021
Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta dowladda puntland ahna duqa degmada bosaso Hon. Abdiqani Ahmed Ismael (Deeradile) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey madaxa haayadda OCHA ee puntland iyo madax ka socotay haayadda UNCHR, waxana ay ka wada hadleen xaaladaha bini adaaninimo ee magaalada bosaso iyo isku xirka haayadaha caalamiga iyo dowladda hoose ee degmada bosaso.
02/10/2021
Gudoomiyaha Xaafada Buurcad Bosaso Mudane Maxamud Axmed Samatar ayaa kulan la qaatay qaarka mida Nabadonada iyo Odayasha Xaafada waxayna ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa arimaha bulshada sida amniga, nadaafadda, dhireynta iyo bilicda wadooyinka.
30/09/2021
WARGELIN MUHIIM AH
Wargelin ku socota dhamaan shirkadaha dhismaha waddooyinka, guryaha iyo kuwa riigagga biyaha.
Waxaa lagu wargelinayaa shirkadaha kor ku xusan in ay iska diiwaan geliyaan xafiiska waaxda qorshaynta dowladda hoose ee degmada Bosaso ayna qaataan diiwaan gelinta sanadka maadaama uu shatiga/diiwaan gelintu kawada dhacsanyahay.
Shirkadaha aan is diiwaan gelinta qaadani waxa ay ka harayaan qandaraasyada ay dowladda hoose ee degmada bosaso bixiso iyadoo la eegayo profile-ka company-ga in uu diiwaan gashan yahay iyo in kale.
Wixii faah-faahin ah kalasoo xiriir xafiiska waaxda qorshaynta dowladda hoose ee degmada bosaso.
23/09/2021
Gudoomiyaha Xaafada Buur-cad Bosaso Mudane Maxamuud Axmed Samatar oo bilihii u dameeyey dardar gelin shaqo iyo kulamo is daba jooga ka wadey xaafada buurcad ayaa la kulmay saldhigyada iyo guddiyada xaafada Buurcad si loosii amba-qaado hawlaha shaqo iyo adeegyada Bulsho ee xaafadda buurcad
12/09/2021
Gudoomiyaha Xaafada Buur-cad mudane Maxamuud Axmed Samatar Oo dhir ku wareejiyay gudiyada xaafada iyo qaar ka mida bulshada xaafada Buurcad
Gudomiyaha ayaa sheegay inay kula xisaabtamayaan cid walba oo lasiiyey dhirta.
06/09/2021
Kulan looga hadlayey isku xirka adeeg bixinta heer degmo oo ay soo qaban qaabisay dowladda hoose ee degmada bosaso oo kaashaynaysa wasaaradda arimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta puntland iyo UNICEF/JPLG ayaa maanta ka qabsoomay hoolka dowladda hoose ee magaalada bosaso.
Kulanka waxaa ka qayb galay gudoomiye ku xigeenka magaalada bosaso, ku xigeenka gobolka bari, saraakiil ka socotay wasaaradda arimaha gudaha puntland, isuduwayaasha wasaaradaha ee heer gobol iyo madax ka socotay haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawl gala magaalada bosaso.
Kulanka ayaa lagu lafa guray waxyaabihii uga qabsoomay magaalada bosaso iyo qorshayaasha u baahan in la dhamaystiro.
02/09/2021
Gudoomiyaha xaafadda buurcad bosaso mudane Maxamuud Axmed Samatar ayaa kulan is xog waraysi ah la yeeshay gudiyada iyo saldhigyada xaafadda buurcad.
14/08/2021
Dowladda Hoose ee magaalada bosaso ayaa olole nadaafadeed oo ballaaran ka samaysay wadada weyn ee hal-bowlaha u ah magaalada bosaso.