Eyl Local Government

Eyl Local Government

Share

Page kaan waxa uu u soo gudbinayaa bulshada reer Punt Land wax qabadka iyo horumarka ka socda degmada Eyl.

Photos from Eyl Local Government's post 28/10/2025

TACSI

INAALILAAHI WA INAALILAAHI RAAJUCUUN.

Maamulka Degmada iyo Xildhibaanada Gollaha Deegaanka ee Degmada Eyl waxay ka tacsiyeenayaan Geerida naxdinta leh ee kutimi Alle ha u Naxariisto Maamulihii hore ee Caafimaadka Degmada Eyl Ahmed Adam ( )

Alle ha u Naxariistee waxa uu kamid ahaa dhakhaatiirtii waqtiga dheer ka shaqaynayay caafimaadka guud ahaan PL gaar ahaa Degmada Eyl.

Madaxda Degmada Eyl oo uu u horeeyo Duqa Degmadu waxay Eebbe weyne uga baryayaan inuu marxuumka naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dembiyadiisana dhaafo.

Sidoo kale, waxay samir iyo iimaan u rajeeyeen dhammaan ehelada, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay.

Alle ha u Naxariisto aamin aamin aamin

Photos from Eyl Local Government's post 23/09/2025



INAALILAAHI WA INAALILAAHI RAAJUCUUN.

Allle ha u Naxariisto Taliyihii Ciidanka Guutada Labaad ee howlgalka HILAAC IYO Guutada 14 aad ee DUUFAAN General Ahmed Abdi Ali Qarajb (Qalyare) oo Maanta Camaasiirta Naf lacaariga ahi ay QARAX miino ugu geesteen Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Xildhibaanada Gollaha Deegaanka iyo Maamulka Degmada Eyl waxay Tacsida tiiraanyonl eh u dirayaan Shacabka PL. gaar ahaan qoyska iyo Ehelka alle ha u Naxariistee General Ahmed Abdi Ali Qarjab.

Maamulka Dawlada Hoose iyo Shacabka Degmada Eyl Marna Ma ilaawi doonaan gacantii uu ka geystay iyo Nabad ku soodabaalidii shaqaaqo dhawaan ka dhacday Degmada Eyl.

Alle Waxaan uga Baryeynaa in uu Jano Fardowso Geeyo Qabrigana u qaboojiyo aamin aamin aamin

....

Photos from Eyl Local Government's post 15/09/2025

Garoowe : Guddoomiyaha degmada Faysal Khaliif Wacays Eyl ayaa qado sharaf u sameeyay kooxda kubadda cagta degmada, taasoo ahayd munaasabad lagu dhiirigelinayo ciyaartooyda iyo maamulka kooxda.

Guddoomiyuhu Wuxuu ku Bogaadiyay Dadaalka iyo Guulaha kooxda, Isagoo xusay Guulihii kale duwanaa Ay ka soo hooyeeen Koobka Kubadda cagta Ee Degmooyinka Gobolka Nugaal.

Munaasabada Oo ay ka qayb Galeen Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Eyl iyo Guddiga Uqareemida Xulka Kubadda cagta Degmadda ayaa Dhankooda Bogaadiyay xulka kubadda cagta Degmada Eyl.

Ciyaartooyda iyo maamulka kooxda ayaa dhankooda uga mahadceliyay guddoomiyaha martiqaadka iyo taageerada uu la garab taagan yahay dhalinyarada, waxayna ballanqaadeen inay sii laba jibaari doonaan dadaalkooda si ay u gaaraan guulo waaweyn oo ay degmada ku metelaan..

Photos from Eyl Local Government's post 14/09/2025

TAGERAYASHA XULKA DEGMADA EYL.

Photos from Eyl Local Government's post 14/09/2025

HAMPALYO XULLA DEGMADA EYL OO GALABTA GUUL WAYN KA GAARAY KOOBKA DEGMOOYNKA GABOLKA NUGAAL.

Photos from Eyl Local Government's post 10/09/2025

Garowe- Sep- 10- 2025.

Waxaa Maanta Magaalada Garowe ee Caasumada Dawlada PUNTLAND ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Ururka Dawlada Hoose ee PUNTLAND kaas oo ay ku midaysan yihiin Dawladaha Hoose ee Mandaqada PL.

Xubnaha ururka ayaa Maanta Guddoomiyaha Ururka D/Hoose u doortay Duqa Degmada Garowe Abdulkadir Maxamed Geedi Halka Gudoomiye Ku xigeynka ururka loogu doortay Duqa Degmada Ufeyn Ahmed abshir Saciid.

Duqa Degmada Eyl oo ahaa Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka ururka ALGAPL Faysal Khaliif ayaa Hambalyo u diray Madaxda loo doortay ururka Dawladaha Hoose.

Duqa Degmada Eyl waxa uu u rajeenayaa Madaxda loo doortay ururka in ay ka shaqayn doonaan isku xirka iyo u qareemida Danaha ururka Dawladaha Hoose ee ALGAPL

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta Dawlada Hoose ee Degmada Eyl.

Photos from Eyl Local Government's post 21/08/2025

EYL+21-Aug. Waxaa Maanta si rasmi ah ugu Soo xirmay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Eyl ee Gollaha Deegaanka Degmada Eyl kaas oo 16 bishaan ka furmay Hoolka Dawlada Hoose ee Degmada.

Mudadii uu socoday kalfadhigaan ayaa Xubnaha Gollaha Deegaanka ee ku yimid iraadada Bulshada Degmada Eyl waxay dood adag uga yeesheen sidii Degmada looga hormarin lahaa dhanka kaabayaasha dhaqaalaha sida Dalxiiska, Jidadka iyo in Degmadu yeelato Marso Kaluumaysi.

Xiritaanka kalfadhiga oo ay ka hadleyn qaarkamid ah Xildhibaanada Gollaha Deegaanka Degmada Eyl ayaa tilmaamay in siwada jir ah oo Masuuliyadi kujirto Looga wada shaqeeyo Horumarka Degmada.

Xildhibaanada oo ka duulaya qorshaha horumarinta Degmada ayaa kubooriyey Maamulka Degmada in ay dardargaliyaan Fulinta qorshayaasha Degmada.

Dhanka kale qaarkamid ah haldoorma Magaalada oo ka hadlay kulanka ayaa Gollaha ku amaanay sida masuuliyada leh ee ay u gudanayaan Waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale Xogahayhaya Dawlada Hoose ee Degmada Eyl Abdinasir Yasin ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyey Ansixinta qorshaha lixda bilood iyo Odoroska Miisaaniyada 2026.

Ugu Dambayn Duqa Degmada Eyl Faysal Khaliif ayaa Xildhibaanada uga Mahadceliyey Talooyinkii ay Soo jeediyeen Mudadii uu Kalfadhigu socday isaga oo balan qaaday in ay Fulin doonaan.

Sidoo kale duqa Degmada ayaa Xubnaha Gollaha Deegaanka iyo Bulshada Degmada ika codsaday n Loodiyaar Garoobo qeyb wayna Laga qaato dhismaha Waddada oo dhawaan lafilayo in la bilaabo.

Ugu Dambeyn Gollaha Deegaanka ee Degmada Eyl ayaa Soo saaray Qodobo horotabin uleh Gollaha iyo Degmada kuwaas oo kala ah.

1. In La magacaabo Guddiga Horumarinta Degmada kaas oo ka koobnaan doona Qeybaha kala Duwan ee Bulshada.

2. U qareemida Waddada Laamiga ah ee Degmada oo dhawaan Laga howl galidoono.

3. Adkaynta Nabadgalyada Degmada iyo u qareemida Bulshada Nugul.

4. Ilaalinta Deegaanka iyo tayeynta adeegyada Bulshada sida Waxbarashada iyo Caafimaadka.

5. In Degmada loo dhiso Guddiga PPP oo la socondoona howlaha Ceelasha.

Dhamaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta Dawlada Hoose ee Degmada Eyl.

18/08/2025

Mid ka mid ah Haldoorka Degmada Eyl Filsan Siciid oo Kalmadii furitaanka Kalfadhiga ku boorisay Isimada, Madaxda Gobolka iyo Madaxweynaha Dawlada PUNTLAND Dr. Said Abdullahi Dani in ay u kacaan dhismaha Wadada Eyl oo lafilayo in ay dhawaan bilaabmi doonto.

18/08/2025
Want your business to be the top-listed Government Service in Eyl?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Eyl

Telephone

Website

Address


Dawad
Eyl
252