30/04/2026
Shirka farsamada ee todobaadlaha ah ee mashruuca Nagaad ayaa ka qabsoomay xarunta mashruuca, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha socda iyo la socodka horumarka dhismaha.
Kulanka
Kulanka waxaa ka qeyb galay Samuel Ngthe Mbachia oo ah Sargaal sare oo ka socday World Bank, isagoo bixiyay talooyin farsamo iyo qiimeyn ku saabsan heerka mashruuca.
Shirka waxaa shir guddoominayay Iskuduwaha Mashruuca Nagaad Abdulkadir Diriye, waxaana sidoo kale ka qeyb galay wakiillo ka socday UNOPS iyo shirkadda dhismaha wadooyinka ee Buruuj.
29/04/2026
Injineer sare Samuel Ngthe Mbachia oo ka socday Baanka Aduunka ayaa booqasho kormeer ah ku maray wadooyinka iyo biyo-mareennada magaalada Dhuusamareeb, si uu ugu kuurgalo heerka ay marayaan howlaha dhismaha ka socda caasimadda.
Booqashada injineerka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu hubinayo tayada iyo hufnaanta mashruuca, iyadoo uu si gaar ah u qiimeeyay horumarka laga sameeyay wadooyinka iyo nidaamyada biyo-mareennada.
Sidoo kale, tani waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee xubno ka socda Baanka Adduunka ay si rasmi ah u booqdaan deegaannada Galmudug, taasoo muujinaysa kororka taageerada caalamiga ah ee mashaariicda horumarineed ee ka socda Galmudug.
Nagaad Project - Dhusamareb PIU Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb
23/04/2026
Qaybta koowaad (Package One) waxaa si qurux badan usocda dhismaha wadada iyadoo shaqadu marayso heerar kala duwan oo muhiim ah. Howlwadeenada iyo shirkadda fulineysa mashruuca ee Buruuj ayaa si dardar leh u wada shaqada.
Nagaad Project - Dhusamareb PIU
22/04/2026
Shirka farsamada ee todobaadlaha ah ayaa ku qabsoomay xarunta Nagaad
Shirka farsamada (Technical Meeting) ee todobaadlaha ah ayaa maanta qabsoomay , waxaana sida caadiga ah lagu lafaguraa hormarada iyo dib u dhacyada farsamo ee ay la kulmaa dhismaha wadooyinka Magaalada Dhusamareeb.
Shirka ayaa waxaa shir gudoominaayay Iskuduwaha Mashruuca Nagaad mudane Abdulkadir Diriye, waxaana kasoo qaybgalay hay’adda UNOPS iyo shirkada dhismaha wadooyinka gacanta ku haysa ee Buruuj.
Nagaad Project - Dhusamareb PIU
14/04/2026
Section B
Waxaan maanta lashubay qaybihii ugu danbeeyay buundada wayn ee Magaalada Dhuusamareeb,
Buundadan oo qayb ka ah mashruuca horumarinta wadooyinka caasimadda Galmudug ayaa si xowli ah u socotay, iyadoo hadda la gaaray marxaladihii ugu dambeeyay ee dhismaha. Shaqaalaha iyo injineerada ku howlan mashruuca ayaa dadaal xooggan gelinaya in la dhammeystiro hawlaha harsan.
Nagaad Project - Dhusamareb PIU
Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb
05/04/2026
Waxaa xarunta Mashruuca Nagaad ka qabsoomay shirka asbuuc laha ah ee mashruuca, kaas oo uu shirguddoominayay Madaxa Mashruuca Nagaad Cabdulqadir Farax Diiriye.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta howlaha usbuucii la soo dhaafay, dardargelinta qorshayaasha socda, iyo sidii loo xoojin lahaa waxqabadka mashruuca.
27/03/2026
Sawiro:
Package one waxaa ka socda shaqo quruxbadan.
07/03/2026
Dhismaha Wadooyinka Casimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa si xowli ah u socda, iyadoo maanta la qabtay shaqooyin muhiim ah oo ay kamid tahay saaridda laamiga. Shaqaalaha iyo injineerada ku howlan mashruuca ayaa dardar gelinaya howlaha, si loo xaqiijiyo in wadooyin casri ah ay yeelato caasimaddu.
Nagaad Project - Dhusamareb PIU
Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb
01/03/2026
Waxaa si xawli ah ku socda dhismaha wadada halbowlaha u ah Magaalada Casimadda ah ee Dhuusamareeb, iyadoo mashruucu haatan marayo meel wanaagsan.
Nagaad Project - Dhusamareb PIU
Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb