Shirka Isuduwayaasha iyo Laamaha Dawlada ee gobolka Togdheer.
Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer
Waa Bogga Rasmiga Ah ee Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Horumarinta Kheyraadka JSL, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Maayirka Magaalada Burco oo Dhagax Dhigay Ceel-Biyood Laga Hirgelinayo Kaamka Barakacayaasha ee Durdur, oo ay Fulinayso Hay'adda SOS.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay hawlaha waddo-banaynta ee ka socda magaalada, kuwaasi oo galay maalinkii afraad oo xidhiidh ah.
Guddoomiyaha ayaa mid mid u soo maray goobaha kala duwan ee ay shaqadu ka socoto, isaga oo u kuurgalay sida ay u socdaan hawlaha iyo heerka ay marayaan.
Badhasaabka waxaa goobaha shaqada ku soo dhaweeyay Duqa Degmada ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, Mustafe Maxamed Muuse (Calas), oo warbixin ka siiyay qorshaha waddo-banaynta.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadiyay maamulka degmada iyo hawl-wadeenada sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashruucan muhiimka u ah bilicda iyo isu-socodka magaalada, isaga oo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan masuuliyiinta.
Magaalada Burco oo lagu kala gudoomay Qoomaha iyo Magaha Shaqaqadii ka dhacday Deegaanka Cali Saahid.
06/04/2026
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, Maayirka Magaalada Burco Mustafe Maxamed Muuse (Mustafe Calas) iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhegacade) ayaa xadhigga ka jaray saldhig cusub oo Ciidanka Boolisku ku yeelanayo Magaalada Geed-Abokor.
Sidoo kale, masuuliyiintu waxay dhagax dhigeen xannaano laga hirgelinayo deegaanka,
Badhasaabka Gobolka Tog-dheer ayaa kulan la yeeshay qaar kamida mas' uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradaha Gobalka.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka Togdheer iyo Maamulka Degmada Burco ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Machadka Tababarka Macalimiinta ee Gobollada Bari, kaas oo laga hirgelinayo magaalada Burco.
Munaasibadda dhagax-dhigga ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan, saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo wakiillo ka socday hay’adda Save the Children, oo si wadajir ah uga qayb qaadanaysa hirgelinta dhismaha machadkan.
Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista tayada waxbarashada, iyada oo la xoojinayo tababarka iyo tayeynta macalimiinta ka hawlgasha gobollada bari. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa tilmaamay in Machadkani noqon doono xarun muhiim ah oo lagu kobcin doono aqoonta iyo xirfadaha macalimiinta, taas oo si toos ah u saamayn doonta horumarka ardayda iyo guud ahaan waxbarashada dalka.
Maamulka Gobolka Togdheer ayaa dhankooda soo dhaweeyey mashruucan, iyaga oo ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona baahida tababar ee ka jirta gobollada bari, isla markaana kor u qaadi doona heerka waxbarasho ee Gobolada Bariga jsl.
05/04/2026
Dhagax Dhiga Maxadka Tababarada Macalimiinta Gobolada Bariga Jsl.
Badhasaabka Gobolka Togdheer oo kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Biyaha.
05/04/2026
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa kulan la yeeshay shaqaale weynaha Wakaaladda Biyaha Burco iyo Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Togdheer.
Kulankan ayaa waxaa ka warbixiyey Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha Gobolka Togdheer, Mustafe Maxamed Laambad, iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco, Sakeriye Cabdiraxmaan Lamuunbe, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey shaqooyinka socda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed ee la xidhiidha adeegga biyaha ee gobolka.
Guddoomiyaha ayaa ku boorriyey shaqaalaha inay ilaaliyaan shuruucda iyo anshaxa shaqaalaha dawladda, isla markaana ay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta hay’adaha dawladda. Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga iyo ilaalinta adeegyada bulshada, si loo hubiyo adeeg hufan oo waxtar u leh shacabka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku ammaanay Wasaaradda iyo Wakaaladda Biyaha doorkii muuqday ee ay ka qaateen wax ka qabashada xaaladdii biyo-yaraanta ee ka dhalatay abaartii dalka soo martay, isaga oo xusay dedaalkii iyo juhdigii ay geliyeen sidii bulshada loogu heli lahaa biyo ku filan xilliyadii adkaa.
Maamulka Gobolka Togdheer oo kulan kula yeeshay Xafiiska Maamulka gobolka iskashatooyinka degaanka Beer.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Taliye Ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka iyo Isu-duwayaasha Wasaaradaha Beeraha, Deegaanka, Xannaanada Xoolaha Hawlaha guud iyo Haayada Horumarinta Waddooyinka ayaa hawl-gal shaqo ku tegay degaanka Beer.
Hawl-galkan shaqo ayaa ujeeddadiisu ahayd kormeer iyo u kuurgalid xaaladaha ka jira degaanka, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha waddada muhiimka ah ee isku xidha gobollada Togdheer, Sool, Saraar iyo Sanaag, iyo cabashooyin ka dhashay dooxa oo La dhigay moosas sharci daro ah oo lagu jebiyey biyihii soo mari jiray iyagoona caqabad ku noqday beeralayda iyo isu-socodka gaadiidka.
Masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay bulshada degaanka Beer, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka, iyagoo ka dhegaystay cabashooyinkooda iyo talooyinkooda.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa xusay in Maamulka Gobolku ka go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha jira, isla markaana la dardargelin doono dadaallada lagu sugayo badbaadada waddada iyo ilaalinta danaha bulshada degaanka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Burco
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 15:00 |
| Tuesday | 07:00 - 15:00 |
| Wednesday | 07:00 - 15:00 |
| Thursday | 07:00 - 15:00 |
| Saturday | 07:00 - 15:00 |
| Sunday | 07:00 - 15:00 |
