11/08/2025
Madaxwyane ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa maanta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay saraakiisha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AUSSOM
Kulanka ayaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyo la dagalka kooxa Khawaarijta ah iyo sidii sare logu qaadi lahaa Ciidamada AUSSOM Sector 4 ee Galmudug jogaa.
Madaxwyane ku xigeenka Dowladda Galmudug Ali Dahir Eid ayaa Taliyaha AUSSOM Sector 4 u sheegay in Ciidamada Xogga Somalia iyo Ciidanka Galmudug ay Shaqo badan ka qabteen guud ahan Galmudug Amnigana galmudug na u aad u sareeyo xiligaan.
Ugu danbeyn Saraakisha AUSSOM iyo Madaxda Galmudug waxay Isla qateen in la dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta.
Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug
01/08/2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa hambalyo u diray shacabka iyo madaxda Puntland munaasabadda Maalinta Aasaaska Puntland ee 1-da Agoosto.
Mudane Cali Daahir Ciid wuxuu shacabka Puntland ugu hambalyeeyay sanad-guurada aas-aaska maamulka, isagoo u rajeeyay horumar, nabadgelyo iyo barwaaqo. Wuxuu yiri:
“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka iyo madaxda Puntland munaasabadda Maalinta Aasaaska Puntland ee 1-da Agoosto. Waxaan leeyahay sanadkaan sanadkiisa kale ha lagu gaaro amni, midnimo iyo horumar waara. Puntland waxay ka mid tahay tiirarka muhiimka ah ee dowladnimada Soomaaliya, waxaana rajaynayaa sii xoojinta wada-shaqeynta walaaltinimo ee ka dhaxeysa Galmudug iyo Puntland.”
30/11/2024
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Galmudug Steven Hind iyo Mohamed Dahir Farah oo ka socday Hay’adda DAI, taas oo u qaabilsan Midowga Yurub barnaamijka EU-Somalia Technical Assistance and Partnerships Facility.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Weheliyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Galmudug, Mudane Ahmed Ali Mohamed (Cantoobo) waxaana loga wada hadlay dardargalinta Mashaaricda EU ay ka wado Galmudug.
12/10/2024
Madaxweyne ku xigeenka galmudug Ali Dahir Eid ayaa manta Kormeer ku tagay Dhismaha Cusub ee Barlamanka Galmudug oo si casri ah lo dhisaayo kormeerka igu weheliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane maxamed nuur Gacal, Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug ,Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud
05/10/2024
Dhuusamareeb 05, October 2024:
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Ali Dahir Eid waxuu hambalyo u dirayaa Dowladda iyo Shacabka Hirshabelle ee aynu dariska nahay oo maanta ay ku beegan tahay markii la-assaasay
“Dowlad iyo Shacaba waxaan idinku hambalyeeynayaa munaasabadda 05 -October oo beegan markii la-assaaasay Hirshabelle waxaan idiin rajeynayaa nabad iyo horumar".
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Galmudug.