Naadiga Akhristeyaasha ANFAC

Call Website Contact the organization

Naadiga Akhristeyaasha ANFAC Gaboodka Akhriska , Qoraalka iyo Dhaqanka ANFAC, Ceerigaabo. Activities Implemented in this Year
1.

Established in 2009, ANFAC, a youth club based on the ‘Self-help Scheme’ approach, has been launched by a youth who adopt the revolution of reading and writing. With the purpose of inspiring the youth to pursue the knowledge and the modernization in order that they might deviate from the tribal-oriented mechanisms, the club engages on promoting civic education and democracy through mainstreaming of gender equity, providing that the principles and policies must be in conformity with the constitution of Somaliland State. Hence, we express our gratitude and thanks to the young intellectuals who could be attributed for the inauguration and the initiation of this crucial task. Exhibition of ten (10) text books, written in Somali, beneficial to the Somali literate youth;
2. Competition of Somali literature in terms of promoting peace and reducing the conflicts that the first won- four (4) persons gained prizes of money and honor certificates. This has been held for encouraging the youth to protect peace stability, Somali indigenous knowledge and cultural norms and traditions;
3. Training of Ceerigaabo Youth Associations on their traditional games;
4. Conduct of two days’ training for teachers who teach Somali Language with the award of Certificates to the participants. The Regional Governor of Sanaag was invited for the closure of the training.
5. Training on the effective skills of writing procedures for the Youth who are interested in reading and writing skills of the short stories.
6. Campaigns for writing and reading skills were implemented in ten (10) main schools in Ceerigaabo, Maydh, and Yufle.
7. Participation in an anniversary day for commemoration of the Somali Scripts.
8. With the proposal of ANFAC Ceerigaabo, an umbrella of such similar clubs was set up in Burco, the focus point of the convocation.
9. Convocation for competition among football teams from the six districts of Sanaag Region
10. Convocation and hosting of Boorama Readers Club gust, poet such as Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, Cabdiwaaxid Gama’diid, Yaxye Yeebaash, from Hargeysa, Faarax Biniin Boos from Bosaaso and resourced persons such as Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Jaamac Muuse Jaamac invited from all areas by ANFAC in Ceerigaabo.
11. Mobilization campaign for reading and writing, citizenship and protection of public interest and infrastructure in Ceerigaabo town targeted fifteen primary and secondary schools (10,000 students). ANFAC LIBRARY BENEFICIARIES
Situated in the mid of the town and with two thousand (2000) books, the library promote the tendency for reading and writing, where thirty (30) members usually adopt such tendency. We expect this trend of library adoption should promote the capacity building of the youth towards the development and help them to make researches and initiatives conducive to the improvement of their socio-economic status in the future.

03/10/2026
Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda, Guddoomiye-ku-xigeenka Hanti-dhawrka Guud, Xoghay...
25/09/2026

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda, Guddoomiye-ku-xigeenka Hanti-dhawrka Guud, Xoghayaha Gobolka Sanaag, Isu-duwayaal iyo marti-sharaf kale ayaa booqday Maktabadda Akhriska Anfac ee magaalada Ceerigaabo.

Weftiga ayaa lagu soo dhaweeyey maktabadda, waxaana hawlaheeda iyo adeegyada ay bulshada u qabato ka warbixiyey Maamulaha Maktabadda, Cabdirashiid Axmed Yuusuf.

Mas’uuliyiintu waxay bogaadiyeen dadaallada lagu horumarinayo dhaqanka akhriska, qoraalka iyo kobcinta aqoonta, iyagoo dhiirrigeliyey in dhalinyarada iyo bulshada inteeda kale ay ka faa’iidaystaan fursadaha wax-akhriska.

Ugu dambayn, mas’uuliyiintu waxay saxeexeen Diiwaanka Madaxda iyo Martida Booqata Maktabadda Anfac, iyagoo xusuus reeb muhiim ah kaga tagay xarunta.

11/09/2026

Musharrax Xildhibaan Hani Warsame (Hani Sanaag), oo booqasho ku timid Maktabadda Dadweynaha ee Anfac, ayaa ku boorrisay bulshada in la dardargeliyo dhismaha dhulka loogu talagalay Maktabadda Anfac.

Waxay tidhi:

“Waa in aynu dhulkaas dhisnaa, oo sannadka soo dhammaanaya Maktabadduna heshaa dhul dhisan oo ay iyadu leedahay. Waayo, waa lagu aflaxay.”

06/09/2026

Gorfaynta Buugga "The leadership challenge" kaas oo uu soo jeedinayay Macallin Faatax Maxamed, kana qabsoomay Maktabadda Anfac.

Maktabadda Anfac oo lagu qabtay Gorfaynta Buugga: “The Leadership Challenge”Maktabadda Anfac waxaa si wanaagsan uga qabs...
06/09/2026

Maktabadda Anfac oo lagu qabtay Gorfaynta Buugga: “The Leadership Challenge”

Maktabadda Anfac waxaa si wanaagsan uga qabsoomay habeennimadkii xalay kulan aqooneed lagu gorfaynayay buugga caanka ah ee “The Leadership Challenge”, oo ka hadlaya hoggaaminta, hannaanka hoggaamiye wanaagsan iyo sida loo kobcin karo kartida hoggaamineed.

Gorfaynta buugga waxaa soo jeediyay Aqoonyahan/Macallin Maxamed Faatax, oo si qoto dheer uga hadlay qodobbada iyo fikradaha muhiimka ah ee buugga, isaga oo ka qaybgalayaasha la wadaagay casharro iyo aragtiyo la xidhiidha hoggaaminta wax-ku-oolka ah.

Kulanka ayaa ahaa fursad ay ka faa’iidaysteen akhristayaasha, aqoonyahannada, dhalinyarada iyo dhammaan dadka danaynaya akhriska, aqoonta iyo horumarinta xirfadaha hoggaamineed. Waxa kale oo kulanka lagu sameeyay dood iyo is-dhaafsi aragtiyeed, taas oo ka dhigtay gorfaynta mid firfircoon oo wax-ku-ool ah.

💡 The Leadership Challenge waxa uu xoojinayaa fahamka ah in hoggaamintu aanay ku koobnayn xil ama mansab, balse ay tahay kartida qofku ku dhiirrigeliyo dadka kale, ku dhiso kalsoonida, ku muujiyo tusaale wanaagsan, kuna horseedo koox ama bulsho himilo iyo isbeddel wanaagsan.

Maktabadda Anfac waxay ku faraxsan tahay in ay sii waddo qabanqaabada kulamada noocan ah, kuwaas oo kor u qaadaya dhaqanka akhriska, doodda aqooneed iyo is-dhaafsiga fikradaha.

📚 KULAN GORFAYN BUUGMaktabadda Anfac waxay caawa martigelinaysaa kulan gorfayn buug oo xiiso iyo aqoonba xambaarsan.Kula...
05/09/2026

📚 KULAN GORFAYN BUUG

Maktabadda Anfac waxay caawa martigelinaysaa kulan gorfayn buug oo xiiso iyo aqoonba xambaarsan.

Kulanka waxaa inoo soo jeedinaya Aqoonyahan & Macallin Fatax Maxamed, kaas oo si qoto dheer u lafaguri doona buugga caanka ah ee:

📖 “The Leadership Challenge”

🗓️ Caawa, Sabti
⏰ 7:30 PM
📍 Maktabadda Anfac

Waxaan si diirran idiinku martiqaadaynaa dhammaan akhristayaasha, aqoonyahannada iyo dadka xiiseeya hoggaaminta, horumarinta nafta iyo aqoonta.

Kasoo qaybgalkaagu waa muhiim.

Maktabadda Anfac waxay martigelisay kulan cilmiyeed xiiso badan oo uu soo jeediyey aqoonyahan Madar Jama Abdi.Aqoonyahan...
16/08/2026

Maktabadda Anfac waxay martigelisay kulan cilmiyeed xiiso badan oo uu soo jeediyey aqoonyahan Madar Jama Abdi.

Aqoonyahanku wuxuu si cilmiyeed u lafo-guray mawduuca “Xog-raaca Khayraadka Sanaag iyo Dakhli Waara”, isaga oo tixraacaya in ka badan 15 daraasadood oo qarnigii 20-aad laga sameeyey khayraadka iyo horumarka Gobolka Sanaag.

Kulanku wuxuu ahaa madal aqoon iyo xog-wadaag ah, oo ay si weyn uga faa’iidaysteen aqoon-doonka iyo akhristayaasha Maktabadda Anfac.

Maktabadda Anfac waxaa ka qabsoomaya kulan looga hadlayo “Xog-raaca Khayraadka & Dakhliga Waara ee Gobolka Sanaag.”Waxaa...
14/08/2026

Maktabadda Anfac waxaa ka qabsoomaya kulan looga hadlayo “Xog-raaca Khayraadka & Dakhliga Waara ee Gobolka Sanaag.”

Waxaa marti inoogu ah Madar Jaamac Cabdi, oo ka hadli doona khayraadka Gobolka Sanaag iyo sida looga dhigi karo il dakhli oo waarta.

14/8/2026; Caawa 07:00 PM; Goobtu waa Xarunta Maktabadda Anfac

Ka soo qaybgal wanaagsan.

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Anfac ayaa qabtay caways suugaaneed xiiso iyo xusuus gaar ah lahaa, kaas oo lagu soo bandh...
10/08/2026

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Anfac ayaa qabtay caways suugaaneed xiiso iyo xusuus gaar ah lahaa, kaas oo lagu soo bandhigay laguna wadaagay suugaan kala duwan oo uu curiyey hal-abuurka Xasiliye.

Cawayska oo lagu qabtay Maktabadda Anfac, ayaa waxaa ka qaybgalay dhalinyaro, akhristayaal, suugaan-yahanno iyo bulshada qaybaha kala duwan, kuwaas oo si weyn ugu riyaaqay suugaanta iyo hal-abuurka lagu soo bandhigay madasha.

Intii uu socday barnaamijku, waxaa la akhriyey laguna wadaagay suugaan kala duwan, iyadoo sidoo kale laga yeeshay dood iyo falanqayn ku saabsan qiimaha suugaanta, doorka hal-abuurka iyo muhiimadda ay leedahay in la kobciyo dhaqanka akhriska iyo qoraalka.

Cawaysku wuxuu ahaa habeen suugaaneed qiimo badan, oo isu keenay akhris, suugaan, dood iyo is-dhexgal bulsho.

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Anfac wuxuu sii wadi doonaa abaabulka iyo hirgelinta barnaamijyo kobcinaya akhriska, qoraalka, suugaanta iyo hal-abuurka, gaar ahaan dhallinyarada iyo bulshada ku nool gobolka.

📚 CAWAYS SUUGAANEED ✨Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Anfac wuxuu idinku martiqaadayaa caways suugaaneed xiiso leh, oo lagu...
07/08/2026

📚 CAWAYS SUUGAANEED ✨

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Anfac wuxuu idinku martiqaadayaa caways suugaaneed xiiso leh, oo lagu wadaagayo suugaan kala duwan oo uu curiyey hal-abuur Xasiliye.

📅 Goorta: Habeenka Axaddu soo gelayso⏰ Saacadda: 7:00 PM📍 Goobta: Maktabadda Anfac

Kusoo dhawoow caways suugaaneed, aqoon iyo madadaalo leh.

Kasoo qaybgalkaagu waa qiimo.

Address

Jidka Xeela, Degmada Kulmiye, Caasimadda Gobolka Sanaag
Ceerigaabo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga Akhristeyaasha ANFAC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Naadiga Akhristeyaasha ANFAC:

Shortcuts

Share

Category