03/05/2026
Ku soo dhawaada Gedo Energy Power oo ku taal Balad Xaawo. Fadlan had iyo jeer xusuusnow badbaadadaada marka aad u dhowdahay korontada: marnaba ha ku taaban qalabka korontada gacmo qoyan, waayo taasi waxay sababi kartaa shoog koronto oo khatar ah.
22/04/2026
Korontadu waxay tahay mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee kor u qaada dhaqaalaha, iyadoo sahleysa fulinta adeegyo cusub iyo shirkado horumar leh, taasoo dhalinaysa koror dhaqaale oo faa'iido leh.
17/04/2026
Welcome to Gedo Energy Power in Balad Xaawo
10/04/2026
Gedo Energy Power waxay dhammaan macaamiishooda iyo umadda Soomaaliyeedba u rajaynayaan maalin barakaysan oo khayr qabta. Illaahay ha inaga aqbalo ducada iyo acmaasha suuban ee aan qabanayno maalintan fadliga badan.
Jimce Wanaagsan!"
24/03/2026
⚡ Kusoo Dhawaada Gedo Energy Power – Beled Xaawo ⚡
Macaamiisheena sharafta leh, waxaan idinla qaybsanaynaa talooyin muhiim ah oo ku saabsan badbaadadaada iyo mida qoyskaaga. Maadaama aan ku dhow nahay Xilligii Roobabka, fadlan aad u la soco qodobadan:
🌧️ Iska Ilaali Khatarta Korontada xilliga Roobka:
Ha isku tiirin tiirarka: Iska ilaali inaad ku tiirsato ama ag istaagto tiirarka korontada, gaar ahaan marka ay dhulka iyo hawaduba qoyan yihiin.
Fiiro gaar ah u yeelo fiilooyinka: Haddii aad aragto fiilo soo dhacday ama mid daloosha, ha u dhowaan, hana isku dayin inaad taabato. Isaga fogow oo degdeg noogu soo sheeg.
Gacmo qoyan marna ha ku taaban: Waligaa ha taaban qalabka korontada haddii gacmahaagu qoyan yihiin ama aad taagan tahay meel biyo leh, si aad isaga ilaaliso shoog (koronto qabasho) khatar ah.
19/03/2026
Ciid Mubaarak dhammaan Muslimiinta, gaar ahaan macaamiisheena iyo shacabka Balad Xaawo!
Gedo Energy Power waxay idiin rajaynaysaa farxad, caafimaad iyo barwaaqo.
Mahadsanidiin kalsoonidiina.