Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug

Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Government Organization, G9QP+6JV Xiindheete, Dhuusamareeb, Dhuusamarreeb.

17/06/2024

Hambalyo Munaasabadda Ciiddul Adxa Ciid Mubaarak
Dhammaan Bulshada soomaaliyeed kuwa aan Bahwadaagta nahay iyo dhammaan Bahda Saxaafadda soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug
Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug

Photos from Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug's post 07/03/2024

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Galmudug waxey Magaalada Cadaado ka daah-furtay Tababar loo qabtay qaar kamida Wariyayaasha ka howl-gala halkaas,

Tababarkaan oo ciwaankiisu ahaa " Promoting Job Equality, Inclusion, and Human Rights through Mass Media in Galmudug State of Somalia.’”

TABABARKAAN inta uu socdo waxaa lagu qaadan doonaa Casharro aad u muhiim ah oo ku saabsan Ilaalinta Xuquuqda bini-aadamka iyadoo loo marayo Warbaahinta

21/01/2024

AgaasimahaTababarada wasaarada warfaafinta Galmudug Xasan Abdi Rahman Fantastic
ayaa hambalyo ku aaddan xuska Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo ku beegan 21 Jannaayo u diray dhammaam Warbaahinta Soomaaliyeed. Gaar ahaan kuwa Galmudug wuxuuna Alle uga baryaa in uu Janadiisa Firdows ku abaal mariyo Wariyeyaashii Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay u adeegida bulshadooda Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu ku amaanay kuwa ka howl gala hada Warbaahinta da'daalkooda muhiimka ee isku xirka iyo horumarinta bulshada, iyo.doorka wanaagsan ee ka qaataan wacyigelinta Bulshada mahadsanidiin.

Photos from Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug's post 29/11/2023

Waxaan Magaallada Dhusamareb uga Qeyb galnay Dood Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA Loogana hadlayey Badbaadada Suxufiyiinta, Xuriyada hadalka iyo helida Xogaha iyadoona dhinacyada Si waafi ah ay kaga Doodeen.
Dood Cilmiyeedkan ayaa labo Maalmood socon doona waxaana lagu Gorofeen Qaabka lagu ilaalin karo Xuriyad hadalka.
Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug

23/11/2023

23-November
Khamiis:
Alle mahad leh
Waxaa noo suragashay inaan ka bilownay Magaalooyin Galmudug qaadashada id-ga Wasaaradda Warfaafinta Galmudug.

10/11/2023

Waxqabadka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Galmudug Ee 6-dii Bilood lasoo Dhaafay.
Dhawaana waxaan soo gudbi doonaa Xarig jarka Xafiisyada Wasaaradda iyo Qeybaha kala duwan ee warbaahinta Dowladda Galmudug sida Raadiyaha iyo Tv-ga Galmudug oo si Casri ah loo Qaabeeyay
Nala socda Mardhow.

Photos from Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug's post 18/10/2023

Gaalkacyo, October 18, 2023
Wasaaradda Warfaafinta Galmudug
Waxaay bogaadinesaa
tababarka Gaalkacyo loogu Wariyaasha gaalkacyo tababarkaan oo ku saabsanaa sidii weriyayaasha iyo agaasinka u maareenlahaa doodaha iyo kulammada dad weynaha.

Tababarka oo socon doona muddo labo beri ah ayaa loogu talagalay in kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadda weriyayaasha ee maaraynta doodaha iyo kulammada dadwaynaha.

Muddada uu tababarku socdo waxaa weriyayaasha lagu tababari doonaa qabashada doodo iyo kulammo dadwayne oo wax-ku-ool-ah, iyadoo xoogga la saari doono diyaarinta doodaha, xulashada ka qaybgalayaasha iyo deegaanka, habsami u socodka doodda iyo guud ahaan maaraynta wakhtiga iyo jawiga doodda.

Qabashada tababarkaan waxaa fududeeyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya-UNSOM.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM

Photos from Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug's post 16/10/2023

Tababarka doorka warbaahinta ee dowlad wanaagga
Oo aan cadaado ku soo gagabeenay.

Photos from Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug's post 16/10/2023

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo tababar ku saabsan doorka warbaahinta ee dowlad wanaagga
Cadaado ugu soo xiray wariyaasha magaallada cadaado.

Tababarkan oo socday muddi sadex maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalay wariyaal ka kala socda idaacadaha magaalada ku yaal iyo warbaahinta kale, waxaana ay ku baranayeen doorka warbaahinta kaga aadan dowlad wanaagga.

Cabdisalaan Macalin Xasan oo ka mid ah wariyaasha tababarka qaatay ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti muhiim ah, ayna ka faa'iideysteen mudadii uu socday aqoon badan oo ku saabsan doorka ay warbaahintu ka geysan karto dowlad wanaagga.

Agaasimaha waaxda tababarada ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Galmudug
Xasan Cabdiraxman Aadan(Fantastic) ayaa isna xusay in tababarkan uu daba socday tababrro kale oo horay loogu qabtay degmooyinka Galmudug, uuna qayb ka yahay mashruuca horumarinta xirfadda wariyaasha.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug mudane Abshir Daahir Sheekhow ayaa wariyaasha kula dardaarmay inay dhaqangaliyaan aqoonta ay ka faa'iideen tababarkan marka ay ku laabtaan xarumahooda, waxaana uu hoosta ka xariiqay in wasaaraddu ay xoojinayso tababarada saxafiyiinta si tayadooda sare loogu qaado.

Tababarkan oo uu fududeysay Xafiiska UNSOM ayaa furitaankiisa waxaa ka qayb galay maamulka degmada Cadaado iyo ururada bulshada qaarkood, waxaana ay bogaadiyeen sida wasaaradda warfaafintu uga shaqaynayso horumarinta xirfadda wariyaasha Galmudug.

Photos from Xafiiska Waaxda Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug's post 13/10/2023

Wasaarada warfaafinta dowladda Galmudug oo tababar u furtay iwariyaasha ka Howl gala Magalladda Cadaado.
Tababarkan oo ku saabsan doorka warbaahinta ee dowlad wanaagga
Waxaana Tababarkaan wasaarada warfaafinta Galmudug ka taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Somalia "Unsom.
waxaa ka faa'iideysan doona inta badan wariyaasha magallada cadaado oo ka kala socda Idaacadaha magaalada iyo kuwa madaxa banaan, waxaana furitaanka tababarka qaybgalay guddoomiyaha degamda Cadaado Faarax Diiriye Warsame, agaasimayaasha idaacadaha degmada Cadaado ku yaal, agaasimayaal ka tirsan wasaarada warfaafinta Galmudug iyo marti sharaf kale.

Mudane Abshir Shiikhow wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Galmudug ayaa xusay in tababarkan uu daba joogo tababarro dhowr ah oo horay loogu qabtay qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, islamarkaana la doonayo in wariyaashu ay fahmaan doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarinta nidaanka dowladeed iyo in bulshada loo fududeeyo la xisaabtanka dowladda.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo wafdiga ka socday wasaaradda ku soo dhaweeyey Cadaado ayaa xusay in tababarkan uu kaalin muhiima ka qaadan karo sare u qaadista wacyiga wariyaasha, si ay arrimaha danta guud xoogga u saaraan.

Xasan Abdirahmaan Aden (Fantastic) agaasimaha waaxda tababarada ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiis Galmudug ayaa xusay in tababarkan looga gol leeyahay kobcinta garaadka wariyaasha, si ay uga qayb qaataan dowlad wanaagga iyo isla xisaabtanka, iyadoo loo marayo xirfadda saxaafadda.

Agaasimaha Idaacadda Codka Gobolada dhexe Maxamuud Cabdi Diirshe ayaa soo dhaweeyey tababarkan, waxaana uu wasaaradda waxbarashada Galmudug uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixisay sare u qaadista xirfadda wariyaasha degmada Cadaado.

Waxaa kaloo ayaguna kalmado Qiima badan ka jeediyay Ururka Haweynka Degmada Cadaado.

07/10/2023

War-murtiyeedka shirka wadatashiga Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Baydhabo 03—05 Oktoober, 2023: Shirka wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Waaxda Warbaahinta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa lagu soo gabagabeeyay Maagaalada Baydhabo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Shirkan Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta dalka, waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka & Agaasimaha guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir,

Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha Warfaafinta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha, La taliyayaasha wasaarada iyo howl-wadeeno kale.

Shirka oo socday muddo Saddex maalmood ah, ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobadan soo socda:

1. Dib eegista waxyaabihii ka soo baxay shirarkii h**e.
2. Ansixinta qorshe hawleedka hirgalinta Istaraatiijiyadda Qaran ee isku xirka xiriirka Warbaahinta. ( National Communication Strategy Implementation Plan).
3. Ka doodista Hirgelinta hawlaha hor-tebinta leh sida Wacyigalinta, Jiheynta iyo daadajinta Farriimaha Warbaahinta ee adeegyada bulshada.
4. Dib u eegista wixii ka qabsoomay hindisaha horumarinta Raadiyayaasha.
5. Soo bandhigista qorshayaasha, Istaraatiijiyadaha iyo xeerarka muhiimka u ah hawlaha wasaaradaha iyo gobolka Banaadir.
6. Dejinta hannaanka wadashaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir inta lagu jiro hirgelinta hawlaha hor yaalla Wasaaradaha Warfaafinta Dalka.

Dood iyo Falanqeyn dheer kadib:

1- Waxaa ka qeyb galayaashu isla qaateen Qaab dhismeedka xafiiska isku xirka xiriirka Warbaahinta ( GCO) iyo Qorshe hawleedka Istaraatiijiyadda ee la iskula waafaqay shirkii diyaarinta qorshaha Istaraatiijiyadda qaran ee isku xirka xiriirka warbaahinta ee ka dhacay magaalada Muqdisho 01-dii iyo 02-dii bishan Oktoober 2023.

2- Waxay Wasiiradu ammaaneen Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, oo hadda hogaaminta dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaariijta u jooga magaalada Dhuusamareeb.

3- Iyadoo la tixgelinayo xaaladaha dagaalka Khawaariijta iyo kuwa masiibooyinka ee dalku uu ku jiro ama ku soo fool leh, loona baahan yahay wacyigelin mideysan, ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Agaasinka Warbaahinta Gobolka Banaadir, waxay soo jeediyeen in guud ahaan howlaha Wacyigelinta dalka iyo isku xirka xiriirka warbaahinta looga dambeeyo Wasaaradaha Warfaafinta Federaalka, dowladaha xubnaha ah iyo Agaasinka warbaahinta gobolka Banaadir.

4- Si looga fogaado Isbarbar-yaaca wararka dowladda, howlaha wacyigelinta, loona mideeyo farriimaha guud ee wacyigelinta, ayaa shirku wuxuu isla qaatay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda Federaalka ah ay qabanqaabiso shir deg-deg ah oo ay isugu yeereyso hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ku hawlan fulinta iyo maalgelinta howlaha wacyigelinta dalka.

5- Mas’uuliyiinta, oo ka jawaabaya xaaladaha deg deg ah ee la xiriira Khatarta iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee ka dhalan kara roobka dabaylaha wata ee Elnino, waxay isku raaceen kordhinta farriimaha wacyigelinta, si bulshada loogu baraarujiyo qataraha ka imaan kara.

6- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Agaasinka Warfaafinta gobolka Banaadir, ayaa isla gartay in goobaha laga xoreeyo khawaarijta si deg deg ah loo gaarsiiyo idaacado, si farriinta saxda ah ay u gaarto deegaanadaas .

7- Waxaa Wasiirradu ay sidoo kale isla garteen in si deg deg ah Wasaaradaha Warfaafintu ay goobahaasi uga fuliyaan Barnaamijyo Warbaahineed oo la xiriira wacyigelinta dadaalada xasilinta iyo Dowlad wanaagga.

8- Wasaaradaha Warfaafinta Dalka iyo Agaasinka Warbaahinta Gobolka Banaadir, ayaa isku raacay xoojinta wadashaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo agaasinka Warbaahinta Gobolka Banaadir.

9- Mas’uuliyiinta waxa ay isla qaateen in la horumariyo Waaxyaha Dhaqanka iyo Dalxiiska oo mudnaan u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

10- Ka qeybgalayaasha shirka, ayaa isku raacay in shirkan, shirka xiga lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowladda Galmudug si looga wada hadlo wixii ka qabsoomay shaqooyinka lagu balamay iyo wixii caqabad ah ee ka soo noqday.

11- Ka qeybgalayaashu, waxay u mahadceliyeen guud ahaan saaxiibada Soomaaliya, si gaar ah xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo taageeray qabsoomidda shirkan, si joogta ah u garab taagan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

12- Ugu dambeyn ka qeybgalayaashu waxay mahad iyo boggaadin u jeedinayaan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-galinta bulshada ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo marti galisay shirkan, isla markaana xaqiijisay hab sami u qabsoomidda shirka wadatashiga ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Agaasinka Warbaahinta gobolka Banaadir.

-Dhammaad-

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


G9QP+6JV Xiindheete, Dhuusamareeb
Dhuusamarreeb
252