Ururka buug kal-kaal caynabo

Ururka buug kal-kaal caynabo

Share

An organization working on promoting reading and writing in the community. 📚

24/05/2026

22-MAY-2026
"Buug kal-kaal hargeysa".

ururka kobcinta,kor-uqaadista akhriska iyo qoraalka toolmoon iyo magaaladii saddexaad.

Ururka Buug kal-kaal.

Photos from Ururka buug kal-kaal caynabo's post 19/05/2026

Buug kalkaal oo ah urur utaagan dhisida iyo kor uqaadista ogaalka bulshada,sidoo kalena uheelan waajibka muwaadinnimo ee dalkeenna ayaa inoo soo agaasimay (barnaamijka xuska sannad guurada 18ka may) oo inoo qabsoomay 15-may-2026

BUUG KAL-KAAL BURCO.

30/04/2026

adkaysi iyo aqoonsi caalami ah ❤️

the repuplic💚💭❤️

24/04/2026

"waxa farxad wayn inoo ah, in markii labaad uu inoo hirgelayo kulanka ururka buug kal-kaal burco iyo ururka Qaybtiisa caynabo,iyaga oo sii xoojinaya xidhiidhka iyo shaqooyinka ururka.sidoo kale ku guda-jira habsami usocodka iyo horumarinta ururka".

*ujeedkeennu waa kor uqaadista,iyo kaabista akhriska iyo qoraalka toolmoon,inagga oo ka dhisayna kana horumarinayna nafaheenna,iyo bulshadeennaba akhriska.

BUUG kAL-KAAL❤️
Ururka Buug kal-kaal.

Photos from Ururka buug kal-kaal caynabo's post 06/04/2026

-april-2026 thu
Soo koobida dhiganaha "la tasho naftaada"oo uu noo soo koobay "sharma'arke axmed cali".

"waa dhigane qiimo badan oo kugu boorinaya inaad naftaada qiimayso,go'aanada iyo tallaabooyinkana aad siiso wakhti aad kaga talo geliso,waa dhigane inagu dhiirigeliya inaynaan raacin kolba dhinaca loo bato,amma aynaan kolba mawjadaha dhinac inoo jiidan, ee aynu noqono qof isku kalsoon naftiisa aaminsan,keligii meel istaagi kara,go'aana ka gaadhi kara xaalada taagan.

sidoo kale waa dhigane ina faraya inaynu barano nafteenna, ka hor inta aynan ambaqaadin geedigeenna nololeed, inaad ogaato naftaadu xirfada ay ku wanaagsantahay iyo hawsha ufudud, iyo inaad si qoto dheer naftaada ubarato,taasina waxay kuu fududaynaysaa markasta oo aad naftaada aqoon fiican uleedahay, waa markasta oo ay kuu fududahay inaad udhaqaajiso noloshaada dhinaca ay kasoo bixi karto, si aad h**e ugu gaadho hammigaaga nololeed".
ugu danbayn la tasho naftaada wuxu inoo sheegaya inaynu dhegeysano nafteenna,go'aankeeda tixgelino,ixtiraamno fikirkeeda, oo aynu ka fogaano qiimo ridka iyo hoos udhigida nafaheenna".

"BUUG KAL-KAAL CAYNABO".

Photos from Ururka buug kal-kaal caynabo's post 14/03/2026

kulankii soo koobida buugga "durro iyo dawo". oo ay inoosoo koobtay Barwaaqo Mahad Jaamac

11/03/2026

bismillaah.
kulanka berri dardar gelinta iyo xoojinta shaqada ururka, iyo soo koobida buugga "durro iyo dawo" oo ay inoosoo koobayso walaasheen Barwaaqo Mahad Jaamac waa maalin weyn soo dhowaada.
walaalayaal.

buug kalkaal caynabo🤗

25/01/2026

DAAHFURKA TARTANKA OGAALKA

Ururka Buug Kal-kaal (BKK) ,waxa uu si rasmi ah u daahfurayaa tartan aqooneed cusub oo la magac baxay “Tartanka Ogaalka”, kaas oo qayb ka ah hirgelinta qaar ka mid ah yoolalka ururka, ay ka midka yihiin :
kobcinta akhriska, kordhinta akhristayaasha, kor u qaadidda wacyiga aqooneed ee bulshada, iyo guud ahaan ku dhiirigelinta wax-akhriska.

Tartanka waxa soo agaasimi doona waaxda social media-ha ururka BKK, waxaana uu noqon doona mid si bille ah uga qabsooma bage-ka ururka BKK dhanka faysbuuga.

Tartanka waxa la qaban doona bil kasta 21-keeda, hase yeeshee bishan koobaad waxa la qaban doonaa 27-ka bisha, oo maalin salaasa ah ku beegan.

Tartanka waxa ka qayb-geli kara ,qof kasta oo jecel inuu ka faa'idaysto. Iyadoo shuruudaha tartankana dib laga soo sheegi doono.


.

Photos from Ururka buug kal-kaal caynabo's post 24/01/2026

sat-jan-24-2026
"FALANQAYNTA DHIGANAHA WAANKU SALAAMAY SAAXIIB".
Dhiganahani: waxaa ku xusan 119 dhambaal iyo 40 xeer oo isdabayaala kuwaas oo nolosha qofka bani’aadamka ah ka taabanaya xagal kasta oo nolol maalmeedkiisa kamid ah. Waxaa gudaha buugga ku xusan ereyo niyad dhis,han kaabis rajo abuuris iyo ididiilo ah,sidoo kale kuwo guubaabo ah iyo kuwa canaan ah oo naftaada ku bogaadin doona wixii aad qabatay,Kuna dhiirin doona waxa dhiman dhammaystirkooda.

BUUG KAL-KAAL CAYNABO.

Photos from Ururka Buug kal-kaal's post 15/12/2025
Photos from Ururka buug kal-kaal caynabo's post 08/12/2025

Fri-Dec-05-2025
"FALANQAYNTA DHIGANAHA 40 MAALIN CIBAADO".

BUUG KAL-KAAL CAYNABO.

Want your business to be the top-listed Government Service in Caynaba?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Ururkabuugkalkaalcaynabo@gmail. Com
Caynaba