07/10/2026
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐: ๐๐- ๐๐๐ญ๐จ๐๐๐ซ-๐๐๐๐,
Waxaan maanta soo xiray tababar muddo socday oo loo qabtay Ciidanka Dab-damiska ee magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle.
Tababarkan oo lagu qabtay caasimadda Laascaanood, ayaa ciidanka lagu baray aqoon iyo xirfado muhiim u ah ka hortagga, xakamaynta iyo la tacaalidda dababka iyo masiibooyinka kala duwan, iyadoo ujeeddadu ahayd in bulshada loo helo adeeg dab-damis oo hufan, xirfad leh, isla markaana si degdeg ah uga jawaaba xaaladaha degdegga ah.
Waxaan kula dardaarmay ciidanka inay si masuuliyad, daacadnimo iyo xirfad leh uga faaโiidaystaan aqoontii iyo casharradii ay tababarka ku qaateen, isla markaana ay si wanaagsan uga howlgalaan Laascaanood iyo Buuhoodle, si ay u ilaaliyaan nafta, hantida iyo badbaadada bulshada.
Munaasabadda xiritaanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska, S/Guuto Cismaan Ibraahim Gadhle, Duqa Caasimadda Laascaanood, Mudane Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, iyo Duqa Degmada Buuhoodle, Mudane Cabdifataax Cali Cawil.
Ugu dambayn, waxaan shahaado-sharafyo guddoonsiinnay macallimiintii iyo tababarayaashii muddada tababarka gacanta ku hayey, anigoo ku bogaadiyey dadaalkooda iyo kaalintii ay ka qaateen tayeynta iyo kobcinta awoodda Ciidanka Dab-damiska.
Waxaan rajaynayaa in aqoonta iyo xirfadaha ay ciidamadu tababarkan ku qaateen ay si wax-ku-ool ah ugu adeegaan bulshada, ayna kaalin muuqata ka qaataan badbaadinta nafta iyo hantida shacabka.