14/10/2026
Duqa Degmadda Burco ๐๐ฎ๐ฌ๐ญ๐๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ ๐๐๐ฅ๐๐ฌ, iyo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ง ๐๐จ๐จ๐ ayaa Daah-Furay tababar aqoon-korodhsi ah oo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka JSL ku qabtay Magaalada Burco, kaasi oo ku saabsanaa Nidaamka Xisaabaadka Dawladda ee Caalamiga ah ee IPSAS, gaar ahaan qaybta Naqadka ku salaysan ee labaad (Cash Basis IPSAS Part Two).
Tababarkan ayaa loo qabtay saraakiisha xisaabaadka ee siddeedda (8) degmo doorasho oo ka tirsan gobollada Saaxil, Sool, Sanaag, iyo Togdheer, iyadoona ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadaha maamulka maaliyadda si loogu guuro wejiga labaad ee nidaamkan.
Furitaanka tababarka waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka socday Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qarranka, iyo Wasaaradda dawladaha Hoose.
Ugu horayn Furitaanka Tababarka Waxa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Xisaab-xidhka, Maxamed Caynaanshe Amare, iyo Madaxa Dawladaha Hoose, Khadar Maxamed Axmed, iyagoona Sharraxay muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay hufnaanta maaliyadda dawladda.
Sidoo kale, waxa tababarka ka hadlay siwayn ugu dheeraaday Macalinkii bixinaayay tababarka ahna Madaxa Xisaab-xidhka Dawladda Dhexe, Saleebaan Cisman Xaaji Daahir.
Duqa Degmadda Burco Mustafe Maxamed Muuse Calas, iyo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan Doob, ayaa dhankooda tilmaamay muhiimada uu tababarkani u leeyahay maamulka iyo Maaliyadda, iyagoona ku dhiirrigeliyey saraakiisha ka faa'iidaysanaysa tababarkan muhiimka ah, weelaynta casharadda iyo in ay Shaqadooda ku dabaqaan.