19/03/2026
Ciid mubaarik.
Waxaan shucuubta islaamka gaar reer somaliland dawlad iyo shacab ba ugu hambalyeynayaa munaasibadda ciidul fidriga.
ALLE swt bishan bisheeda haynagu gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo, naxariistiisana haynagu gallado.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
17/02/2026
رمضان مبارك
ALLE swt ayaa mahad leh inagu simay curashada bisha barakaysan ee RAMADAAN.
Kuwii khayrkeeda guta ee ka faa'iidaysta rabbi haynaga yeelo, abaarahana haynaga jebiyo bishan bisheedana badhaadhe nabad iyo barwaaqo haynagu gaadhsiiyo.
16/02/2026
Maayirku xigeenka degmada gar'adag sahal maxamed ismail, oo ay weheliyaan qaybo ka mida xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada gar'adag. ayaa gaadhay deegaano hoos-yimaada degmada gar'adag kuwaasi oo ay ka jirto xaalad abaareed iyo mid biyo la'aaneed oo aad u darani.
Maayirku xigeenka iyo xildhibaanada safarka ku weheliya ayaa soo indho indheeyey xaaladda dad iyo duunyo ee deegaanadan abaartu faraha ba'an ku hayso, iyagoo xog dhamaystiran ka helay inta ay baaxad le'eg tahay abaarta deeganadani ka jirta, taasi oo layska kaashan doono sidii dadka xoola dhaqatada ah loogu fidin lahaa gurmad kala duwan.
07/02/2026
Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe iyo qaarka mida xubnaha golaha deegaanka ee degmada gar'adag ayaa deeq raashin ah oo ay soo bixisay hay'adda AMOUD FOUNDATION ka qaybiyey oo gaadhsiiyey dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmada GAR-ADAG iyo deegaanka FADHI-GAAB oo ka tirsan degmadaasi.
Duqa degmada gar'adag ayaa hay'adda AMOUD uga mahadnaqay deeqdan ay soo gaadhsiisay kana waramay awoodda xaalka abaareed ee degmada GAR-ADAG iyo deegaanada hoos-yimaadaa wajahayaan, oo ah mid baaxad weyn leh.
Deeqdan raashinka ah ayaa gaadhay inka badan 700 oo qoys oo danyar ah kuwaasi oo ku kala sugan GAR-ADAG iyo FADHI-GAAB.
21/01/2026
Mudunayaasha golaha deegaanka ee degmada gar'adag ayaa maanta soo afmeeray kalfadhigoodii 13 aad ee ay yeeshaan.
Kalfadhigan oo uu shir gudoominayey duqa degmada gar'adag ahna gudoomiyaha golaha deegaanka gar'adag dr abdilahi sulieman boobe oo biowday shalay ayaa maanta soo xidhmay, iyadoo ay soo xaadireen badiba xubnaha golaha deegaanka ee degmada gar'adag.
Klafadhigan ayaa goluhu kaga dooday qodobo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin adkaynta nabadgelyada iyo sidii layskaga kaashaan lahaa deegaanada iyo dadka ay aadka u saamaysay abaarta iyo biyo la'aanta ee gar'adag iyo deegaanadeeda, iyo qodobo kale oo khuseeya shaqooyinka gudi hoosaadka golaha iyo hawl qabadkooda....
31/12/2025
Happy new year.
Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe isagoo ku hadlaya afka golaha deegaanka ee degmada gar'adag iyo ka guud ahaan shacabka reer gar'adag wuxuu hambalyo ku aadan dhalashada sanadka cusub ee miilaadiga 2026 u dirayaa shacabka reer gar'adag ka gobolka sanaag iyo guud ahaan shacab weynaha reer somaliland,
Si gaara wuxuu ugu hambalyeeyey duqa degma gar'adag dhalashada sanadka cusub awgii madaxweynaha qaranka somaliland mudane abdirahman mohamed abdulahi cirro iyo xukuumadiisa oo noqotay mid dalka iyo dadka u horseeday ictiraaf qaranka somaliland uu ugu curtay sanadkan cusubi,
Duqa degmada gar'adag sidoo kale wuxuu shacabka reer somaliland ugu baaqay inay sii laban laabaan doorkooda ilaalinta nabadgelyada wada shaqaynta is jacaylka iyo ilaalinta ictiraafka uu qaranka somaliland helay,
Duqa degmada gar'adag wuxuu ALLE swt uga baryayaa shacabka reer somaliland inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabad qab barwaaqo horumar iyo ictiraaf uu qarankeenu ka helo gebi ahaan dalalka kala duwan ee caalam.
26/12/2025
Hambalyo reer somaliland,
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka golaha deegaanka ee degmada gar'adag waxaan hambalyo farxadeed u dirayaa dhammaan shacab weynaha reer somaliland waxaan si gaara u hambalyaynayaa madaxweynaha qaranka somaliland mudane abdirahmaan mohamed abdilahi cirro oo ka dhabeeyey aqoonsigii ay reer somaliland sugayeen 34kii sano ee aynu dal ahaan jirnay.
Shacabka reer gar'adag ee sharafta leh waxaanka codsanayaa inay caawa iyo maalinta berri ah isusoo bax balaadhan sameeyaan oo lagu taageerayo madaxweynaha qaranka JSL oo sanad gudihii dalka ictiraaf ku gaadhsiiyey,
Berri iyo khayriyadda gar'adag.
Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe.
25/12/2025
Maamulka degmada gar'adag oo uu hogaaminayo duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe oo ay weheliyaan qaybo ka mida xubnaha golaha deegaanka ee degmada gar'adag,
Ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen xarunta dawladda hoose ee degmada gar'adag waxay kaga warbixiyeen xaaladda abaareed iyo biyo la'aaneed ee ka jirta degmada gar'adag iyo deegaanada hoos-yimaada oo maraysa meel adag maalinba maalinta ka danbaysana kasii darayso,
Sidoo kale waxay maamulka golaha deegaanka degmada gar'adag gudida abaaraha heer qaran iyo badhasaabka gobolka sanaag uga mahadceliyeen deeq biyo ah oo dhamayd 30 booyadood ay soo gaadhsiiyeen gudida abaaraha heer qaran oo badhasaabka sanaag ay u soo wakiisheen,
Deeqdan biyaha ah ayey maamulka dawladda hoose ee degmada gar'adag sheegeen inay gaadhsiin doonaan meelaha ay aadka uga jirto biyo la'aanta darani.
17/12/2025
Duqa degmada gar'adag dr abdullahi suleiman boobe ayaa magaalada ceerigaabo ee xarunta gobola sanaag, kaga qayb galay xafladda xil wareejinta badhasaabkii h**e ee gobolka sanaag ahmed abdi muuse iyo badhasaabka cusub ee dhowaan madaxweynaha qaranka somaliland u soo magacaabay gobolkaasi mohamoud raage ibrahim...
17/11/2025
Xubno ka mid golaha deegaanka degmada gar'adag oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golahaasi ahna duqa degmada gar'adag,
Isla markaana ay ku weheliyaan taliyaha ciidanka booliska ee degmadaasi gar'adag,
Ayaa kormeer ay ugu kuur gelayeen xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada hoos-yimaada degmada gar'adag ugu baxay deegaanka SINCARRO ee ka tirsan degmadaasi gar'adag,
Kuwaasi oo ay warbixino kala duwan ka dhegaysteen waayeelka iyo maamulka deegaankaasi isla markaana soo indho indheeyey ceelka SINCARRO.