02/01/2025
Waxaan u mahad celineynaa mudane Liiban Ahmed Hassan, oo mar labaad buugaag ugu deeqay Maktabadda Dadweynaha Ee Dhuusamareeb, isaga oo uu wakiil ka ahaa guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed, mudane Hassan Qaraabo. Buugaagta waxaa guddoomay Mohamed Sadaq Abdi, oo ah guddoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Dhuusamareeb.
01/01/2025
Waxaan u mahad naqeynaa mudane Mahad Salad oo buugaag ugu deeqay Maktabadda Dadweynaha Ee Dhuusamareeb. Buugaagta waxaa guddoomay Mohamed Sadaq, oo ka mid ah aas-aasayaasha maktabadda, ahna guddoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Dhuusamareeb.
01/01/2025
Waxaan u mahad celineynaa Machadka Tababarka Umulisooyinka Galmudug, oo Maktabadda Dadweynaha Ee Dhuusamareeb buugaag ugu deeqday.
31/12/2024
Waxaan u mahad celineynaa mudane Abdalla Halane, oo Maktabadda Dadweynaha Ee Dhuusamareeb, buugaag ugu deeqday.
31/12/2024
Agaasimaha Maktabadda Dadweynaha Ee Dhuusamareeb, Nafisa Hersi Oogle, ayaa ka hadashay muhiimadda maktabadaha ay u leeyihiin bulshooyinka.
Nafisa, waxa ay si gaara u dul istaagtay midda Maktabadda dad waynaha ee Dhuusamreeb, waxa ay sheegtay in la dardar galiyo howlaha maktabadda, oo ay ugu horreeyaan; dhismaha maktabadda iyo buugaag ku deeqista.
Sidoo kale waxa ay ka hadashay dhibaatooyinka haysta Maktabadaha guud haan ka jira deegaannada Galmudug, oo ay afkooda ku hadlaysay.
30/12/2024
Waxaan u mahadcelineynaa guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed, Qoraa Hassan Qaraabo, oo nuqul kamida buuggiisa, Hoggaan iyo Hoggaamin, ugu deeqay Maktabadda Dadweynaha Ee Dhuusamareeb. Qoraaga waxaa buugaagta ka guddoomay, guddoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Dhuusamareeb, mudane Mohamed Sadaq Abdi.
30/12/2024
Aas-aasayaasha Maktabadda Dadweynaha Ee Dhuusamareeb iyo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Dhuusamareeb, oo ay hormuud u yihiin guddoomiye Mohamed Sadaq iyo guddoomiye Nafisa Hersi, ayaa saakay ka qeyb galay Carwada Buugaagta Galmudug, oo magaalada Dhuusamareeb lagu qabanayay.
20/11/2024
Waa xog ku saabsan, buug aruurintii aan Carwada Buugaagta Muqdisho, uga sameynay Maktabadda Dadweynaha Ee Dhuusamareeb. Waxaan mar kale si wada-jir ah ugu mahad celineynaa; ganacsatadii, bangiyadii, siyaasiyiintii iyo aqoon yahankii noogu deeqay buugaagta.