Macawisleyda G. Hiiraan

Macawisleyda G. Hiiraan

Share

Halkan Kala Soco Warar Sugan Oo Ku Xiisa Galiya

25/04/2025

Galapta Waa Ku Jimicsanay 🫡💯


Macawisleyda G. Hiiraan

23/04/2025

Welcome back Taliye 🫡💯

23/04/2025

War Helaa talo Helo 💯🫡

Photos from Macawisleyda G. Hiiraan's post 04/04/2024

Libaax jiis ah Lo' Waa Fiijiyaa🫡💯

Hamplyo Hamplyo Allah kugu Kugu Asturo xilka Lagu magacaabay Taliye 👏

✅️

11/01/2024

Deg Deg:- Argagixisadii Oo madaxa uga guuray Qeybo ka mida Saldhigyadii Jeex jeexa kadib markii ay cirka iyo Dhulka xaabo looga Shiday.
Xitaa waa awoodi weeyeen inay Gadiid alaabta ku qaataan.

Photos from Macawisleyda G. Hiiraan's post 12/11/2023

Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan oo oo Argagixisanimo loo haystay.

1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) Ayaa u qaabilsanaa Khawaarijta Gudbinta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag. Macruuf ayaa Afar iyo tobankii bishii Jun ee sanadkaan Hay’adda Nabad Sugida ka soo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha.

Computerkiis ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo Maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Khawaarijta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Khawaarijta u qaabilsanaa Qeybta Faafinta Fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan Jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisha, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa Khawaarijta Qeybta Soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay ka taageri jirtay Khawaarijta baraha bulshada gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah.

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale

Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.

Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

29/10/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda).

Cali Jeyte ayaa soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaana lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Khawaarijta kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogtay.

Photos from Macawisleyda G. Hiiraan's post 22/01/2023

waa xur

12/12/2022

Wariyihaan oo lagu magaacabo mohamed Ibraahim ayaa maanta mujaahidiinta macweysleeda qaarijin gaareen kadib markii lagu
Iidiiyay inuu alshabaab la shaqeeyo.

24/10/2022

Ninkii hiiran haweystoo maxaa dhib kuu yaal.

Want your business to be the top-listed Government Service in Buulobarde?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Buulobarde