06/03/2026
"๐ฆ๐ถ๐ฑ๐ฒ๐ฒ d๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ u g๐ผโ๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ป n๐ผ๐น๐ผ๐๐ต๐ฒ๐ฒ๐ปa i๐ป๐ป๐ฎ๐ด๐ฎ o๐ผ a๐ฎ๐ป d๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐บ๐ถn."
๐๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฟ ๐ธ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ถ๐ถ๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐๐น๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ, ayaa ka qabsoomay Maktabadda Anfac, kaas oo uu soo jeedinayay Usaame Faarax.
20/02/2026
Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo
Bismillaah, Soonqaad Wanaagsan.
Maanta oo kale, 21-ka February, waa Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo la xuso, si la isu xasuusiyo isla markaana loo xoojiyo horumarinta iyo qiimaynta afafka hooyo ee dunida.
Afka hooyo waa aqoonsi, dhaqan, jiritaan ummadeed iyo tiirka ay ku dhisan yihiin taariikhda, suugaanta, hiddaha iyo dhaqanka bulshadu. Haddii afka la dayaco, waxa halis galaya dhaqankii iyo jiilashii mustaqbalka.
Af-Soomaaliga iyo Masโuuliyaddeenna
Af-Soomaaligu waa Af hodan ku ah maahmaahyo, murti qoto dheer, gabayo, suugaan fac weyn, taariikh iyo dhaqan soo jireen ah, waana halka laga helo asalka iyo taariikhda umadnimo ee fog.
Waxa waajib inagu ah:
B. In aan ku hadalno oo ku faano Afka hooyo.
T. In aan carruurta barno akhriska iyo qorista afkooda hooyo.
J. In aan kobcino buugaagta, cilmi-baadhista iyo warbaahinta ku baxda Af-Soomaaliga
X. In aan ilaalinno saxnaanta higgaadda iyo naxwaha,
Kh. Iyo ugu danbayntii in aan taageerno goobaha lagu barto ama lagu horumariyo Afka oo ay ka mid yihiin naadiyada akhristeyaasha iyo rugaha laga helo kutubta Afka hooy.
Baaq
Aan ka wada shaqayno kor u qaadidda iyo adeegsiga afka hooyo ee dugsiyada iyo jaamacadaha, sidoo kale qabashada tartammo suugaan, akhris iyo qoraal, dhanka kale aan gacansiino hal-abuurka iyo qorayaasha Afka hooyo.
Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale ee dunida ku nool ee qiimeeya afkooda hooyo.
Ramadaan Wanaagsan, Alle ha innaga yeelo kuwii ka faaโidaysta barwaaqada bishan.
14/01/2026
Waxaa ka qabsoomay Maktabadda Anfac, mawduuc wacyigelin ah oo ku saabsan Xanuunka Macaanka oo uu soo jeediyey Dr. Mustafe Aw-Muuse Axmed, Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in kor loo qaado wacyiga aqooneed ee bulshaddu u leedahay Xanuunka Macaanka.
11/01/2026
Mawduuc lagaga hadlaayo "wacyigelin ku saabsan xanuunka Macaanka" ayaa ka qabsoomaya habeen dambe Maktabadda Anfac.
Waxaa soo jeedinaya Dr Mustafe aw Muuse Axmed.
Kasoo qayb gal wanaagsan.
26/12/2025
Hambalyo Taariikhi ah โ Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland
Naadiga Akhristeyaasha ANFAC wuxuu si weyn ugu hambalyaynayaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan shacabkeeda, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โCirroโ, guusha taariikhiga ah ee ka dhalatay aqoonsiga ay Dowladda Israel si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland.
Waa tallaabo weyn oo ka tarjumaysa dedaalka joogtada ah, hoggaaminta xilkasnimada leh, iyo aragtida diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha, taas oo mar kale muujisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal buuxiya shuruudaha dawladnimo, isla markaana mudan aqoonsi caalami ah.
Aqoonsigani wuxuu furayaa bog cusub oo iskaashi caalami ah, horumar dhaqaale, iyo xidhiidh siyaasadeed, isla markaana xoojinaya rejada iyo kalsoonida shacabka Somaliland ee ku aaddan xaqa ay u lee yihiin aqoonsi buuxa.
Naadiga Akhristeyaasha ANFAC wuxuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ku bogaadinayaa adkaysiga, dadaalka iyo goโaamada miisaaman ee horseeday guushan weyn, annagoo rejaynayna in ay noqoto bilowga aqoonsiyo kale oo caalami ah oo is-daba-joog ah.
Hambalyo Madaxweyne.
Hambalyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Guul iyo horumar waara.
Naadiga Akhristeyaasha ANFAC
07/12/2025
Sawirro.
Buugga "Ceebaha Calmaaniyadda" oo uu qoray Cabdiraxmaan Nagiib, ayaa xalay kulan bandhig iyo falanqayn ah loogu qabtay Maktabadda Anfac.
27/10/2025
Cadnaan Xasan Cali ayaa buuggiisa uu ka qoray Walaalnimada, ee lagu magacaabo "Walaalnimadu waa wehel" si hor dhac ah ugu soo bandhigay Maktabadda Anfac.
Buuggaas oo aan weli si rasmi ah loogu soo bandhigin Masraxyada Buugta, dhowaana loo qaban doono Bandhigyo.
Buuga walaalnimo waa wehel, waa iftiin ku tusaya heerka walalnimadu ka taagan tahay bulshadda dhexdeeda.
16/10/2025
Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa soo booqday Maktabadda Dadwaynaha ee Anfac, taas oo ah goob akhris oo Bulshada ceerigaabo u adeegaysay 17kii sano ee u dambeeyay, si lacag la'aan ah.
Kulanka wasiirka oo ay ku wehelinayeen, Xildhibaan golaha deegaanka degmada Ceerigaabo Yaasiin dhaayane, iyo Guddoomiye xigeenka Wasaaradda Waxbarashada G/ sanaag Cali Aadan, ayaa ahaa Booqasho, dhiirri gelin, iyo xog ogaalnimo.
Wasiirka ayaa u sheegay dhallinyarada gacanta ku haysa maktabadda in uu la shaqayn doono, shaqadan ay hayaana tahay shaqo wanaagsan oo nafhurnimo ah, maadaama lala dagaallamayo jahliga iyo aqoon la'aanta, dadkana loo jihaynayo dhanka Akhriska iyo Aqoonta.
Ugu dambayn wasiirka ayaa saxeexay, Buugga Madaxda soo booqata maktabaddu saxeexdo.
02/10/2025
Naadiga ANFAC wuxuu martigeliyay dood cilmiyeed muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda maxalliga ah ee Vision for Peace, kaas oo looga hadlayey dhinacyada kala duwan ee dhismaha nabadda: bulshada, dhaqaalaha iyo dhaqanka.
๐ฃ๏ธ Martida ka hadashay kulanka:
โข Ismaaciil Cawil Saalax โ Doorka khubarada sharciga ee nabadda iyo cadaaladda.
โข Rooda Cawil Cilmi โ Doorka dhallinyarada iyo haweenka ee nabadda.
โข Mohamed Xuseen Jaamac โ Sida horumarka iyo dhaqaaluhu u qaabeeyaan nabadda.
โข Ahmed Yaasiin Curad โ Guddoomiyaha Vision for Peace.
๐๏ธ Osame Gahyr ayaa ahaa guddoomiyaha doodda.
๐ Goobta: Maktabadda Dadweynaha ANFAC, Ceerigaabo
๐ก Waqtiga: 6:30 Fiidnimo - 9:30 Fiidnimo
๐
Taariikhda: 01/10/2025 (Arbaca)
Kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka, isfahamka iyo iskaashiga bulshada si loo dhiso nabad waarta, waxa ugu danbayn la isku weydaarsaday aragtiyaha kala duwan ee ka sio qaybgaleyaasha madasha.