Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug

Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug

Share

Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug State

Photos from Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug's post 30/03/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cumar Cusmaan Ciid, ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday degmada Guriceel, taas oo lagu wareejinayay gaari cagaf ah oo loogu talagalay iskaashatada beeraleyda degmada.

Hay’adda IRC oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha Galmudug ayaa fulisay mashruucan muhiimka ah, kaas oo ujeedkiisu yahay horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo taageeridda beeraleyda deegaanka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Guriceel, iskaashatada beeraleyda, iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin isu-duwaha IRC ee Galmudug iyo maamulaha mashruuca.

Agaasimaha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in gaari cagafkan uu yahay fursad muhiim ah oo kor loogu qaadayo wax-soo-saarka beeraha, islamarkaana uu wax weyn ka tari doono horumarinta nolosha beeraleyda iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka. Wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu taageerayo beeraleyda iyo horumarinta beeraha Galmudug.

Masuuliyiintii kale ee halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in gaari cagafkan uu door weyn ka qaadan doono kobcinta dhaqaalaha, horumarinta beeraha, iyo xoojinta u-adkeysiga bulshada ee isbeddelada jira.

19/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Galmudug, Mudane Xirsi Yuusuf Barre, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka reer Galmudug.

Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay munaasabaddan farxadda leh, isagoo Alle uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo barwaaqo, nabad iyo horumar. Sidoo kale, wuxuu bulshada ugu baaqay in la xoojiyo midnimada, iskaashiga iyo garab istaagga dadka danyarta ah inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda.

01/03/2026

Munaasabadda wareejinta agabka horumarinta beeraha ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Galmudug.

Ugu horreyn, iskuduwaha Mashruuca Barwaaqo Abdallah Ahmed Sulayman ayaa sharaxay muhiimadda agabka la keenay Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Guriceel ayaa soo dhaweeyay agabka, kuna tilmaamay mid wax weyn ka tari doona beeraleyda deegaanka.

Dhankooda, Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug iyo Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa bogaadiyay mashruuca, iyagoo xusay in uu door muhiim ah ka qaadanayo horumarinta bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Galmudug Mudane Xirsi Yusuf barre ayaa munaasabadda soo xiray, isagoo adkeeyay in Wasaaraddu sii wadi doonto taageerada beeraleyda si loo gaaro isku filnaansho dhanka wax-soo-saarka ah.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Photos from Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug's post 28/02/2026

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Galmudug mudane Xirsi Yuusuf Bare ayaa safar shaqo oo isugu jira kormeer, dhageysiga baahiyaha beeraleyda iyo wareejinta agab horumarineed ku gaaray Degmada Guriceel.

Safarka Wasiirka waxaa ku wehlinayay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Galmudug Axmed Dhiblaawe iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Nuur Diini, kuwaas oo si wadajir ah ula kulmay bulshada iyo beeraleyda ku nool degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka Beeraha ayaa booqday in ka badan shan iyo toban beerood oo isugu jira kuwa baxa xilliga roobka iyo kuwo si joogto ah u baxa, kuwaas oo door weyn ka qaata wax-soo-saarka dalagyada kala duwan ee deegaanka. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa indha-indheyn ku sameeyay xaaladda dhulka, habka waraabka, tayada abuurka iyo caqabadaha jira, gaar ahaan dhinaca biyo yaraanta iyo qalab la’aanta.

Beeraleyda la kulmay wafdiga ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay baahiyahooda, iyagoo codsaday in la xoojiyo taageerada dhinaca ceelasha waraabka, matoorro biyaha lagu soo saaro, bacriminta iyo tababarrada casriga ah ee kor loogu qaadayo wax-soo-saarka. Wasiirka ayaa dhankiisa ballan qaaday in Wasaaraddu sii laba jibbaari doonto dadaallada lagu horumarinayo beeraha,

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Beeraha mudane Xirsi Yuusuf Bare, oo ay wehliyaan Isku-duwaha Mashruuca Barwaaqo Project, ayaa si rasmi ah u daah-furay wareejinta agab loogu talagalay horumarinta beeraha Galmudug.

Agabkan oo qeyb ka ah qorshaha kor loogu qaadayo wax-soo-saarka gudaha ayaa loo qoondeeyay 24 beerood oo ku yaalla toban degmo oo kamid ah deegaannada Galmudug. Ujeeddada mashruucan ayaa ah in la xoojiyo awoodda beeraleyda,

Munaasabadda daah-furka kadib, wafdiga ayaa guddoonsiiyay Guddoomiyaha Degmada Guriceel Farah cabdi macalin iyo sargalka Dagmada u qabilsan wasaradda agab loogu talagalay saddex beerood oo ku yaalla deegaanka Guriceel, si beeraleyda halkaas ku nool ay uga faa’iideystaan taageeradan.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Deeq waxbarasho 19/02/2026

Mashruuca Somalia Food Systems Resilience Project (S-FSRP) ayaa bixinaya deeqo waxbarasho heerar kala duwan ah sida PhD, Master (MSc/MBA), iyo Bachelor, si loo xoojiyo aqoonta iyo awoodda shaqaalaha iyo ardayda ka shaqeeya beeraha Galmudug. 

Like hoose sharudaha lagaga bahanyahay ka aqriso

Deeq waxbarasho

08/02/2026

Hadal jeedinta Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Galmudug Mudane Xirsi Yuusuf Barre ee Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Galmudug oo maanta Dhuusamareeb ka furmay

Photos from Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug's post 08/02/2026

Dhuusamareeb, Axad 8-da Febraayo

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Galmudug, Mudane Xirsi Yuusuf Barre, oo ay wehliyaan wasiirro, agaasimayaal, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo kan gobolka Galgaduud, ayaa ka qeyb-galay State Humanitarian Forum oo looga hadlay xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta deegaannada Galmudug.

Kulankan muhiimka ah waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa hay’adaha caalamiga ah ee Galmudug kala shaqeeya arrimaha gargaarka bini’aadantinimo, kuwaas oo door weyn ka qaata samatabbixinta iyo taageeridda bulshada ay abaartu saameysay.

Wasiirka ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda abaarta guud, isaga oo xusay in abaaruhu saameyn ballaaran ku yeesheen beeraha iyo nolol-maalmeedka dadka deegaanka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta Dowladda, hay’adaha samafalka iyo bulshada.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa la isla qaatay in la dardargeliyo gurmadka abaarta, la helo xog sugan oo ka tarjumaysa heerka ay xaaladdu marayso, lana mideeyo dadaallada lagu badbaadinayo dadka iyo duunyada ay abaartu saameysay.

— DHAMMAAD —

—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Photos from Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug's post 27/12/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug, Mudane Cumar Cismaan Ciid, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay kulan wadatashi ah oo lagu falanqeeyay Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee 2026–2030 ee Hay’adda Sharciyeynta iyo Baaritaanka Adeegyada Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug ayaa si weyn u soo dhoweysay martigelinta wadatashigan muhiimka ah, kaas oo fursad u ah beeraleyda, ganacsatada ku hawlan wax-soo-saarka beeraha, iyo dhammaan daneeyayaasha reer Galmudug, si ay uga qayb qaataan horumarinta iyo tayeynta adeegyada beeraha.

Wadatashigu wuxuu bixiyay fursad ballaaran oo lagu biirinayo aragtiyo, talooyin iyo fikrado wax ku ool ah, maadaama qorshahan uu weli ku jiro heer qabyo-qoraal ah, taas oo suuragelinaysa in si wadajir ah loo dhammeystiro loogana dhigo mid ka tarjumaya baahiyaha dhabta ah ee waaxda beeraha.

Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda SARIS, Mudane Libaan Cabdi Xasan, ayaa ka hadlay muhiimadda qorshahan u leeyahay horumarinta beeraha dalka iyo tayeynta adeegyada ay hay’addu u fidiso beeraleyda Soomaaliyeed.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Photos from Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug's post 22/12/2025

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug, Mudane Xirsi Yuusuf Barre, ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay ganacsatada Gaalkacyo Beerta Reer Shiikh Cali Qaboobe.

Shirka Intii uu socday waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah horumarka iyo xasilloonida gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Amniga guud ee gobolka Mudug Dib-u-heshiisiinta bulshada Horumarinta ganacsiga iyo beeraha
Wadashaqaynta u dhaxeysa maamulka Galmudug iyo ganacsatada Mudug

Kulanka kaddib, dhammaan dhinacyadii ka qeyb galay shirka waxay isku afgarteen qodobadii laga wada hadlay, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah si loo gaaro horumar waara.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug, Mudane Xirsi Yuusuf Barre, ayaa ganacsatada uga mahadceliyay doorka weyn ee ay ka qaataan horumarinta beeraha, dhaqaalaha, iyo dhismaha dawladnimada Galmudug, isaga oo ku boorriyay inay sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Photos from Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug's post 19/12/2025

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa Maanta Magaalada Galkacyo kulan qado-sharaf ah kula qaatay Odayaasha, siyaasiyiinta iyo maamulka gobolka iyo kan Dagmada

Kulanka ayaa looga hadlaayay Xoojinta Amniga iyo Dowladnimada waxaa soo Agaasimay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Galmudug

Xirsi Yuusuf Barre Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Galmudug ayaa Maamulka Gobolka,Degmada iyo Odayaasha dhaqanka ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen Nabadda iyo Dowlad dhiska wuxuuna ku booriyay inay garab istaagaan Maamulkooda

Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada ayaa wadajir u mahadceliyay Wasiir xirsi Yuusuf kaalintii uu ku lahaa Nabadaynta Gobolkaan Mudug xiliguu ahaa Maayarka Degmada Gaalkacyo waxayna sheegeen inay garab taagan yihiin Dowladnimada hada jira ee Galmudug

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

17/12/2025

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug Mudane Xirsi Yuusuf Barre ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyay goobaha codbixinta ee degmada Gaalkacyo.

Wasiirku wuxuu bulshada ugu baaqay inay si buuxda uga qayb qaataan diiwaangelinta, isagoo xusay in kaarka codbixinta uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo ka qeybgalka siyaasadeed iyo dowladnimo dhab ah.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Photos from Ministry of Agriculture and Irrigation - Galmudug's post 14/12/2025

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Galmudug , Hirsi Yusuf Barre, oo safar shaqo ku jooga magaalada muqdisho, ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Madaxa Hay’adda TIKA, Mr. Zafer Eşki. Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii taageero, maalgelin iyo garab istaag loogu heli lahaa beeraleyda galmudug , waxyaabaha ugu muhiimsan oo laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:-
1- Dhisidda Xarumo Tababarada iyo aqoonta beeraha ee galmudug
2- Horumarinta Tegnoolajiyadda Waraabka iyo guud ahaan taageerada beeraleeyda galmudug

Ugu danbeyntii Wasiirka ayaa maamulka TIKA ku amaanay doorka muuqda ee dowladda Turkiga ay mar walba ku garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada horumarinta beeraha iyo taageeridda bulshada beeraleyda.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Main Road
Dhuusamarreeb
252