BeledHawa Public Library

BeledHawa Public Library

Share

Maktabadda guud ee Beledxaawo, waxa ka shaqeysaa kobcinta wacyiga, iyo faafinta Aqoonta

21/01/2026

Maktabadda Dadwaynaha Beledxaawo waxa ay u mahadcelinaysaa Ugas Mohamed Ugas Jama oo ugu deeqay buugaag Maktabadda.

Ka qeybqaado horumarinta Maktabadda.

08/01/2026

Makatabadda Dadweynaha Beledxaawo, waxa ay u mahadelinaysaa Mu'sasada Diggaal Foundation , oo ugu deeqday Maktabadda dhiganaha , ee qoraa Xassan Qorane, oo ah dhigane dhawaan soo baxay, mawduuc muhiim ahne taabanayo.

Waa tallaabo muhiim ah oo ay ku mahadsanyihiin Diggaal, kana qayb qaadanayso, dib u soo noolaynta Maktabadda Baladxaawo oo muddo saaxada ka maqnayd.

Waxaan sidoo kale shaacinaynnaa in dhawaan Makatabadda dib u furmi doonto iinshallaah.
Waxaan ugu baaqaynnaa dhammaan daneeyaasha akhris qoraalka in ay ka qeybqaataan dib u yagleelidda Makatabadda Dadweynaha ee Beledxaawo, oo ah il muhiim ah oo aqooneed, ardaydane asaasi u ah.



Photos from BeledHawa Public Library's post 03/11/2024

Iqro Cabdi Xassan, ayaa ka soojeedisay Maktabadda Dadweynaha Beledxaawo soo koobista buugga 'The art of dealing with the people' ee uu qoray 'Les Giblin'.
Waxaan u mahadcelinaynnaa Iqro, iyo akhyaartii ka soo qeybgashay kulanka.
Mahadsanidiin.

Photos from BeledHawa Public Library's post 26/10/2024

Waxaa shalay jumcadii, Makatabadda Dadweynaha Beledxaawo ka qabsoomay kulan cinwaankiisu ahaa 'Akhriska iyo saameynta Bulshada' waxaa cinwaanka noo soo jeedinayay Ustaad Sayidwarsame Abdilwali Ahmed oo kamid ah aqoonyahanka gobalka dib ugu soo noqday.

24/10/2024

Kulankan muhiimka ah ayaa maalinta jumcada ka dhici doono Maktabadda Dadweynaha Baledxaawo, fadlan nagala soo qeybgal adiga iyo saaxiibkaa/taa.

16/10/2024

Madashan ayay kugu casuumaysaa Maktabadda Dadweynaha Beledxaawo.

17ka October 2024
Khamiista bari ah.

Photos from BeledHawa Public Library's post 08/09/2024

Waxaa Makatabadda dadweynaha Beledxaawo soo booqday (Ugaaska beesha Sade ee Geeska Afrika), kana mid ah Aqoonyahannada gobalka. Ugaaska ayaa dhageystay warbixinta guddiga waxbarashada Degmada ee uu hormuudka u yahay Guddoomiyaha waxbarashada degmada Mudane Farxaan Afey, madaxa tayo-dhawrka waxbarashada Degmada Mudane Maxamuud Maxammad Xassan iyo Guddoomiyaha Makatabadda Degmada Ustaad Cabdicasiis Mubaarak.

Ugaaska ayaa dhiirrigeliyay dedaalka iyo hawsha laga qabtay Maktabadda oo haatan afar sano jirsatay, waxa uuna bogaadiyay kobaca waxbarasho ee laga dareemayo guud ahaan gobalka Gedo, gaar ahaan degmada Beledxaawo.
Waxa uuna ballanqaaday in uu si dhow ula shaqayn doono guddiga waxbarashada Degmada, uuna maal iyo maskax kaga qeybqaadan doono dedaalka waxbarasho ee socdo.
Waan u mahadcelinaynnaa Ugaaska, booqashadiisa iyo dhiirrigelintiisa.

26/08/2024

OGEYSIIS!

Dhammaan dadka danaynayo arrimaha Tiknoolajiyadda iyo Kumbiyuutarrada waxaa la ogeysiinayaa in ay Maktabadda qabanayso tababar la xiriiro Luuqada Programming-ka ee Python.

Waxaana loogu bishaaraynayaa in ay ka Faa'iidaysan karaan Tabobarkan si lacag la'aan ah, Waxaana qabanayo Maktabadda Guud ee Beledxaawo iyo Hogaan Tech

Tabobarka wuxuu dhici Doonaa 29/Agoosto (maalinka Khamiista), 2:00pm - 5:00pm.

Goobtuna waa Maktabadda Guud ee Beledxaawo.

Instructor: Eng. Mohamed Yusuf Ahmed

FG: Si aad isku diiwaangaliso guji lifaaqa hoose👇

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSeBaDyy-nrMritiI22xPQQORYsI0RDt9bpIbWqkZTTUMEny_w/viewform?usp=sf_link

21/08/2024

Dadweynaha ku dhaqan degmada Beledxaawo guud ahaan, waxa aan ku wargalinaynnaa in maalinta Jumcada ah, inoo jiri doono barnaamij muhiim ah oo ku saabsan "Sidee loo sameeyaa qorshe horumarineed?" waxaana barnaamijka inoogu marti ah Dr Saciid Maxammed oo kamid ah aqoonyahanka deegaanka.

barnaamijka waxa uu ka qabsoomayaa xarunta Maktabadda. saacaddu markay tahay 4ta galabnimo Iinsha allaah.

kasoo qeybgal wanaagsan dhammaantiin.

Photos from BeledHawa Public Library's post 17/08/2024

Waxaa galabnimadi Jimcada ka qabsoomay Maktabadda Dadweynaha Beledxaawo, barnaamij mawduuciisu ahaa "Awoodda dhallinyarada iyo Is-badallada bulsho'. Barnaamijka waxaa soojeedinyay AbdiAziz Mubarak . Waxaa ka soo qeybaglay barnaamijka Ardayda jaamacadda, Macallimiin iyo qaar kamid ah Dhallinyarada degmada.
Barnaamijka kadib, waxaa laga dooday kaalinta dhallinyarada ay ka qaadan karaan isbedallada socdo, ayna ku hormarin karaa deegaanka iyo dadka.

Waxaan u mahadcelinaynnaa ka qeybgalayaasha barnaamijka, qabanqaabiyaasha iyo cid walboo gacan ka geeysatay. Mahadsanidiin.

15/08/2024

Dhammaan dhallinyarada ku nool degmada Beledxaawo, waxaa lagu casuumayaa barnaamijkan ka qabsoomi doono Maktabadda Dadweynaha.

Kasoo qeybgal wanaagsan!

Photos from BeledHawa Public Library's post 10/08/2024

Maktabadda Dadweynaha Beledxaawo, waxay u mahadnaqaysaa , oo u soo hibeeyay Maktabadda buugga GARSOORE GAROON AAN SHARCI KAJIRIN "Referee for a lawless Game' ee uu qoray Mr Mohamed Hassan Cirro.

Buugga waxaa soogaarsiiyay, mahadnaqana aan u direynnaa Mr Mohammed wali Hassan Galeyr.

Waan u mahadcelinaynnaa Sacdi Aadan Dirir.

Fadlan soogaarsiiyo buugaagta Cilmiga, Makatbadda Dadweynaha Beledxaawo.
Mahadsanidiin.

Want your business to be the top-listed Government Service in Buulo Xaawiyow?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Garbahaarey Street
Buulo Xaawiyow

Opening Hours

Monday 12:15 - 17:45
Tuesday 12:15 - 17:45
Wednesday 12:15 - 17:45
Thursday 08:30 - 17:45
Friday 08:00 - 17:45
Saturday 12:15 - 17:45
Sunday 12:15 - 17:45