12/08/2024
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in ay Burbureen, wadahadaladii Somalia Iyo Ethiopia ku dhexmarayay dalka turkiga.
waa page utaagan ka shaqaynta isbadalka wanaagsan ee qaranka
12/08/2024
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in ay Burbureen, wadahadaladii Somalia Iyo Ethiopia ku dhexmarayay dalka turkiga.
12/08/2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhaweyn Ballaadhan loogu sameeyey demgada Sheekh iyo deegaannada dhinaca Bari kaga teedsan
Sheekh-12-08-2024()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku maraya qaar kamid ah gobollada Bari ee dalka, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Sheekh iyo deegaannada dhinaca Galbeed kaga teedsan.
Bulshada ku dhaqan magaalada Sheekh oo ay hoggaaminayaan madaxda xukuumadda degmada u qaabilsan, madaxda dhaqanka iyo haldoorka deegaanka, islamarkaana lulaya calanka qaranka iyo caleemo qoyan, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hor tegay duleedka Galbeed ee magaalada, waxana madaxweynuhu uu socod lug ah kusoo maray shaaraca badhtamaha magaalada dhex mara.
Goob fagaare ah oo loo asteeyey in xubnaha weftigu ay bulshada kala hadlaan, ayaa laga jeediyey hadallo la xidhiidha sida bulshada reer Sheekh u taageersan yihiin madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.
Guddoonka gobolka Saaxil, madaxda dhaqanka, haldoor iyo siyaasiyiin kasoo jeeda degmada Sheekh oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay ku dheeraadeen taageerada luxdan ee ay shacabka degmada Sheekh u hayaan madaxweynaha iyo xukuumadda u hoggaamiyo.
Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada reer Sheekh ku ammaanay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan leh halkaas ka jeediyey, ayaa bulshada reer Sheekh uga mahad celiyey soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, waxana uu kula dardaarmay in go’aankooda maalmaha codaynta ay ku saleeyaan cid qaranka difaaci karta, islamarkaana u meel dayaan codka ay bixinayaan.
Ugu dambayntii, madaxweynaha qaranku waxa uu xadhigga ka jaray waddo 2-KM ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Sheekh, taas oo wax weyn ka tari doonta baahidii dhinaca waddada ee halkaas ka jirtay.
12/08/2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kormeer, xadhig-ka-jaris iyo Dhagax-dhig ku sameeyey Mashaariic Muhiim ah oo laga hirgeliyey gobolka Saaxil
Berbera-12-08-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobolka Saaxil, ayaa maanta dhagax-dhig iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gobolka iyo kuwo haatan la bilaabi doono.
Madaxweynaha, ayaa ugu horrayn xadhigga ka jaray 62-KM ah oo ah waddada laamiga ah ee u dhexaysa Berbera iyo Burco oo xukuumaddu dib u cusboonaysiisay.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay 64 KM oo ah oo waddada isku xidhaysa magaalooyinka Sheekh iyo Berbera oo xukuumaddu dhawaan dib u cusboonaysiin ku samayn doonto.
Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray Buundada weyn ee KALA-JAB oo ay xukuumaddu dhammaystirtay.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sidoo kale kormeeray dhismeyaal cusub oo loo binaynayo qaar kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera, kuwaas oo dhismehoodu ka socdo duleedka magaalada Berbera, isaga oo dhagax-dhigay mashruuca DUBAAR oo ka kooban 20-Ceel Biyood iyo waddo 9KM ah oo lagu xidhayo keydka biyaha.
04/02/2023
Dhismaha Machadka Dawladaha Hoose ee Qaranka.
02/02/2023
Hawlgalka ciidanka bada ee habeenkii xalay .
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Iyo difaaca bada ee Jsl gaar ahaana saldhiga 1-aad ee Berbera ayaa habeenki xalay ahaa ubaxay hawlgal dhinaca bada oo lagu baadi-goobayo dadkii ay doontu la dagtay oo ka koobna 11qof wuxuuna ciidanku kusoo guulaystay soo badbaadinta 10 qof oo kamid ahaa shaqaalihi saarna doonta Sk Marwash iyo halka uu ka geeriyooday Naakhudihi ama wadihii doontasi oo lagu magacaabi jiray Qani Ismail oo udhashay wadanka Hindiya, tirada guud ee doonta saarnaa ayaa ahaa 11 qof oo kujiray ninka geeriyooday .
Waxayna ciidanku isla saaka ay soo gaadhsiiyeen dadkaasi cisbitaalaka degmada Berbera ninka geeryooday iyo 10 qof oo kale oo cafimaad qaba
Ciidanka Ilaalada xeebaha ayaa boodi-goob kujiray maalmihii udanbeeyey iyo raacdada dadkan aya doontu la dagtay kadib markii ay 29 bishan ka shiraactay Dekeda Magaalada Berbera iyadoo xoolo uqaaday dalka Yemen isla markana ay ku degtay 44NML
Hawlkan ayaa waxaa hogaaminayey Taliyaha Saldhiga kowaad ee Ciidanka Badda Gaanshaale Sare Haarun Siciid Cali iyo saraakiisha saldhigaasi.
23/02/2022
Somaliland ayaa magaalada Lagos ee waddanka Nigeria kaga qayb galaysa shir caalami ah (SAIPEC- Sub Saharan Africa International Petroleum Exhibition Conferenc, 6th Edition 2022) oo dhinaca shidaalka ah kaas oo lagaga hadlayo sidii ay dalalka Afrika u dardar gelin lahaayeen ka faa'iidaysiga khayraadka saliidda/shidaalka.
Shirkan oo ayay isugu yimaadeen inta badan ee dalalka Africa, shirkadaha waawayn ee shidaalka Africa ka shaqeeya iyo ka soo qayb-galayaan daafaha dunida ka kala yimid. WTM oo matalaysa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah shirka loogu casuumay isla markaana lagu maamuusay in ay warbixin (Presentation) dhammays tiran oo shidaalka ku saabsan ka hor jeediso shirka.
18/01/2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Gaadhay Dalka Ethiopia, Si Ballaadhanna Loogu Soo Dhaweeyey
Addis Ababa-18-01-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo saaka safar shaqo kaga dhoofay magaalada Hargeysa, ayaa gaadhay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxana madaarka caalamiga ah ee Bole international Airport kusoo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka socota dawladda Ethiopia, kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirka maaliyadda dawladda Federal-ka Ethiopa, Mudane Axmed Shide iyo wasiirudawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Mr. Abiy Ahmed, ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, waxana loo gudbiyey qolka VIP-da ee madaarka, halkaas oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen, waxana intaas kaddib lagu gelbiyey gaadiidka lagu soo dhaweeyo wufuudda dalkaas timaadda, kuwaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa u qaaday goobtii loogu talo galay.
Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona saraakiisha ugu sarraysa ee dawladda Ithiopia muddada ay safarka ku joogaan caasimadda Addis Ababa.
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL
18/01/2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu ambo baxay dalka Itoobiya
Hargeysa-18-01-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Addis Ababa, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayuu safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxana inta ay halkaas joogaan kulamo gaar ah oo shaqo la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee dalka Ethiopia iyo kuwo kaleba.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana magaalada Addis Ababa kaga biiraya wefti kale oo gogol-xaadh u ahaa safarka madaxweynaha, kuwaas oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Ciise Keyd Maxamuud, Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) iyo Ergeyga gaarka ah ee Wadda hadallada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Wa-billaahi Tawfiiq
Somaliland
14/12/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo Ka Socda Dalka Maraykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Somaliland.
Ugu horrayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, isagoo madaxweynuhu xusay in isku duubni iyo qori isu dhiib lagu soo gaadhay halkan, kaas oo ay iska kaashadeen shacbiga iyo dawladdu kuna ilaashadeen nabadgelyada, horumarka, dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan.
Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda.
Dhinacooda, xubnaha weftigu waxay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen soo dhaweynta milgaha iyo maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabiley markii ay dalka soo gaadheen, waxaanay ka markhaati kaceen horumarka, iyo Dimuquraaddiyadda ka muuqata dalka, iyagoo ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xidhiidha horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan, Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan. Sidoo kale waxay xuseen in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay.
Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka iyo Agaasimaha machadka nabada iyo xalinta khilaafaadka.
Weftigan oo maalintii shalay dalka yimi, waxay kulamo muhiima oo gaar-gaar ah la yeesheen, xubno ka mida labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka, Jaamacadda Hargeysa oo habeenkii xalay ahaa weftiga u samaysay munaasibad casho ah, iyagoo kulan kalena maanta la qaatay wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
27/11/2021
"Waxaa igu qaabilay Qasriga uu ka degan yahay caasimada Ghana 🇬🇭 Madaxwaynihii H**e Ee Dalka Gaana H.E.President JOHN AGYEKUM KUFUOR.
Waxaan Halkaasi aan ku Gudoonsiiyay Buug ka hadlaya Taariikhda Somaliland iyo Calanka jamhuuriyada somaliland.
Waxaanu wada yeelanay wada hadal aan ugu sharxayo Taariikhda somaliland taasi oo uu si fiican uga dheregsan yahay taariikhada Dhabta ee jamhuuriyada somaliland.
Guul iyo Gobanimo
Somaliland.
Ghana 🇬🇭"
Abdul Hakim Saeed Bustaale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland
27/11/2021
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Mustafe Cagjar uu Madaxda Somaliland ka dalbaday in la barbar istaago dawlad deeganka lana difaaco JigJiga, dhanka kale waxa doraad kusoo xidhay magaalada BerBera markab nooca hubka iyo saanada milatari qaada ah kaas oo kasoo shiraaqday dalka Indiya, ma cadda Madaxda Somaliland go' aanka ay ka qaadan doonaan arintan nooca uu noqon doono.
Dhanka kale waxa maalmo ka hor gaadhay dalka imaaraatka Madaxwayne ku xigeenka Somaliland isagoo halkaas dawlada imaaraadka kula
saxeexday heshiis khuseeya amniga badda iyo qalabaynta ciidamada badda Somaliland.
Somaliland ayaa u muuqata in ay hub urursi ku jirto.