09/05/2026
๐ฆ๏ธ๐๐๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐๐- ๐๐ ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฆ๏ธ.
๐ฌ๐๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ข ๐ซ๐จ๐จ๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐ฎ'๐ ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐๐ฒ๐ฌ๐๐ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ง ๐ซ๐จ๐จ๐๐๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐๐ก๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐ข๐ ๐ก๐จ๐จ๐ฌ๐๐๐ฒ๐ ๐ค๐ ๐๐'๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐๐๐ง ๐ ๐ฎ๐ฎ๐๐ ๐๐ก๐๐๐ง ๐๐๐๐ ๐๐ง๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐๐ ๐ฌ๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐ค๐ฎ ๐๐๐.
Roobabkan ayaa keenay faaโiidooyin dhowr ah sida:
* Dib u soo kabashada dhulka iyo daaqa ๐ฑ
* Helitaanka biyaha dadka iyo xoolaha ๐ง
* Xoojinta wax soo saarka beeraha
* Yaraynta saameynta abaaraha
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug waxay bulshada ku wargelinaysaa inay la socdaan wararka iyo saadaasha cimilada si loo helo diyaar garow ku habboon, gaar ahaan meelaha laga filayo roobab xooggan.
DHAMMAAD
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
05/05/2026
GODINLABE โ 5 May 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay ceel-biyoodyada ku yaalla degmada Godinlabe, iyo sidoo kale riig cusub oo laga qodayo deegaanka Laamadhaayood.
Kormeerka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Mudane Cumar Maxamed Diiriye, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Galmudug, iyo Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
Intii uu kormeerku socday, Wasiir Abdullaahi ayaa warbixinno ka dhegeystay masuuliyiinta gacanta ku haya ceelasha biyaha, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda adeegyada biyaha iyo baahiyaha jira.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaraddu ay xoojin doonto wada-shaqeynta ay la leedahay bulshada deegaanka Laamadhaayood, si loo horumariyo adeegyada biyaha loona daboolo baahiyaha shacabka.
โ DHAMMAAD โ
Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
02/05/2026
Saadaasha Roobka Toddobaadka (02 โ 08 May 2026)
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydro-Meteorology, waxay soo saareysaa saadaasha roobka toddobaadka ee u dhaxeysa 02 ilaa 08 May 2026.
Saadaashu waxay muujineysaa in roobab kala duwan oo u dhexeeya mid dhexdhexaad ilaa mid xooggan laga filayo guud ahaan deegaannada Galmudug, iyadoo qaybo ka mid ah ay la kulmi karaan roobab culus.
Roobabka ugu badan ayaa laga filayaa:
โขCeel Buur nawaxigeeda
โขDhuusamareeb nawaxigeeda
โขXarardheere nawaxigeeda
Halkaas oo roobku gaari karo qiyaaso u dhexeeya 30 mm ilaa 100 mm, iyadoo meelaha qaarkood ay gaari karaan ina ka badan.
Sidoo kale, roobab dhexdhexaad ah ayaa laga filayaa:
โขCadaado
โขCabudwaaq
โขGaalkacyo
kuwaas oo u dhexeeya 10 mm ilaa 50 mm.
Dhanka kale, deegaanada sida Hobyo iyo qaybo kale oo ka mid ah Galmudug waxay heli karaan roobab u dhexeeya 5 mm ilaa 20 mm.
Wasaaraddu waxay kula talineysaa bulshada, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada inay:
โข Ka faaโiideystaan roobabka la filayo, gaar ahaan xilligan muhiimka ah
โข Ka feejignaadaan fatahaado iyo biyo fariisin ka dhalan kara roobabka culus
โข La socdaan digniinaha iyo warbixinada rasmiga ah ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha โ Waaxda Hydro-Meteorology
Saadaashan waxay ku saleysan tahay xogta laga helay nidaamka NOAA-GFS, waxaana la cusbooneysiin doonaa hadba sida ay xaaladdu isu beddesho.
DHAMMAAD
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
01/05/2026
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐
๐-๐๐ ๐๐๐ฒ ๐๐๐๐
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir ayaa Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka hawlgala waaxaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Maalintaan qiimaha leh waxay astaan u tahay dadaalka, kartida, iyo doorka muhiimka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin dhismaha iyo horumarinta dalkeenna. Shaqadiinnu waa tiirka horumarka, waana saldhigga mustaqbal ifaya oo ay ku noolaan doonto ummadeennu.
Wasiirka ayaa ku boorinayaa dhammaan shaqaalaha in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, isla markaana ay ka qayb qaataan horumarinta adeegyada tamarta iyo biyaha si loo gaaro bulsho isku filan oo horumarsan.
Shaqo Wanaagsan, Waa Mustaqbal Wanaagsan!
DHAMMAAD
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
25/04/2026
Saadaasha Roobka Toddobaadka (25 Abriil โ 01 May 2026).
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan Waaxda saadaasha hawada & roobabka, waxay bulshada la wadaagaysaa saadaasha roobka toddobaadkan.
Roobab dhexdhexaad ilaa xooggan ayaa laga filayaa:
๐ Dhuusamarreeb
๐ Cabudwaaq
๐ Ceel Buur
๐ Ceel Dheer
โก๏ธ Roobka: 10 mm โ 50 mm (meelo ka badan kara)
Roobab fudud ilaa dhexdhexaad:
๐ Cadaado
๐ Gaalkacyo
Roobab yar ama aan badneyn:
๐ Hobyo
๐ Xarardheere
โ ๏ธ Talooyin Muhiim ah:
โ๏ธ Ka faaโiideysta roobabka โ kaydiya biyaha, beertana bilaaba
โ๏ธ Ka feejignaada fatahaadaha meelaha hoose
โ๏ธ La socda warbixinada rasmiga ah ee Wasaaradda
๐ก Saadaashan waxay ku saleysan tahay xogta NOAA-GFS, waxaana la cusbooneysiin doonaa hadba sida ay xaaladdu isu beddesho.
DHAMMAAD
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
22/04/2026
๐ฆ๏ธ Dib-u-eegista Roobka Toddobaadkii la soo dhaafay (15โ22 Abriil 2026) ๐ง๏ธ
Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa si weyn uga muuqday isbeddel wanaagsan oo roobabka ah guud ahaan deegaanada Galmudug, iyadoo roobab kala duwan laga diiwaangeliyay degmooyinka.
๐น Roobabka ugu badan waxay ka daโeen degmooyinka:
๐ Ceelbuur โ 270mm
๐ Hobyo โ 180mm
๐น Roobab dhexdhexaad ah :
๐ Guriceel โ 150mm
๐ Ceel Dheer & Galkacyo โ 130mm
๐ Dhuusamareeb โ 100mm
๐น Roobab yar :
๐ Cadaado โ 80mm
๐ Xarardheere โ 50mm
๐ Cabudwaaq & Jariiban โ 40mm
๐ Galdogob โ 10mm
๐ฑ Roobabkan waxay u horseedeen:
โ๏ธ Soo kabashada dhulka iyo daaqa
โ๏ธ Kororka helitaanka biyaha
โ๏ธ Yaraynta saameynta abaarta
๐ข Waxaa muhiim ah in bulshada ay si joogto ah ula socdaan saadaasha cimilada si loo helo diyaar garow wanaagsan, gaar ahaan meelaha laga filayo roobab xooggan.
๐ฌ Adiga deegaankaaga roobku sidee buu ahaa?
La wadaag khibradaada faallooyinka ๐
DHAMMAAD
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
20/04/2026
Muqdisho, 20 Abriil 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud iyo xubno ka tirsan howl-wadeennada Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay madaxda sare ee Hayโadda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho iyo soo dhoweynta Wasiirka cusub, iyo sidoo kale is-weydaarsiga xogaha ku saabsan mashaariicda socda iyo kuwa la qorsheynayo in dhawaan la billaabo.
Wasiirka ayaa warbixin ka bixiyay safarro uu ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Mudug, isagoo si gaar ah uga hadlay xaaladaha abaarta iyo dhibaatooyinka ka dhashay biyo laโaanta ee ka jira deegaannadaas.
Dhankooda, hayโadda IOM ayaa soo bandhigtay horumarka mashaariicda ee ka socda qaar ka mid ah deegaanada Galmudug
Kulankan ayaa kusoo gebengeboobey xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda iyo IOM, si loo dardargeliyo horumarinta adeegyada biyaha iyo tamarta ee bulshada.
DHAMMAAD_________________
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
15/04/2026
Galkacyo : 15April ๐๐๐๐
Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu xusayay Maalinta Biyaha Adduunka.
Munaasabaddan waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo ay kaashaneyso hayโaddaha ka shaqeeyo arimaha biyaha oo kala ah arche noVa iyo IMC.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay
Agaasimaha waaxda biyaha ee WasaaraddaTamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug Mudane Eng Abdulkadir Abdullahi Maxamed , iyo maamulka degmada Galkacyo, wakiillo ka socday hayโaddaha arche noVa iyo IMC, iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa diiradda lagu saaray baahida weyn ee biyaha ka jirta magaalada, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha. Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug ayaa fulisay biyo-dhaamin loo sameeyay dadka ku nool kaamamka, taas oo si weyn u caawisay qoysaska nugul.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug mudane Eng Abdulkadir Abdullahi ayaa sheegay in wasaaraddu ay waddo qorshe lagu daboolayo baahida biyaha, isagoo xusay in ku dhawaad 30,000 oo qoys ay haleen biyo dhaamin iyo kuwo hadd qorshuhu yahay in la gaarsiiyo biyo nadiif ah sida loola tacaalo dhibaatoyinka abaartu sababtay.
DHAMMAAD
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
15/04/2026
Saadaasha Roobka Toddobaadka (15โ21 Abriil 2026) ๐ง๏ธ
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug โ Waaxda Hydro-Meteorology ayaa soo saartay saadaasha roobka ee toddobaadkan.
Khariidaddan waxay muujineysaa qiyaasta roobabka laga filayo degmooyinka kala duwan ee Galmudug inta u dhaxeysa 15 ilaa 21 Abriil 2026.
Sida muuqata, roobab dhexdhexaad ah ilaa xooggan ayaa laga filayaa deegaanada galbeedka iyo bartamaha sida Cabudwaaq, Dhuusamareeb iyo qaybo ka mid ah Cadaado, halka deegaanada bari iyo xeebaha sida Hobyo, Xarardheere iyo Ceel Dheer ay u badan tahay inay helaan roob fudud ama kala googoโan.
Guud ahaan, roobku ma aha mid si siman u wada gaari doona dhammaan gobollada, balse wuxuu muujinayaa bilowga xilli roobaadka Guโga .
Roobabkan la saadaaliyey ayaa muhiim u ah:
โข Dib u soo kabashada dhulka iyo daaqa ๐ฑ
โข Helitaanka biyaha dadka iyo xoolaha ๐ง
โข Xoojinta wax soo saarka beeraha
โข Yaraynta saameynta abaaraha
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug waxay bulshada ku wargelinaysaa inay la socdaan wararka iyo saadaasha cimilada si loo helo diyaar garow ku habboon, gaar ahaan meelaha laga filayo roobab xooggan.
DHAMMAAD
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
09/04/2026
Saadaasha Roobka Toddobaadka (09โ15 April 2026) ๐ง๏ธ
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug โ Waaxda Hydro-Meteorology ayaa soo saartay saadaasha roobka ee toddobaadkan.
Khariidaddan waxay muujineysaa xaaladda roobabka laga filayo degmooyinka kala duwan ee Galmudug inta u dhaxeysa 09 ilaa 15 Abriil 2026. Sida muuqata, inta badan deegaanada Galmudug waxay wajahayaan roob aad u yar ama roob laโaan, iyadoo aan la arkin roobab muuqda oo si ballaaran uga daโaya gobolka.
Deegaanada sida Dhuusamareeb, Cadaado iyo Ceel Buur waxay muujinayaan xaalad qalalan, halka Hobyo, Xarardheere iyo Ceel Dheer ay sidoo kale u badan tahay inay sii wataan roob laโaan ama roob aad u kooban.
Guud ahaan, roobku ma aha mid si siman uga daโi doona gobolka, wuxuuna si cad u muujinayaa xaalad qalayl oo weli ka jirta Galmudug, iyadoo aan wali si muuqata u bilaaban xilli roobaadka.
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug waxay bulshada ku wargelinaysaa inay la socdaan wararka iyo saadaasha cimilada si loo helo diyaar garow ku habboon.
NB: Saadaasha roobka way isbeddeli kartaa mar kasta.
Fadlan la soco warbixinada rasmiga ah ee Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha.
DHAMMAAD
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
08/04/2026
๐ข OGAYSIIS: FURSAD MAALGELIN TAMAR CAGAARAN
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowladda Goboleedka Galmudug waxay ku wargelinaysaa dhammaan shirkadaha bixiya adeegga korontada ee ka hawlgala Guriceel, Hobyo iyo Adado in la kordhiyay muddada k**a dambaysta ah ee codsiyada mashruuca:
Africa Mini-Grids Programme (AMP) โ Somalia
Mashruucan wuxuu taageerayaa hirgelinta iyo ballaarinta nidaamyada koronto ee ku shaqeeya tamarta qorraxda iyo batteriga, isagoo ujeedadiisu tahay:
๐ Kordhinta helitaanka koronto la isku halayn karo
โฝ Yaraynta ku tiirsanaanta shidaalka diesel
๐ฐ Hoos u dhigista qiimaha korontada ee bulshada
Wasaaradda Tamarta Galmudug waxay ku dhiirigelinaysaa dhammaan shirkadaha u qalma inay ka faaโiidaystaan fursaddan, islamarkaana si taxaddar leh u akhriyaan shuruudaha iyo habraacyada tartanka.
โฐ Waqtiga cusub ee k**a dambaysta ah ee soo gudbinta codsiyada:
๐๏ธ 13 May 2026 โ 05:00 AM (New York Time)
๐๏ธ 13 May 2026 โ 12:00 PM (EAT โ Somalia Time)
๐ Faahfaahinta tartanka iyo codsiga:
๐ [https://procurement-notices.undp.org/view_negotiation.cfm?nego_id=43788](https://procurement-notices.undp.org/view_negotiation.cfm?nego_id=43788)
๐ Dukumeentiyada mashruuca (Download):
๐ [https://drive.google.com/drive/folders/1-toLSJeaOXYK9atZ0D5r-OVtGm4r1HVJ?usp=drive_link](https://drive.google.com/drive/folders/1-toLSJeaOXYK9atZ0D5r-OVtGm4r1HVJ?usp=drive_link)
Wasaaradda Tamarta Galmudug waxay diyaar u tahay inay shirkadaha siiso hagitaan iyo faahfaahin dheeraad ah si loo xaqiijiyo ka faaโiidaysiga fursaddan muhiimka ah.
๐ข Fadlan la wadaag si wargelintani u gaarto dhammaan shirkadaha korontada ee Galmudug.
DHAMMAAD
Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
TENDOR DOCUMENTS AMP-GALMDUG - Google Drive