Aroori- Livestock Centre of Excellence

Aroori- Livestock Centre of Excellence

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Aroori- Livestock Centre of Excellence, Government Organization, Burao, Burao.

Photos from Aroori- Livestock Centre of Excellence's post 14/03/2026

Dhakhaatiirta Xarunta Seeraha Aroori ayaa tan iyo furitaankii xilli-deeqsimeedka Seeraha Aroori, daaweyn iyo nafaqayn joogto ah uwaday xoolaha kala duwan ee soo galay daaqsinka Aroori. Helitaanka bada, biyo iyo dawo waa badbaadada xoolaheena.

05/03/2026

Xarunta Seeraha Aroori ayaa kalkii afraad la furay, si xoolo-dhaqatada Gobolka Togdheer iyo nawaaxigeedu ugu badbaadaan xaaladda abaar'eed ee jirta awgeed - saddex iyo labaatan cisho (23) ayaa xoolaha ka kala yimi deegaanada kala duwani ay daaqayaan maanta; iyagoo ay ka helayaan adeegyada waraabka/biyaha iyo caafimaadka.

Maareeyaha guud ee Xarunta daaqa iyo cilmi-baadhista ee Seeraha Aroori 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐰𝐚𝐥𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 ayaa telefiishanka SAAB TV uga warbixiyey xaaladda daaqa, tirada xoolaha kujirta, iwm.

Photos from Aroori- Livestock Centre of Excellence's post 01/03/2026

Seeraha Aroori iyo dhakhaatiirta daaweynta iyo nafaqaynta Xoolaha.

Photos from Aroori- Livestock Centre of Excellence's post 28/02/2026

Daaweynta iyo nafaqaynta Xoolaha kujira daaqsinka Seeraha Aroori.

27/02/2026

Waa kalkii afraad ee xoolo-dhaqatada Gobolka Togdheer iyo nawaaxigeedu ku badbaadaan Xarunta daaqa ee Seeraha Aroori. Sanadadii 𝟐𝟎𝟐𝟏, 𝟐𝟎𝟐𝟐, 𝟐𝟎𝟐𝟓 iyo imika oo ah 𝟐𝟎𝟐𝟔 ayaa loo furay xoolo-dhaqatada si wakhtiga adag ee abaarta ugu baxsadaan.

Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL guud ahaan iyo gaar ahaan kooxda maamulka Xarunta Seeraha Aroori, dhiiri-gelin weyn ayay utahay hadalka ka faa'iddaystanahani.

Photos from Aroori- Livestock Centre of Excellence's post 25/02/2026

Dhakhaatiirta Xarunta Seeraha Aroori ayaa labadii todobaad ee udambeeyey daaweyn iyo nafaqayn kuwada xoolaha soo galay daaqsinka Seeraha Aroori.

Photos from Aroori- Livestock Centre of Excellence's post 24/02/2026

Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL qaybta Seeraha Aroori ayaa si maalinle ah uwada ololaha daweynta iyo nafaqaynta Xoolaha ee soo galay daaqsinka Seeraha Aroori.

19/02/2026

Seeraha Aroori ayaa ku dhawaad laba todobaad ufuran xoolaha kala duwan ee G/Togdheer iyo guud ahaan nawaaxigeedaba.

Photos from Aroori- Livestock Centre of Excellence's post 18/02/2026

Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL gaara ahaanna kuwa Xarunta Seeraha Aroori ayaa si baaxad leh ugu adeegaaya Xoolaha kala duwan ee kujira Seeraha Aroori.

Photos from Aroori- Livestock Centre of Excellence's post 15/02/2026

𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐫𝐨𝐨𝐫𝐢 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐢𝐢 𝐬𝐡𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝 (𝟓) 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐚𝐲𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐬𝐮𝐠𝐮 𝐲𝐢𝐦𝐢 𝐝𝐚𝐚𝐪𝐬𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐨𝐨𝐫𝐢.

11/02/2026

Wasiir kuxigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Maareeyaha Xarunta seeraha Aroori, Isuduwaha wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee gobolka Togdheer, Badhasaab kuxigeenka iyo Taliyaha qaybta booliska G/Togdheer ayaa maanta oo taariikhdu tahay 𝟏𝟏-𝐅𝐞𝐛-𝟐𝟎𝟐𝟔 si wada-jir ah ufuray kalkii-afraad ee xilli-daaqsimeedka seeraha Aroori.

Madaxdani waxay bulshadda xoolo-dhaqatada ah ee ka faa'idaysanaysa ku wacyi-geliyeen in laga fogaado waxkasta oo dhibaato ukeenaaya baadka/caws iyo amniga seeraha'ba.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer waxay kaga qayb-gelaysaa furitaanka seeraha xaaladda abaar'eed ee muddooyinkii dambe soo foodsaartay bulshadda xoolo-dhaqatada ah.
Sidoo kale waxa seeraha Aroori ku diyaarisan adeegyada biyaha iyo daaweynta xoolaha.

Photos from Aroori- Livestock Centre of Excellence's post 15/01/2026

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐮𝐜𝐚𝐲𝐛 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 iyo Maamulaha Seeraha Aroori 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐰𝐚𝐥𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 ayaa booqday Iskaashatada 𝐀𝐠𝐰𝐢𝐥𝐝 𝐂𝐨𝐨𝐩𝐞𝐫𝐚𝐭𝐢𝐯𝐞 iyo kawaankooda hilibka ee 𝐖𝐞𝐥𝐥 𝐇𝐮𝐧𝐠 𝐁𝐮𝐭𝐜𝐡𝐞𝐫 (𝐖𝐇𝐁) ee gobolka Laikipia, Kenya.

Iskaashatadan ayaa alliftay hab casri ah oo dhamaystiran; beertii daaqa, xoolihii, kawaankii hilibka iyo suuqyadii lagu iibinaayey hilibka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Burao?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Burao
Burao