Somaliland Law Society

Somaliland Law Society

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somaliland Law Society, Burco.

Photos from Somaliland Law Society's post 31/07/2025

Qareen Cabdifataax Cabdiraxmaan Faarax oo ka tirsan bahdeena Somaliland Law Society (SOLSO) ayaa ka qaybgalay shirweynihii 6aad ee Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA). Intii uu socday shirka waxaa lagu lafaguray arrimo muhiim ah oo la xiriira sharciga iyo garsoorka, waxaana sidoo kale la doortay guddoomiye cusub oo hogaamin doona ururka.

Lawyer Abdifatah Abdirahman Farah attended the 6th conference of the Somaliland Lawyers Association. During the event, members discussed important legal matters and elected a new chairperson to lead the association.

Photos from Somaliland Law Society's post 21/06/2025

𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐑𝐞𝐟𝐮𝐠𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟓

Somaliland is home to an estimated 85,000 internally displaced persons (IDPs) — individuals forced to flee their homes but remain within the borders of their own country. In Togdheer region alone, over 26,000 people live in displacement, often without access to legal protections or essential services.

On this day, the Somaliland Law Society (SOLSO) stands in solidarity with IDPs. Our team visited displacement camps in Togdheer to raise awareness about their rights, share vital legal information, and help them navigate pathways to justice and dignity.

Behind every statistic is a human story — of resilience, strength, and hope for a fairer future.

Photos from Somaliland Law Society's post 26/04/2025

Sawiradii Barnaamijkii “Xuska Buugta & Xuquuqda Qalinleyda”.

25/04/2025

Xalay waxa inoo qabsoomey barnaamij la magac baxay “Xuska Buugta & Xuquuqda Qalinleyda” waxaana marti inoo ahaa Garyaqaan Qaraf oo lafagurayey “kaalinta Copyright-ku ka qaato ilaalinta xuquuqda Alifaha” iyo Muse M. Osman oo gorfeynayay “Fariimaha Buugta” oo uu leeyhaya prof Siciid salah.

Waxa soo gaasimey barnaamijka Somaliland Law Society iyo Burao book club.

Photos from Somaliland Law Society's post 17/04/2025

The Deputy Minister of Agriculture of the Republic of Somaliland Mukhtar Haji, who is on a working visit to the city of Burao, accompanied by officials from SOS, Takulo and the Togdheer Regional Coordinator Muxyadin, visited the agriculture department of Burao University. He joined us during a training session on "The Role of Tree Planting in Achieving Climate Justice," organized by the Somaliland Law Society (SOLSO), attended by students studying agricultural sciences.

Photos from Somaliland Law Society's post 14/04/2025

Somaliland Law Society maalinta qaran ee dhirbeerista darteed waxa ay soo qaban qaabisay tababar ku saabsan "Doorka dhir-beeristu ka qaadato u cadaalad samaynta cimilada iyo deegaanka" tababarkaas oo uu bixinayay qareen Cabdifataax saleebaan cabdi (Heersare) ayaa ay ka faa"idaysteen ardayda kulliyada culuumta beeraha iyo deegaanka ee jaamacada burco.

#2025

31/03/2025

BOGAADINTA FARXADDA CIIDDA!

Madasha (Somaliland Law Society) waxa ay dhammaan Ummada muslimiinta ah ee qiimaha badan, Shacabweynaya somaliland, Sharciyaqaanada sharafta leh, ugu hambalyeynaysaa uguna bushaaraynaysaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fitr.

Alle ha idinka aqbalo cibaadadii, soonkii, salaaddii iyo ducooyinkii. Waxaan idiin rajaynaynaa farxad aan dhammaan, nolol barwaaqo ah, iyo caafimaad waara.

Ciid Mubaarak, Kullu Caam Wa Antub Bil Khayr!

-Xafiiska Warbaahinta Somaliland Law Society.

Photos from Somaliland Law Society's post 27/03/2025

Somaliland Law Society ayaa ka qayb gashay kulan wada tashi dadweyne (Public Consultation Workshop) oo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ku qabtay (Waaxdiisa Arrimaha bulshadu ku qabteen Gobolka Tog-dheer laguna lafo gurayay "Mashruur sharciga Caafimaadka Qaranka".





Photos from Somaliland Law Society's post 15/03/2025

Xalay, 14 March, 2025 Waxa inoo qabsoomay mawduuc muhiim ah oo taabanayay "Xeerarka Bisha Ramadan & Xurmaynta Barakadeeda" oo uu inoo jeedinayay Sheekh Yuusuf Faarax.

14/03/2025

Caawa📍

Bisha barakaysan ee ramadan darteed madasha sharciyaqaanada somaliland Ee "Somaliland Law Society" Waxa ay inoo diyaarisay oo aynu ku wada caweyn doonaa isbuucan dhamaadkiisa mawduuc muhiim ah oo ku saabsan:-
"Xeerarka Bisha Ramadan & Xurmaynta barakadeeda" oo uu inoogu casuumanyahay Ustaad/Sheekh (Yusuf Farax).
Fadlan nagala soo qaybgal oo ka faa"idayso.

-Goobta: Dhamac Hub (Dabaqa 3-aad Sagal Jet).
-Goorta: Jimce, March 14, 2025 (Habeenka Sabtidu soo galayso).
-Wakhtiga: 8:30 Pm (Bacdal Tarawix).

12/03/2025

Bisha barakaysan ee ramadan darteed madasha sharciyaqaanada somaliland Ee "Somaliland Law Society" Waxa ay inoo diyaarisay oo aynu ku wada caweyn doonaa isbuucan dhamaadkiisa mawduuc muhiim ah oo ku saabsan:-
"Xeerarka Bisha Ramadan & Xurmaynta barakadeeda" oo uu inoogu casuumanyahay Ustaad/Sheekh (Yusuf Farax).
Fadlan nagala soo qaybgal oo ka faa"idayso.

-Goobta: Dhamac Hub (Dabaqa 3-aad Sagal Jet).
-Goorta: Jimce, March 14, 2025 (Habeenka Sabtidu soo galayso).
-Wakhtiga: 8:30 Pm (Bacdal Tarawix).

Photos from Somaliland Law Society's post 05/03/2025

Madasha Somaliland Law Society waxa ay ka qayb gashay daahfurka barnaamijka Siyaasadda iyo Manhajka Waxbarasho ee Xabsiyada Somaliland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda JSL , ayna iska kaashadeen wasaaradaha waxbarashada iyo Diinta iyo Awqaafta.

Barnaamijkani waxa uu udub-dhexaad u ah horumarinta xuquuqda maxaabiista, iyada oo la xoojinayo dib-u-habaynta xabsiyada iyo fududeynta dhaqan-celinta maxaabiista & la dhaqankiisa bulsho.

Want your business to be the top-listed Government Service in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address


Burco