27/10/2025
Buuloburte, 27 Oktoobar 2025.
Waxaa maanta ka qabsoomay xerada AUSOM (Hiil Walaal - Jabuuti) Shirka Amniga Degmada Buloburte, kaas oo si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amni ee degmada. Shirka waxaa xooga lagu saaray adkeynta amniga, iskaashiga laamaha amniga, iyo ka hortagga dhagaraha cadawgu maleegayo.
Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale si rasmi ah xilka loogu kala wareejiyay Taliska Nabad Sugidda degmada, iyadoo Taliyihii h**e Khaliif Siyaad Barkhadle uu xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub Ciise Maxamuud Cusmaan.
Maamulka degmada iyo hay’adaha amniga waxay muujiyeen go’aankooda ku aaddan xoojinta amniga iyo horumarinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha amniga.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta Maamulka Degmada Buuloburte
Email: [email protected]
25/10/2025
Maamulka Degmada Buuloburte wuxuu si diirran u soo dhaweynayaa Mudane Saalax Cabdi Muumin Yarow, oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Hirshabelle usoo magacawday Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska degmada Buloburte.
Sidaasi darteed Maamulka degmada waxa uu u rajeynayaa guul iyo hawl-karnimo, isaga oo noqon doona qeyb ka mid ah hogaanka wax-ku-oolka ah ee degmada.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta Maamulka Degmada Buuloburte
[email protected]
18/10/2025
Buloburte, 18 Oktoobar 2025
Waxaa maanta si rasmi ah degmada Buloburte uga bilowday cabbirka Garoonka Diyaaradaha, iyadoo lagu gogol xaarayo dayactir ballaaran oo lagu fulinayo isku-tashi dadweyne.
Cabbirka garoonka waxaa fulinaya injineerro khibrad sare u leh dhismaha, kuwaasoo si dhow ula shaqeynaya Guddiga Dayactirka iyo maamulka Degmada. Guddoomiyaha Degmada Buuloburte, Mudane Xasan Maxamed Cabdi ayaa si toos ah uga qeyb qaatay kormeerka shaqada, isagoo dhiirrigeliyay howl-wadeennada.
Maamulka degmada wuxuu rajo weyn ka muujiyay in mashruucan muhiimka ah uu guul ku dhammaado, taasoo ka tarjumeysa dadaalka iyo midnimada bulshada reer Buuloburte ee ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta Maamulka Degmada Buuloburte
Email: [email protected]
04/10/2025
Daahfurka Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Degmada Buuloburte
Buloburte, 04-Oktober-2025: Maanta waxaa si rasmi ah loo daah-furay howlaha dayactirka Garoonka Diyaaradaha ee degmada Buuloburte, oo dadka Degmadu ku dhisanaayaan isku-tashi.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, oo si weyn u muujiyay taageeradooda iyo diyaar u ahaanshahooda horumarka degmada.
Maamulka iyo bulshada aya ugu baaqay siyaasiyiinta, qurbo-joogta, iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Buuloburte in ay ka qeybqaataan dayactirka garoonka, si loo xaqiijiyo dhismo tayo leh oo dhammaan ummadda anfaca.
Dhamaad
Xafiiska warfaafinta Maamulka degmada Buloburte
Email: Buloburte.hs.so.