Garaad Cali Axmed Cabdi

Garaad Cali Axmed Cabdi

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Garaad Cali Axmed Cabdi, Social service, Erigavo.

Photos from Garaad Cali Axmed Cabdi's post 28/12/2025

Shalay oo taariikhdu ahayd 27-12-2025. Waxaa kulan balaadhan isugu yimi Haldoorka, Guurtida iyo Aqoonyahanka beesha baahawadaag Bah-iidoor iyo Xasan liibaan. Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa labo qodob.

1: in mahadcelin iyo duco loo sameeyo guddiyadii iyo xubnihii firfircoonaa ee hawsha caana shubka sida quruxda badan ee hufan usoo maamulay (Rag iyo haween ba)

2: in beeshu iska xog waraysato arrimeheeda u gaarka ah sidoo kalena wax iska weydiiso shaqooyinka mudnaanta leh ee beesha u yaal.

Alle mahaddii, kulankaasu wuxu kusoo dhamaaday si khayr iyo is waafaqitaan.

Photos from Garaad Cali Axmed Cabdi's post 20/12/2025

MAHADCELIN.

15-12-2025 waxaa si qurux badan oo nabad geliyo ah noogu qabsoomay munaasibadda caana shubka Garaadka guud ee beelaha Baaha wadaag Bah-iidoor iyo Xasan liibaan. Xilkaas oo ay tolka sharafta leh ee baahawadaag Bah-iidoor iyo Xasan liibaan ay aniga ii garteen duubkeedana ii xidheen.

Ugu horrayn waxa mahad balaadhan leh alle SWT oo hawshaas si nabad gelyo iyo guul ah noogusoo dhameeyey, marka xiga waxaan mahadcelin balaadhan iyo duco isugu darayaa guud ahaan tolka sharafta leh ee duubka ii xidhay si buuxda oo hagrasho aan lahaynna garab istaag iigu muujiyey haddii ay qurba joog ahaan lahayd, haddii ay reer guuraa ahaan lahayd iyo haddii ay bulshada qaybeheeda kale duwan ahaan lahayd ba (alle ha idin barakeeyo)

Sidoo kale waxaan aad ugu mahadcelinayaa guud ahaan guddiyadii iyo xubnihii firfircoonaa (Rag iyo haween ba) oo hawshatan bilaw illaa dhamaad maamulkeeda iyo fulinteeda gacanta ku hayey (alle ha idin barakeeyo)

Sidoo kale waxaan aad ugu mahadcelinayaa wufuuddii sharafta lahayd ee isugu jirtey isimada iyo cuqaasha ee kasoo safray gobolada fogfog ee kasoo qayb galay munaasibaddii caana-shubka. Sidoo kale waxaan iyana u mahadcelinayaa isimadii iyo cuqaashii waqtigu u saamixi waayey inay munaasibadda kasoo qayb galaan oo hambalyada iyo ducada hawada noosoo mariyey.

Ugu dambayn waxaan u mahadcelinayaa bahda Saxaafadda oo hawshani aaney la'aantood meel dheer gaadheen, sidoo kale iyana waxaan aad ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka iyo maamulka magaalada Xingalool oo si hagar la'aan ahna uga shaqeeyey amniga goobta iyo guud ahaan tan deegaankaba. waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin (alle haydin barakeeyo)

Ugu danbayn, Waxaan idinka codsanayaa inaad iigu ducaysaan xilkaas balaadhan ee masuuliyaddiisa aad duubka iigu xidheen. idamka Alle Waxaa inoo ballan ah wadajir, daacadnimo iyo talo-san.

ALLAA MAHAD LEH.

27/11/2025
27/10/2025

BAAQ NABADEED

Waxanu halkan baaq nabadeed uga diraynaa beelaha walaalaha ee ee “Muxumud iyo Bohogayslabe” oo muddooyinkii ugu danbeeyey dirir ku dhex martay qaybo kamida deegaanada gobolka Sanaag.

Waxan ka codsanaynaa beelaha walaalaha inaan intii h**e wax danbe lagu darin oo dirirta halkaas lagu joojiyo. Waxan guud ahaan waxgaradka iyo guurtida ku dhaqan gobolka Sanaag ka codsanaynaa inay si dhakhso ah oo wadajir ah uga shaqeeyaan fidinta gogol nabdeed si looga baaqsado dhiig danbe oo daata iyo colaad sii jiitanta.

Ilaahay waxan uga baryaynaa in beelahaas walaalaha ah boggooda burcad isu marayo.

Want your business to be the top-listed Government Service in Erigavo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Erigavo