14/06/2026
Falanqaynta dhiganaha "casariye".
12-6-2026
Dhiganahani waa dhigane qiimo badan oo cajiib ah murti iyo waxsheeg qoto dheerna ku salaysan.
Qoraagu dhiganihiisa waxyabaha uu ku xusay waxa ka mid ah;
●in niyadaada aad wanaajiso,si toolmon aad wax uqiimayso,Dhinaca wanaagsana aad ka istaagto arrimaha.
●in raali gelinta aadumuhu tahay yool aan la gaadhin oo laga geyoon.
●qoraagu wuxu dhiganihiisa ku xusay,In waxyaabaha wanaagsani ay ku qurrux badan yihiin qarsoonida,oo aanay muhiim ahayn inaad kor uqaado samaha aad fashay.
●qoraagu wuxu xusay,in qofka danayntiisa ku jiheeya ee ku dedaala,ufiir-fiirsiga iyo faalaynta dhaliilaha lammaankiisa/saaxiibkiis aanu fursad uhelayn inuu arko wanaagiisa,iyo dabeecadihiisa toosan.
●qoraagu wuxu xusay,inaanu qofka garaadka leh caqli ahaana dhisani aanu guul ka deyin meel kasta,cid kastana ficilkeeda aanu ka falcelin oo aanu waqti ku lumin. Is mooganaysiintu waa ma huraan".
●wuxu xusay, in qofka araga-liita hadduu sheego xaqqa uu maamus mutaysto.
Wuxu cadaynayaa inaanay higilka qurruxda iyo haykalka guud wax lagu qiimayn, ee murtida qofka iyo hadalka toosani ka turjumaan shaqsiyada qofka.
●wuxu xusay qoraagu inaanu lumin samuhu,haddii ay dayacaan kuwa loo galay(aadamaha) wanaaggu alle agtiisa ayuu ka qoranyahay. Samo-fal oo wanaag samee, oo xasuusnow samihii lagu galay adiga.
●wuxu xusay qoraagu, in adduunku joogo xilligii beerashada iyo bilowgii nolosha, dhammaanteenna ay tahay inaynaan niyad jabin ee aynu utabcano mustaqbalka berri.
Waa qodobo ka mida dhiganahan casariye.
Buug kal-kaal caynabo.