Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State

Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State

Share

MoEWR Galmudug leads energy & water sectors, ensures access, drives policy, promotes renewables.

09/05/2026

๐ŸŒฆ๏ธ๐’๐š๐š๐๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‘๐จ๐จ๐›๐ค๐š ๐ž๐ž ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ŸŽ๐Ÿ—- ๐Ÿ๐ŸŽ ๐ฆ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”๐ŸŒฆ๏ธ.

๐ฌ๐š๐š๐๐š๐š๐ฌ๐ก๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ข ๐ซ๐จ๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐ฎ'๐ ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐ž๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ง ๐ซ๐จ๐จ๐›๐š๐› ๐๐ก๐ž๐ฑ๐๐ก๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐š๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐ข๐ ๐ก๐จ๐จ๐ฌ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐ค๐š ๐๐š'๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐š๐š๐ง ๐ ๐ฎ๐ฎ๐๐š ๐š๐ก๐š๐š๐ง ๐ƒ๐ž๐ž๐ ๐š๐ง๐š๐๐š ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข๐๐š ๐ฌ๐š๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ค๐ฎ ๐œ๐š๐.
Roobabkan ayaa keenay faaโ€™iidooyin dhowr ah sida:
* Dib u soo kabashada dhulka iyo daaqa ๐ŸŒฑ
* Helitaanka biyaha dadka iyo xoolaha ๐Ÿ’ง
* Xoojinta wax soo saarka beeraha
* Yaraynta saameynta abaaraha
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug waxay bulshada ku wargelinaysaa inay la socdaan wararka iyo saadaasha cimilada si loo helo diyaar garow ku habboon, gaar ahaan meelaha laga filayo roobab xooggan.


DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Photos from Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State's post 05/05/2026

GODINLABE โ€“ 5 May 2026

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay ceel-biyoodyada ku yaalla degmada Godinlabe, iyo sidoo kale riig cusub oo laga qodayo deegaanka Laamadhaayood.

Kormeerka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Mudane Cumar Maxamed Diiriye, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Galmudug, iyo Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.

Intii uu kormeerku socday, Wasiir Abdullaahi ayaa warbixinno ka dhegeystay masuuliyiinta gacanta ku haya ceelasha biyaha, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda adeegyada biyaha iyo baahiyaha jira.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaraddu ay xoojin doonto wada-shaqeynta ay la leedahay bulshada deegaanka Laamadhaayood, si loo horumariyo adeegyada biyaha loona daboolo baahiyaha shacabka.

โ€” DHAMMAAD โ€”

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

02/05/2026

Saadaasha Roobka Toddobaadka (02 โ€“ 08 May 2026)

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydro-Meteorology, waxay soo saareysaa saadaasha roobka toddobaadka ee u dhaxeysa 02 ilaa 08 May 2026.

Saadaashu waxay muujineysaa in roobab kala duwan oo u dhexeeya mid dhexdhexaad ilaa mid xooggan laga filayo guud ahaan deegaannada Galmudug, iyadoo qaybo ka mid ah ay la kulmi karaan roobab culus.
Roobabka ugu badan ayaa laga filayaa:
โ€ขCeel Buur nawaxigeeda
โ€ขDhuusamareeb nawaxigeeda
โ€ขXarardheere nawaxigeeda
Halkaas oo roobku gaari karo qiyaaso u dhexeeya 30 mm ilaa 100 mm, iyadoo meelaha qaarkood ay gaari karaan ina ka badan.
Sidoo kale, roobab dhexdhexaad ah ayaa laga filayaa:
โ€ขCadaado
โ€ขCabudwaaq
โ€ขGaalkacyo
kuwaas oo u dhexeeya 10 mm ilaa 50 mm.
Dhanka kale, deegaanada sida Hobyo iyo qaybo kale oo ka mid ah Galmudug waxay heli karaan roobab u dhexeeya 5 mm ilaa 20 mm.

Wasaaraddu waxay kula talineysaa bulshada, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada inay:
โ€ข Ka faaโ€™iideystaan roobabka la filayo, gaar ahaan xilligan muhiimka ah
โ€ข Ka feejignaadaan fatahaado iyo biyo fariisin ka dhalan kara roobabka culus
โ€ข La socdaan digniinaha iyo warbixinada rasmiga ah ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha โ€“ Waaxda Hydro-Meteorology

Saadaashan waxay ku saleysan tahay xogta laga helay nidaamka NOAA-GFS, waxaana la cusbooneysiin doonaa hadba sida ay xaaladdu isu beddesho.


DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

01/05/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š
๐Ÿ-๐๐š ๐Œ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir ayaa Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka hawlgala waaxaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Maalintaan qiimaha leh waxay astaan u tahay dadaalka, kartida, iyo doorka muhiimka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin dhismaha iyo horumarinta dalkeenna. Shaqadiinnu waa tiirka horumarka, waana saldhigga mustaqbal ifaya oo ay ku noolaan doonto ummadeennu.

Wasiirka ayaa ku boorinayaa dhammaan shaqaalaha in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, isla markaana ay ka qayb qaataan horumarinta adeegyada tamarta iyo biyaha si loo gaaro bulsho isku filan oo horumarsan.

Shaqo Wanaagsan, Waa Mustaqbal Wanaagsan!

DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

25/04/2026

Saadaasha Roobka Toddobaadka (25 Abriil โ€“ 01 May 2026).

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan Waaxda saadaasha hawada & roobabka, waxay bulshada la wadaagaysaa saadaasha roobka toddobaadkan.

Roobab dhexdhexaad ilaa xooggan ayaa laga filayaa:
๐Ÿ“ Dhuusamarreeb
๐Ÿ“ Cabudwaaq
๐Ÿ“ Ceel Buur
๐Ÿ“ Ceel Dheer

โžก๏ธ Roobka: 10 mm โ€“ 50 mm (meelo ka badan kara)

Roobab fudud ilaa dhexdhexaad:
๐Ÿ“ Cadaado
๐Ÿ“ Gaalkacyo

Roobab yar ama aan badneyn:
๐Ÿ“ Hobyo
๐Ÿ“ Xarardheere

โš ๏ธ Talooyin Muhiim ah:
โœ”๏ธ Ka faaโ€™iideysta roobabka โ€“ kaydiya biyaha, beertana bilaaba
โœ”๏ธ Ka feejignaada fatahaadaha meelaha hoose
โœ”๏ธ La socda warbixinada rasmiga ah ee Wasaaradda

๐Ÿ“ก Saadaashan waxay ku saleysan tahay xogta NOAA-GFS, waxaana la cusbooneysiin doonaa hadba sida ay xaaladdu isu beddesho.



DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

22/04/2026

๐ŸŒฆ๏ธ Dib-u-eegista Roobka Toddobaadkii la soo dhaafay (15โ€“22 Abriil 2026) ๐ŸŒง๏ธ

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa si weyn uga muuqday isbeddel wanaagsan oo roobabka ah guud ahaan deegaanada Galmudug, iyadoo roobab kala duwan laga diiwaangeliyay degmooyinka.

๐Ÿ”น Roobabka ugu badan waxay ka daโ€™een degmooyinka:
๐Ÿ“ Ceelbuur โ€“ 270mm
๐Ÿ“ Hobyo โ€“ 180mm

๐Ÿ”น Roobab dhexdhexaad ah :
๐Ÿ“ Guriceel โ€“ 150mm
๐Ÿ“ Ceel Dheer & Galkacyo โ€“ 130mm
๐Ÿ“ Dhuusamareeb โ€“ 100mm

๐Ÿ”น Roobab yar :
๐Ÿ“ Cadaado โ€“ 80mm
๐Ÿ“ Xarardheere โ€“ 50mm
๐Ÿ“ Cabudwaaq & Jariiban โ€“ 40mm
๐Ÿ“ Galdogob โ€“ 10mm

๐ŸŒฑ Roobabkan waxay u horseedeen:

โœ”๏ธ Soo kabashada dhulka iyo daaqa
โœ”๏ธ Kororka helitaanka biyaha
โœ”๏ธ Yaraynta saameynta abaarta

๐Ÿ“ข Waxaa muhiim ah in bulshada ay si joogto ah ula socdaan saadaasha cimilada si loo helo diyaar garow wanaagsan, gaar ahaan meelaha laga filayo roobab xooggan.

๐Ÿ’ฌ Adiga deegaankaaga roobku sidee buu ahaa?

La wadaag khibradaada faallooyinka ๐Ÿ‘‡



DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Photos from Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State's post 20/04/2026

Muqdisho, 20 Abriil 2026

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud iyo xubno ka tirsan howl-wadeennada Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay madaxda sare ee Hayโ€™adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho iyo soo dhoweynta Wasiirka cusub, iyo sidoo kale is-weydaarsiga xogaha ku saabsan mashaariicda socda iyo kuwa la qorsheynayo in dhawaan la billaabo.

Wasiirka ayaa warbixin ka bixiyay safarro uu ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Mudug, isagoo si gaar ah uga hadlay xaaladaha abaarta iyo dhibaatooyinka ka dhashay biyo laโ€™aanta ee ka jira deegaannadaas.

Dhankooda, hayโ€™adda IOM ayaa soo bandhigtay horumarka mashaariicda ee ka socda qaar ka mid ah deegaanada Galmudug

Kulankan ayaa kusoo gebengeboobey xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda iyo IOM, si loo dardargeliyo horumarinta adeegyada biyaha iyo tamarta ee bulshada.

DHAMMAAD_________________

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Photos from Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State's post 15/04/2026

Galkacyo : 15April ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu xusayay Maalinta Biyaha Adduunka.

Munaasabaddan waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo ay kaashaneyso hayโ€™addaha ka shaqeeyo arimaha biyaha oo kala ah arche noVa iyo IMC.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay
Agaasimaha waaxda biyaha ee WasaaraddaTamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug Mudane Eng Abdulkadir Abdullahi Maxamed , iyo maamulka degmada Galkacyo, wakiillo ka socday hayโ€™addaha arche noVa iyo IMC, iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa diiradda lagu saaray baahida weyn ee biyaha ka jirta magaalada, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha. Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug ayaa fulisay biyo-dhaamin loo sameeyay dadka ku nool kaamamka, taas oo si weyn u caawisay qoysaska nugul.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug mudane Eng Abdulkadir Abdullahi ayaa sheegay in wasaaraddu ay waddo qorshe lagu daboolayo baahida biyaha, isagoo xusay in ku dhawaad 30,000 oo qoys ay haleen biyo dhaamin iyo kuwo hadd qorshuhu yahay in la gaarsiiyo biyo nadiif ah sida loola tacaalo dhibaatoyinka abaartu sababtay.

DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

15/04/2026

Saadaasha Roobka Toddobaadka (15โ€“21 Abriil 2026) ๐ŸŒง๏ธ

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug โ€“ Waaxda Hydro-Meteorology ayaa soo saartay saadaasha roobka ee toddobaadkan.
Khariidaddan waxay muujineysaa qiyaasta roobabka laga filayo degmooyinka kala duwan ee Galmudug inta u dhaxeysa 15 ilaa 21 Abriil 2026.

Sida muuqata, roobab dhexdhexaad ah ilaa xooggan ayaa laga filayaa deegaanada galbeedka iyo bartamaha sida Cabudwaaq, Dhuusamareeb iyo qaybo ka mid ah Cadaado, halka deegaanada bari iyo xeebaha sida Hobyo, Xarardheere iyo Ceel Dheer ay u badan tahay inay helaan roob fudud ama kala googoโ€™an.

Guud ahaan, roobku ma aha mid si siman u wada gaari doona dhammaan gobollada, balse wuxuu muujinayaa bilowga xilli roobaadka Guโ€™ga .
Roobabkan la saadaaliyey ayaa muhiim u ah:
โ€ข Dib u soo kabashada dhulka iyo daaqa ๐ŸŒฑ
โ€ข Helitaanka biyaha dadka iyo xoolaha ๐Ÿ’ง
โ€ข Xoojinta wax soo saarka beeraha
โ€ข Yaraynta saameynta abaaraha

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug waxay bulshada ku wargelinaysaa inay la socdaan wararka iyo saadaasha cimilada si loo helo diyaar garow ku habboon, gaar ahaan meelaha laga filayo roobab xooggan.


DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

09/04/2026

Saadaasha Roobka Toddobaadka (09โ€“15 April 2026) ๐ŸŒง๏ธ
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug โ€“ Waaxda Hydro-Meteorology ayaa soo saartay saadaasha roobka ee toddobaadkan.
Khariidaddan waxay muujineysaa xaaladda roobabka laga filayo degmooyinka kala duwan ee Galmudug inta u dhaxeysa 09 ilaa 15 Abriil 2026. Sida muuqata, inta badan deegaanada Galmudug waxay wajahayaan roob aad u yar ama roob laโ€™aan, iyadoo aan la arkin roobab muuqda oo si ballaaran uga daโ€™aya gobolka.
Deegaanada sida Dhuusamareeb, Cadaado iyo Ceel Buur waxay muujinayaan xaalad qalalan, halka Hobyo, Xarardheere iyo Ceel Dheer ay sidoo kale u badan tahay inay sii wataan roob laโ€™aan ama roob aad u kooban.
Guud ahaan, roobku ma aha mid si siman uga daโ€™i doona gobolka, wuxuuna si cad u muujinayaa xaalad qalayl oo weli ka jirta Galmudug, iyadoo aan wali si muuqata u bilaaban xilli roobaadka.
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug waxay bulshada ku wargelinaysaa inay la socdaan wararka iyo saadaasha cimilada si loo helo diyaar garow ku habboon.
NB: Saadaasha roobka way isbeddeli kartaa mar kasta.
Fadlan la soco warbixinada rasmiga ah ee Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha.










DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

TENDOR DOCUMENTS AMP-GALMDUG - Google Drive 08/04/2026

๐Ÿ“ข OGAYSIIS: FURSAD MAALGELIN TAMAR CAGAARAN

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowladda Goboleedka Galmudug waxay ku wargelinaysaa dhammaan shirkadaha bixiya adeegga korontada ee ka hawlgala Guriceel, Hobyo iyo Adado in la kordhiyay muddada k**a dambaysta ah ee codsiyada mashruuca:

Africa Mini-Grids Programme (AMP) โ€“ Somalia

Mashruucan wuxuu taageerayaa hirgelinta iyo ballaarinta nidaamyada koronto ee ku shaqeeya tamarta qorraxda iyo batteriga, isagoo ujeedadiisu tahay:

๐Ÿ”† Kordhinta helitaanka koronto la isku halayn karo
โ›ฝ Yaraynta ku tiirsanaanta shidaalka diesel
๐Ÿ’ฐ Hoos u dhigista qiimaha korontada ee bulshada

Wasaaradda Tamarta Galmudug waxay ku dhiirigelinaysaa dhammaan shirkadaha u qalma inay ka faaโ€™iidaystaan fursaddan, islamarkaana si taxaddar leh u akhriyaan shuruudaha iyo habraacyada tartanka.

โฐ Waqtiga cusub ee k**a dambaysta ah ee soo gudbinta codsiyada:
๐Ÿ—“๏ธ 13 May 2026 โ€“ 05:00 AM (New York Time)
๐Ÿ—“๏ธ 13 May 2026 โ€“ 12:00 PM (EAT โ€“ Somalia Time)

๐Ÿ“„ Faahfaahinta tartanka iyo codsiga:
๐Ÿ”— [https://procurement-notices.undp.org/view_negotiation.cfm?nego_id=43788](https://procurement-notices.undp.org/view_negotiation.cfm?nego_id=43788)

๐Ÿ“‚ Dukumeentiyada mashruuca (Download):
๐Ÿ”— [https://drive.google.com/drive/folders/1-toLSJeaOXYK9atZ0D5r-OVtGm4r1HVJ?usp=drive_link](https://drive.google.com/drive/folders/1-toLSJeaOXYK9atZ0D5r-OVtGm4r1HVJ?usp=drive_link)

Wasaaradda Tamarta Galmudug waxay diyaar u tahay inay shirkadaha siiso hagitaan iyo faahfaahin dheeraad ah si loo xaqiijiyo ka faaโ€™iidaysiga fursaddan muhiimka ah.

๐Ÿ“ข Fadlan la wadaag si wargelintani u gaarto dhammaan shirkadaha korontada ee Galmudug.

DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

TENDOR DOCUMENTS AMP-GALMDUG - Google Drive

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Dhuusamareeb Main Street
Dhuusamarreeb
00510