Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Share

Welcome to the official page of the Office of Communication for the Vice President of Galmudug State.

Photos from Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug's post 11/08/2025

Madaxwyane ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa maanta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay saraakiisha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AUSSOM

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyo la dagalka kooxa Khawaarijta ah iyo sidii sare logu qaadi lahaa Ciidamada AUSSOM Sector 4 ee Galmudug jogaa.

Madaxwyane ku xigeenka Dowladda Galmudug Ali Dahir Eid ayaa Taliyaha AUSSOM Sector 4 u sheegay in Ciidamada Xogga Somalia iyo Ciidanka Galmudug ay Shaqo badan ka qabteen guud ahan Galmudug Amnigana galmudug na u aad u sareeyo xiligaan.

Ugu danbeyn Saraakisha AUSSOM iyo Madaxda Galmudug waxay Isla qateen in la dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta.

Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug

01/08/2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa hambalyo u diray shacabka iyo madaxda Puntland munaasabadda Maalinta Aasaaska Puntland ee 1-da Agoosto.

Mudane Cali Daahir Ciid wuxuu shacabka Puntland ugu hambalyeeyay sanad-guurada aas-aaska maamulka, isagoo u rajeeyay horumar, nabadgelyo iyo barwaaqo. Wuxuu yiri:

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka iyo madaxda Puntland munaasabadda Maalinta Aasaaska Puntland ee 1-da Agoosto. Waxaan leeyahay sanadkaan sanadkiisa kale ha lagu gaaro amni, midnimo iyo horumar waara. Puntland waxay ka mid tahay tiirarka muhiimka ah ee dowladnimada Soomaaliya, waxaana rajaynayaa sii xoojinta wada-shaqeynta walaaltinimo ee ka dhaxeysa Galmudug iyo Puntland.”

17/07/2025
09/01/2025

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Mudane Ali Dahir Eid, oo uu wehelinayo Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka, Mohamed Ahmed (Dalxiis), ayaa safar shaqo ku tegay caasimadda Dhuusamareeb

Photos from Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug's post 30/11/2024

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Galmudug Steven Hind iyo Mohamed Dahir Farah oo ka socday Hay’adda DAI, taas oo u qaabilsan Midowga Yurub barnaamijka EU-Somalia Technical Assistance and Partnerships Facility.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Weheliyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Galmudug, Mudane Ahmed Ali Mohamed (Cantoobo) waxaana loga wada hadlay dardargalinta Mashaaricda EU ay ka wado Galmudug.

25/11/2024

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Ali Dahir Eid oo maanta kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha magalada Dhusamareeb oo dhismihiisu meel gabogabo ah marayo

Garoonka Caalamiga ah ee Dhusamareeb marka dhismihiisu dhamado waxaa uu noqon doona mid ka mid ah Garoomada Ugu Casrisan ee ku yaala Somalia

Xukumada Daldhis ee Galmudug waxaa ka go,aan dibudhiska Galmudug gaar ahaan Kaabeyaasha Dhaqaalaha Sida Airporada iyo Wadooyinka iyo Dakadaha iyo Xarumaha Dowlada Sida Madaxtooyada , Barlamanka , Wasaradaha, iyo Xarumaha Hay,adaha Madaxa Banan ee Dowlada Galmudug.

Photos from Ali Dahir Eid's post 12/10/2024

Madaxweyne ku xigeenka galmudug Ali Dahir Eid ayaa manta Kormeer ku tagay Dhismaha Cusub ee Barlamanka Galmudug oo si casri ah lo dhisaayo kormeerka igu weheliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane maxamed nuur Gacal, Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug ,Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud

05/10/2024

Dhuusamareeb 05, October 2024:

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Ali Dahir Eid waxuu hambalyo u dirayaa Dowladda iyo Shacabka Hirshabelle ee aynu dariska nahay oo maanta ay ku beegan tahay markii la-assaasay

“Dowlad iyo Shacaba waxaan idinku hambalyeeynayaa munaasabadda 05 -October oo beegan markii la-assaaasay Hirshabelle waxaan idiin rajeynayaa nabad iyo horumar".

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Galmudug.

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Vice President Galmudug Office
Dhuusamarreeb
252